DEG-DEG+SAWIRRO: Puntland oo xukun dil ah ku riday Rag katirsan Al-Shabaab

Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidanka qalabka sida iyo dambiyada culus ee 5 gobal ee Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku riday maanta afar xubnood oo kamid ahaa Amniyaadka kooxda Al-Shabaab.

Xubnaha lagu riday xukunka dilka ah ayaa kala ah Jaamac Aadan Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaahi Salaad Boos iyo Maxamuud Abshir Muuse Olyo. Maxkamadda Ciidanka Puntland ayaa sheegtay in Raggan ay ahaayeen Shabakad kamid ah Amniyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo dilal madax-jabis ah iyo qaraxyo ka geysan jiray caasimadda ganacsiga Puntland ee Boosaaso.

Soo qabashada Raggan ayaa waxaa iska kaashaday Booliska gobalka Bari iyo Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (PISF), kuwaas oo howlgallo ka sameeyay magaalada Boosaaso.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

  1. ALSHAYADIIN WALI MUJRIMINTAN MEYSAN FAHMIN WAXA KENAYA INEEY GOF AAN WAX GALABSAN IEEYD DILAAN IYO UMDAD DHAN O ISKA CAWEYNEYSA FARAXSAN GARIXIYAAN WA KUWA XARAANTA KUDHASHDA O CILAAN ILEEYN SIDII WACAL LO LAHAA BU KU KOREY WEYNA BADANYIHIIN CIIL BA HAYAKUWO BALWAD DILOTEY IYO KUWO NAFTODI KAGUSTEY O CUDURKA DILAGA AAH HAYO AIDS EE DUMARKA GALMADA XARANTA BADAN SAMEYSA LA GAADA MARKA DHABTU WATAS LAMANA DAWEYN KARO KUWAN MADAX ISKU SHEYGA AHI KHARASHAD BADAN BEEY KU CUNAAN WANANA BIXISA UNDHP MARKA HADI SI CILMI YARESAN LO ISTICMAALI LAHAA DILKU WA ISTAGI LAHA HADA WA KADHIMEY KUGUNA DHIMEY

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*