XOG: Daabulashada daawooyin oo ka socota W. Caafimaadka PL & xaqiiqooyinka daahsoon

Waxaan ku ogaanay baaris aan sameynay todobaadyadii u horeeyey bishii May-2022 in keydka wasaaradda Caafimaadka Puntland xarunteeda-Garoowe laga saaray daawooyin loogu talogalay in loo qeybiyo Isbitaalada magaalooyinka waa weyn ee Puntland, daawadaas oo loo isticmaali lahaa qeybaha gargaarka deg deg ah, Dawooyinka dadka nugul, sida Hooyada & Dhalaanka, qeybaha Qaliinka, & Daawooyinka Nafaqa la’aanta Caruurta.

Waraaqo loo gudbiyey Hay’addii keentay dawooyinka Puntland, waxaa lagu cadeeyey in lagaarsiiyey dhammaan Isbitaalada magaalooyinkii loo qorsheeyey, guddi baaris ah oo kasocday Hay’addii bixisay dawooyinka oo kamid ah Hay’addaha QM ayaa tagay Isbitaalada laakiin waa laga waayay daawooyinkii.

Tanni, waxay sababtay in guddiga baarista ee Hay’adan ay dib ugu soo laabtaan xarunta wasaaradda Caafimaadka ee Garoowe, ayna codsadeen in la tuso muuqaaladii xiligii laga saarayey keydka Garoowe, waxaana muuqaalada laga arkay agabkii dawooyinka in loo raray goobo aan aheyn Isbitaaladii waraaqaha been abuurka ah laga sameeyey, Suuqana dib looga iibshay.

Kiiskan waxaa lagu xaliyey si qarsoodi ah, xubnihii kasocday Hay’adda bixisay iyo madaxda wasaaradda ayaa gaaray Is afgarad hoose,waxaana dhacay isku milan xubnihii baaristan waday iyo kooxihii markii hore-ba gaar u qaatay dawooyinkan, halkaasna waxaa lagu waayay dawooyinkaas oo suuqyada dib looga iibshay.

Masuuliyiinta wasaaradda caafimaadku si ay u qariyaan kiiskan, waxaa qaar kamid ah shaqaalaha laga dhigay kuwa shaqada laga ceyriyey, laakiin todobaadyo ay fasax nasiino ah heleen ayay dib ugu soo laabteen shaqadooda oo ay ilaa maanta ka shaqeynayaan.

Ugu dambeyn, Isla muuqaalkaas CCTV, la daawaday ee wasaaradda ayaa ahayd halka laga ogaaday in la xaday Buskutka caruurta nafaqo-darradu hayso loogu talo-galay, taas oo uu qiray Wasiirka caafimaadku maanta in la xaday 300kartoon.

Farah Abdulkadir Geylan.

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

  1. Maxaa loola yaabi waa caadi in masaakiinta magacooda lagu soo tuugsado hadana laxado. Dadka hadday Allah ka cabsanayn sharci dad waa in ka cabsadaan taana majirto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*