Ra’iisul Wasaare Xamze, ma heli doonaa maanta codka kalsoonida ah ee Golaha Shacabka BJFS ?

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta oo sabti ah codka kalsoonida ah u qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee XFS Xamze Cabdi Barre.

Farriin loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka oo ka dhacay xaruntooda KMG ah ee Villa Hargeysa.

“Beri oo  Sabti ah 25 June waxaa jira kulan-weynihii Golaha Shacabka Baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya. Ajendaha kulanka u codeynta kalsooni siinta R/Wasaaraha  magacaaban. Goobta _ Xarunta Golaha Shacabka ee Villa  Hargeisa. Wakhtiga – 09.00 Subaxnimo”.

Ma la ansixin doonaa Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ?

Xamze Cabdi Barre, ayaa dadaal ugu jiray maalmihii u dambeeyay in uu helo codka kalsoonida ah ee Golaha Shacabka BJFS, oo uu xubin ka yahay. Waxaana uu kulamo gaar gaar ah la qaatay Xildhibaanada, iyo xubnaha saameynta ku dhex leh, sida Madaxweynayaashii hore ee DFS Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

PuntlandTimes, ayaa fahansan in uu Ra’iisul Wasaare Xamze uu heli doono codka kalsoonida ah ee Golaha Shacabka BJFS, maadama ay sidoo kale olale xooggan ugu jiraan Villa Soomaaliya iyo Jubbaland.

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Laaluushkii dhowaan lakala qaatay hadmuu dhamaaday, waa dad aan xakame lahay!

    Ninkaan waaba cusub yahee goormaa wax lays warsadaa, ninka dawlad idiin qabaase idinka daran…

  2. Ninkaan waa somali inkasta
    Oo qoys ahaan aay yara
    Nacbaayeen wadaniga somaliga ah mohamed abdulahi farmajo
    Laakiin hadii aan nahay SAde
    Daarood waan ogolnahay in uu
    Halo codka paramaanka
    Waliba farmajo ayaa naga
    Codsaday maxaa yeelay wallaahi inuu wanaag udhashay
    Mesha hamse adeeradii
    Aay ku tahayeen alow hasoocalin farmajo
    Asagu waa uu uhiliyay
    Ninkan imaday
    SADE WUXUU DONAYAA AXMAED Madobe
    INUU BANEEYO KURSIGA
    AS 4.5
    ASC
    SOMALI

Comments are closed.