SAWIRRO: Taliyayaasha Booliska goballada PL oo loogu yeeray Garoowe, Maxaa lagala hadlay?

Taliyaha Ciidanaka booliska Puntland S/Guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa maanta gudoomiyay shir looga hadlayay xaaladda amani ee gobolada Puntland.

Shirka oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka booliska Puntland waxaa ka qayb galay taliye ku xigeenka Ciidanka booliska DPL S/guuto Caydiid Axmed Nuur,Hogaanada Ciidanka, Taliyaasha Qaybaha gobolada Nugaal, Bari, Mudug, Sool, Karkaar, Cayn, Gardafuu, Sanaag iyo Haylaan.

Taliyaha Ciidanka booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Hogaanada iyo Taliyaasha qaybaha ka dhagaystay xaalada guud ee amniga Puntland iyo shaqooyinka baaxada leh ee socda.

Taliyaha ayaa Hogaanada iyo Taliyaasha qaybaha ku bogaadiyay doorka muhiim ka ah ee ay ka qaateen adkaynta amniga degaamada Puntland isagoo ku la dardaarmay in ay halkaas ka sii wadaan si loohelo deegaan nabdoon.

PUNTLAND TIMES

3 Comments

  1. kkk waxaa lay waydinayaa talo sideen soomalilandiyo soomaaliya uga badbaadi karaa ileen labada mucaarad ayaan ku nahay ileen waa qorshaha uu wato sansibaarka iyo 4 qof ee qowlasatada ee la shaqaydata kkk

  2. Waar Deni shir badanaa!
    Malaha waa sheekadii Carroweelo,Markay khatar dareento shirar badan ayay qaban jirtay si ay u ogaato rag xiniinyo leh bal in uu jiro oo gadaal wax ka abaabulaayo. Deni walwal ayaa haya ee shirarka waa kuwii Carroweelo oo kale.

  3. hersi gaab oo shegay in maamulka muuse biixi ee snm uu biilabay in xaniinyaha laga siibo raga dumarkana nasaha laga garaaco

Comments are closed.