Sacdiya Salaad oo noqotay Ku-simaha Madaxweynaha JFS

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee JFS, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa noqotay Kusimaha Madaxweynaha dalka, kaddib markii uu maanta safar dibadda u ambabaxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa shalay u baxay safar dibadda ah.

Xildhibaan Sacdiya ayaa horey noqotay Haweeneydii ugu horeysay ee kamid noqota Guddoonka Golaha Shacabka BJFS, Waxaana haatan ay noqonaysaa Gabadhii ugu horeysay ee noqota Kusimaha Madaxweynaha JFS.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. KUSIME KUYEEN KKKKK
    Ragii puntland ka yimid ayaa lagu furtay Mogadishu ee dumarkoodi xay galaan oo ka gooyaay xamar kkkkk

  2. Kkkk madaama meeshii Cidlo u noqotay ha sameyso sidii karaash sameeyey… oo ha Kala Cayriso waxa Meesha jooga…. Koley sidii deeni oo kale ayuu gurguurte soo ceshan doonaaye.

  3. Markii hore ayaa wax walba ay ahaayeen,wax qalad ah 99% waa doorasha dii ay soo xuleen,Deni,Madoobe,qoor qoor,Guudlawe iyo Lafta green.
    Alifkii kaa xumaada al baaro ku dhibaa.
    In Sacdiyo awalba in ka keeno ayaaba ahayd,mid aan laga fiirsan,dumar ahaan uma lihi,ee meesha waxay ahayd in qofna dumarka ah ee aqoon badan ka keeno.
    Adan Madoobe,Cabdi Xaashi Cabdullahi in aysan gudoomiye noqon baa dalka Shacabka Soomaaliyeed u fiicnayd.
    Madax Wayne mudane Xassan Shiekh Maxamuud,waxa lago bartay in hantida dadwaynaha Soomaaliyeed uu boobo,shaki kuma jury in ay Xamar ka muuqata hantidii dadwaynaha Soomaaliyeed oo uu dhacay.
    Biliwgiiba,waxa uu keenay,Mahad Salaad,iyo wax uu ergay ugo yeeray oo uu u magacaabay mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur,.
    Xassan,nin Wayne xabtiisa ma nooga ee aano eegno in uu sidii hore wax u boobo iyo in uu isbedelay,tariikhda ayaa sheegi doobra ,4 sano ma badba.
    Aan rajayno in uu si xaq u shaqeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*