XOG: DENI oo shaqo joojin ku sameeyay Taliyayaasha Ciidanka Asluubta PL

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shaqo joojin ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland S/Guuto Bile Faarax Cali iyo adeegaya.Taliye kuxigeenka 1-aad ee Ciidanka Asluubta S/Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Axmed Gantaal.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa arbacadii kulan la qaatay saraakiisha sarre ee Ciidanka Asluubta Puntland, isagoo kala hadlay xaalada xabsiyada Puntland iyo maxaabiista ku jira.

Qaar kamid ah saraakiisha Ciidanka Asluubta ayaa walaac ka muujiyay xaalada xabsiyada Puntland, iyagoo ku eedeeyay Taliyaha iyo kuxigeenkiisa inay horseedeen inay meesha ka baxaan mashaariicdii hormarinta Ciidanka Asluubta iyo musuq-maasuq baahsan, kaas oo sababi kara inay albaabada xabsiyada ay ka baxaan dambiilayaasha ku jira.

Sidoo kale, Taliye Bile iyo kuxigeenkiisa Gantaal ayaa isku eedeeyay shirka uu Madaxweynuhu guddoominayay. Madaxweyne Deni ayaa weydiiyay labada Taliye sababta keentay gacan qaad dhowaan ku dhexmaray Taliska Ciidanka Asluubta Puntland ee Garoowe.

Dood dheer kaddib, Madaxweynaha Puntland ayaa shaqada ka joojiyay Taliyaha iyo Taliye kuxigeenka Ciidanka Asluubta.

PUNTLAND TIMES 

3 Comments

  1. ILMA XALAALKI GENERAAL CALI NUUR EE DISHISHE AYAA MARKU HOREYBA GACAN XALAALA KU HAYEEY HADASE ODEYGU WA HOWL GAB ALAAH CAFIMAD UBARNAYAAYE MARKU JAGADA BANEYEEY ILMA XARAMIYTI DHABAYACO MAXISHODANE FAAN UNBEEY KUNOYIHIIN IYO SIDS DUMARKA BADHI EEY LULAAN WAKUWAS BILILIGEYSTEY XALUFIYEEY INTI U ISKU DHODHOBI JIREY GENERAL CALI NUUR
    FHABAYACO WA DOFAR ABDKI DAHIREYN

  2. talow sansibaarka maxaa ka qaldan mise in tow maqnaay ayuu dad hoos ka siidaay
    Kkk walee sansibaarka seefta waa la soo baxay

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*