DEG-DEG+XOG: Xasan Sheekh oo socdaalkiisu ugu horeeyay ku tagaya UAE, Muxuu kala hadli doonaa?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta uu socdaalkiisii ugu horeeyay ee dibedda ah, tan iyo doorashadiisii ugu amba-baxo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa casuumaad ka helay dhiggiisa dalka Imaaraadka Carabta Mohammed bin Zayed Al Nahyan, iyagoo ka wada-hadli doona xoojinta xiriirka labada dal, sida ay sheegeen saraakiil kamid ah Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Xariirka DFS iyo Imaaraadka Carabta ayaa xumaa tan iyo sannadkii 2018kii, kaddib markii Dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Farmaajo ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabatay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo dollar, taas oo la sheegay in loo waday safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa hoos u dhigay xariirka dublmaaasiyadeed ee labada dal, waxaana Dowladdii uu hoggaaminayay ay xariir dhow la sameysatay Dowladda Qatar, oo marar badan lagu eedeeyay inay siisay Villa Soomaaliya malaayiin dollar oo lagu farageliyay doorashooyinkii Dowlad Gobaleedyada dalka qaarkood.

Madxaweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan saxiixay waraaq dib loogu wareejiyay Imaaraadka Carabta lacagtii laga qabtay 2018kii. Dowladda UAE ayaana Soomaaliya ugu deeqday lacagtaas, iyadoo ku wareejisay Xukuumadda si loogu adeegsado wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

  1. lacagta la sheegayo dib bay u qaybsadeen kooxda xasan. hada lafteedana waxa laga dalban in danahooda loo fuliyo. dano la kala bedelanayo meesha ma taal. waa murtidii xasan imaaraad lala heshiis yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*