Hay’adda ICG oo ku baaqday in wada-hadal lala galo Al-Shabab

Warbixinta ay soo saartay hay’adda xasaradaha caalamka ee loo soo gaabiyo ICG ayaa faahfaahin ka bixinaysa dhibaatooyiinka ka dhashay dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabab, xilli dhanka kalena ay ku talisay haayaddani in wakti xaadirkan ay lagama maarmaan tahay in Al-Shabab lagu dayo wadahadal.

Dagaalka daba dheeraaday ayay warbixintu sheegtay in uu galaaftay nolosha dad badan islamarkana uu minja xaabinayo dib u dhiska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale ICG ay dowladda Soomaaliya kula talinaysa bal in waddooyiin kale loo maro hogaamiyayaasha Al-shabaab si loo tijaabiyo suuragalnimada wadaxaajood lala galo.

ICG ayaa madaxwaynaha cusub ee Soomaaliya Xassan Sh Maxamuud ku boorisay bal in uu markan tijaabiyo wadaxaajood lala galo Al-Shabaab.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda xasaradaha caalamiga ah ee loo soo gaabiyo ICG aya lagu xusay in ay jirto dood gudaha iyo dibadaba ah oo isa soo taraysa taasi oo ku saabsan in Al-Shabaab militari ahaan oo kali ah aanay suurgal ahayn in lagaga adkaadaa.

Waxaa ay sidoo kale haayaddani farta ku fiiqday in Marna aysan jiri doonin waqti ku habboon oo Al-Shabab wadaxaajood lala galo, balse ay macno badan sameynayso in la isku dayo hadda intii la sugi lahaa waqti dheer, haddaba hore laga bilaabo.

Hay’dda ayaa sheegtay in madaxwayne Xasan Sh Maxamuud markii uu xilka u tartamayay uu ballan qaaday inuu dib u heshiisiin dhex dhigi doono Soomaalida gudaheeda.

ICG ayaa xustay in su’aasha la is waydiin karo ay tahay in nabadaasi laga qeyb galiyo ama la gaarsiiyo kooxda Al-Shabaab.

Dhawaan ayay ahayd markii uu madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud uu sheegay in uu dagaal adag la gali doono Al-shabab oo uu jilcin doono ka hor inta aan laga fikirin in wadahadal lala galo.

Dagaalyahannada Al-shabab ayaa magaalada Muqdisho laga saaray sanaddii 2010, balse waxa ay wali kooxda awood ay u leeyihiin in ay weeraro ka fuliyaan magaalada Muqdisho iyo magaalooyiin kale.

Hogaanka kooxda ayaa horey u cadeeyay in aysan wax wadahadal ah la gali doonin dowladda federaalka ee Soomaaliya.

BBC Somali

PUNTLAND TIMES 

5 Comments

  1. ICG lafteedaa abuurta kooxaha dagaal yahanada si dhaqaale iyo shaqo joogto ah u helaan,adinkuna waxaasaad dadka war uga dhigaysaan!!

    Western world mentality works differently, one of their stupid mentality says “mushkilo abuur deetana xalli si dadka kuugu arkaan mid mushkiladaha xal u hela ” hada yaa maalgeliya kooxahaan??? Jawaabta yaan lagaa xadin intaanad dhegahaaga gaadhsiin..

  2. Aniga waxaan ku talin lahaa in kooxda mayalka adag ee xarakada shabaabul mujaahidiin lala hadlo. Oo lagu heshiiyo ku dhaqanka shariicada islaamka, ciidamada shisheeyaha dalka ka baxaan.

  3. Ururkaanu waa ciidan qabaailo leeyihiin oo danahooda ku fuliyaan oo Marka kalena ayaga laftigooda Dib ugusoo Noqda oo baada oona qarxiya.

    Hadii Cid la xaajoonoyso hadee cida ay ka dhasheen ee ku adeegata ee ay dhibta ku hayaan hala xaajoodaan… ama ha iska celiyaan.
    Jini ninkii keena ayaa bixiya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*