Ra’iisul Wasaare Xamze Barre oo hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliye Mudane Xamse Cabdi Barre oo ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay 62 guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa hambalyo ku aadan u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dibada iyo gudaha dalka.

“Waxaan dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyaynayaa munaasabada 26ka Juun oo ku beegan 62 guuradii kasoo wareegtey markii ay Gobolada Waqooyi Xorriyada ka qaateen Gumeystihii Ingiriiska islamarkaana ah markii u horeysey oo calankeena laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah. ” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in maalintani huwan tahay taariikh aad u dheer ayna tahay maalintii ummada Soomaaliyeed ay gumaysitii Ingiriiska ka xoroobeen. Waaxaana uu sidoo kale xusan halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed u soo gashay madax-banaanideeda iyo inay noqoto ummad si xor ah aayeheeda uga tashata.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Midowgii 2da gobal ee waqooyi iyo kuunfur reer waqooyi la’aan tood aysan suuragasheen.
Isagoo tilmaamay in maanta awlaadii halgamayaaashii xoriyada iyo midnimada keenay laga filaayo adkaynta midnimadii aabe yaashood horseedeen.

“Dadaalkaas dheer iyo halgankii xornimo doonka waxa xasuusin mudan in walaalaha reer waqooyi kaalin mug leh ay ku lahaayeen, waxay u hureen dhiigooda, libta 26ka juun, iyaga ayaana si gaar ah ugu suntan. Waxaan balan qaadayaa in aan dadaalkii ay ku baxsheen xormimada iyo midowga mid u dhigma aan ku baxsho xalinta tabashadooda.”

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay xaaldaha xiligan dalka ka jira ayaa sheegay in dadkeenu wajahayaan duruufo adag oo ay abaaruhu keeneen, una dheer yihiin arrimo amni iyo mid dhaqaale oo u baahan in wax laga qabto.

“Xukuumaddaydu waxay ahmiyad gaar ah siindoontaa sidii loo laba jibaari lahaa dadaalada loogu gurmanaayo dadkeena abaartu saameysay. Inagoo ka yeelan doonaa qorshayaal cad-cad oo lagu sameeynaayo xal waara iyo in dalka loogu diyaariyo inuu awood u yeesho ka jawaabista musiibooyinka qaran.”

Mudane Xamse ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga fadhiyo halgankii xornimo doonka ahaa mid la mid ah, taas oo ah waajib muwaadin kasta saaran sidii looga gudbi lahaa kooxaha dadkeenii go’doomiyey ee u diidan in xitaa raashin gurmad ah iyo biyo loo geeyo shacabka gaajada iyo haraadka u dhimanaya.

PUNTLAND TIMES 

5 Comments

  1. Soomaaliyada uu Xamze Barre tilmaanta ka bixinayo, martabaddeeda iyo marxaladdeedaba weli lama gaarin, waase midda ay Soomaalida Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Awdal, iyo Sanaagta Galbeed naawilayaan oo una taamayaan.

    Sababta aan hadalka sidaas ugu dhigay ayaana ah mid salka kuhaysa xaqiiqada ah in aanay Soomaalida maanta kasinnayn, wadaagin, uheellannayn oo una wada bislayn hankaas, hiraalkaaas, iyo himiladaas iyaga ah – sida laga dheehan karo farqiga weyn ee dhexyaalla Soomaalidaas kale iyo beelaha Hargeysa iyo Muqdisho isku keli yeelay.

    Judging by his polite demeanour and measured optimism, Xamze Barre appears to be the right man but in the wrong crowd. His body language and manner of speaking tell it all: that even he can sense that it is Xassan Sheekh himself, his inner circle (Unukaa Leh Squad), and their overseas masters that will prove to be the greatest obstacle that will frustrate and thwart his noble mission and novel mindset to make Somalia great again.

    I already feel sorry for the man, really.

  2. Kuwa Puntland iyo Jubbaland ku abtirsada ee meelkasta meehannawga iyo muusanawga lataaganna waxaan oranayaa sidan: war Xassan iyo Xamarba axsaankii iyo abaalkii qarniga ayay idiin galeen e waxba idiin may dhimin.

    Waxay idiin bidhaamiyeen inaydin ahaydeen doqomo inta dahabka ay dulfadhiyaan laga madoobeeyay reero kale dhuxushooda dahab umaleeyay oo u hanqaltaagayay.

    Waajibkiinnu wuxuu maanta yahay inaydin kasoo fikirtaan oo falawgeedna latimaaddaan sidii ay Kismaanyo iyo Boosaaso Xamar iyo Hargeysa xuf ugu dhaafi laahaayeen oo caalamkuna ugu soohiran lahaa.

    You are like kings living in palaces that thought of themselves as serfs living in the servants’ quarters, but whom the serfs have shown to be the real kings. Yet, you are still howling after a status that never befitted you while being totally blind to your own glorious status.

    Words fail me!

  3. Nooca xukumaadda uu soo dhisi doono ee talaabada 2aad Dowladda cusub ayaa na tusin doontaa bal in waxa Xasan Shiikh sameeyay ka duwantahay ama lamid.Hadii wejiyo cambaar iyo dhaqan xumo horey u sitay loo magacaabo wasiiro waxay noqon niyadjab 2aad.
    Midda kale waa in xukumad yar oo kooban sameeyo,hadii kale sheekada waxay noqon nin sabool ah oo tuugsado hadana kuukarro caan ah in ay cuntada u kariyaan rabo. Dhaqaalaha bloated portfolio lagu dhisayo waa in samata bixinta dadkeena dhibaataysay lagu gargaaro.

  4. Markii uu kal hore madaxweynaha ku magacawnaa, Xasan-Sheekh waxaa lagu xasuustaa in uu oggolaaday in Kenya iyo Itoobiya ka mid noqdaan AMISOM; waddamada safka hore, oo illaa hadda ciriqooda la bixin la’yahay.

    Waxaa kale oo lagu xasuustaa, qabyaalad baahday iyo wax walba oo la diirto, xitaa garaamaadkii ciidamada iyo cid kasta oo dawladda u shaqaynaysay. Lama tirin karo waxa qaab darro iyo qaran dumisnimo ah oo ninkan lagu xasuusto. Haddana waxaa muuqata in uu dhammaystirayo qabyadii qarandumisnimada & xatooyada & qabyaaladda ahayd ee ka qabyada ahayd, waxaana tuse fiican u ah ninkan uu magacaabay ee kaliya looga dabaal degay Nayroobi, Jigjiga & Gaarisa; waxa soo raacana waa Kismaanyo & qaar kamid ah degmooyinkeeda oo ay haystaan Kiiniyaatigii uu horay Xasan ugu oggolaaday waddanka.

    Waxaan, marka, Xamse & Xasan ku odhan lahaa u hanbalyeeya Nayroobi, Gaarisa & Jijiga.

  5. xasan shiikh markuu safar dibada aado muxuu habargiditra iyo xooga hawiya u ka xeeystoo dadka kale ku nacay maxaa la qarin xaji dadku ka wiswis socd xumadaada ma
    daroodaka sirta israail laga qarin waagii horen madweeyeen noqday nin aan hawiye a’heen ma ka xeeysanjirin tarsan ayaa liidarka’ah hadase mawadatid lakiin haybadle farmaajo cuqdadaas ma qabin xataa la taliyaashiisa kuwax xafiiska fashiya kuwa dadka soo dhoweeya kuwa cuntada kariya kuwa dibada udirsado kuwa madax cidanka’ah kuli
    hawiye ubadnayeen labada nin mid daacad iyo kalsoni ayaa ka muuqaan jiraytay laakiin xasan khaainimo,kalsooni xumo iyo wax kala qarin baa ka muuqata inuu dadka oo dhan madaxweeyne uyahay ma oga miya?tuugow mareegaale dadku kuma nebcaa guul hel laakii ha gaatamin dadku yuu kaa didin

Comments are closed.