DAAWO: 5 Caqabad oo shaacinta Wasiiradda XFS ka haysata Xassan iyo Xamse “Xal ma u heli doonan”

MUQDISHO(P-TIMES) – Soomaaliya, si weyn ayaan indhaha logu hayaa dhawaaqa ka yimaada dhinaca Xaafiiska Raysalwasaaraha  dalka, kaas oo laga sugayo Liiska xubnaha golihiisa wasiiradda, iyadoo ay xubno badan iska eegayaan liiskaas in ay magacyadooda ku dhex arkaan, hadda waxaa oso baxaya macluumaad kale kuwajahan sida jagooyinka loo qeybiyey, goobo wali hardan ka socdo iyo cabsida madaxda dawladda Faderaalka.

Warbixintan waxaan ku eegaynaa 5 qeybood oo loolan golaha wasiirada ah & caqabadaha horyaala qeybiyaayasha wasiiradda cusub.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAAL AH

1-Xassan Sheekh, oo ku dhiiran la’a jiho u dhaqaajinta qeybtinka Wasiiradda koonfur Galbeed.

Sida an sheegnay todobaadyo kahor magacaabida golaha waxaa eegaya hanaanka loo maareyntooda madaxda dawlad gobaleedyada, gaar ahaana Puntland iyo Koonfur Galbeed, oo labaduba sheeda ka eegaya hab dhaqaaq Xasan iyo Xamse, iyadoo si gaar ah u dhugunaya in xubnaha lagu darayo ee kasoo jeeda deegaankooda.

Ilo wareedyo wargal ah ayaa tabinaya in Madaxweyne Xasan isku dayay bilowgii in uu ka dhabeeyo balanqaadkiisii Baydhabo ee ahaa in xubnaha ka imaanaya KG ay noqdaan kuwa laga tala-galiyo Laftagareen, hayeeshee hadda uu talaabadaas hoos uga dagay, Haddii Laftagareen xubno uusan ku qanacsaneyn ay golaha ka mid noqdaan waxay sababi doontaa su’aalo fara badan oo ku foorarsanaya xariirka Baydhabo & Muqdisho.

Aaden Madoobe oo ah gudoomiyaha golaha shacabka, waxay macluumaadku sheegayaan in uu haysto warqad ay kuqoran yihiin magacyada wasiiradda kasoo jeeda deegaankiisa ee uu doonayo in golaha Fulinta loo daro, si gaar ah wuxuu u wataa shuraako siyaasadeed oo ay kamid yihiin xubno horey uga mid ahaa Aqalka Sare oo kuraastoodii waayey dhawaan, haddii laga tagana wuxuu ku hanjabay in aan waxba fududeyn noqon doonin.

Villadu, waxay hadda baahi u qabi doontaa sidii ay iskaga jeedin lahayd dhinaca Golaha shacabka Faderaalka, taas oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Laftagareen ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed, hadii ay kooxdaas weydo waxaa si fudud ku abuurmi kara isgaashaanbuursi xoogan oo u badan dhinacyada golaha iska dhex-waaya.

HALKAAN KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAAL AH

2-Deni oo wali aan lahadlin Xamse iyo Xasan, Damaciisa cusub ee mucaaradnimo iyo dhismaha golaha wasiiradda.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo tan iyo markii la magacaabay wasiirka 1aad  uusan wanagasaneyn xariirka kala dhaxeeya Villa Soomaaliya, ayaa wali latabinayaa in uusan ka jawaabeyn xariirada uga imaanaya dhinaca Muqdisho, ilo wareedyo ku dhaw-dhaw Villa Garoowe ayaa hoosta ka xariiqaya in ay xooga saarayaan sidii ay u eegi lahaayeen xubnaha laga qaadanyo Puntland, balse aysan dooneyn in ay talo kuyeeshaan.

Durba, Hooyadda Faderaalka waxay abuurtay Humaag-weyn oo jidka u xaaraya mucaaradnimo kasoo deg degta filashadii horey loo qabay, Imaaraat ilaa Addis Ababa ayuu isku maray todobaadkii tagay Siciid Deni, Hadal-hayeenada labada dhinacna waxay bilaabeen in hadda jawaabo isku mariyaan warbaahinta.

Xubno ku dhaw-dhaw Siciid Deni ayaa sheegaya in qiimeynayaan heerka kala madaxbaani ee Xamse iyo Xassan, haddii wasiiradda PL ay noqdaan kuwa ku damaca dhinaca Madaxweynaha waxay uga dhignaanaysaa Garoowe in aan waxba gacan ugu jirin Xamse, safarkiisa qorsheysan ee Puntland hoos ay u dhigi doonaan.

DHIMBIL: kale oo aan sahal aheyn ayay u tahay Villa Soomaaliya hadii aysan qaneeco siyaasadeed kahelin Deni, October oo uu furmayo kalfadhiga golaha shacabkana cabsi ayaa durba laga sii qabi karaa.

3-Ku loolanka Jagada R/wasaare kuxigeenka & Kursiga Beesha Boorama.

Ka sokow dhinacyada Koonfur Galbeed iyo Puntland, Dacar siyaasaded oo kale waxay dhinacyada dhisaya golaha wasiiradda ka haystaa maareynta dhinaca wasiiradda SL, gaar ahaana jagada Raysalwasaare kuxigeenka cida lasiinayo, labo kooxood ayayna u kala jaban yihiin kooxda Xasan Sheekh.

Koox doonaysa in laga dhigo Raysalwasaare kuxigeen ruux katirsan golaha shacabja, kana soo jeeda beesha Garjaxis, iyadoo abaal laga dhigayo in xubnahaas ay qeyb ka ahaayeen in HSM guul madaxweyne gaaro, Daraf kalena waxay doonayaan in jagadan loo cumaamado Ganacsade kasoo jeeda Beesha Habarjeclo ee Barriga Burco, maadaama 5tii sanno ee lasoo dhaafay beesha Garjaxis ay booskan soo heysay, loona baahan yahay dhiig cusub.

2-da Shuraako Haddaba dhinicii ku guuleysta dhagta Xasan ee Hantiya Jagada Raysalwasaare kuxigeenka xukuumadda soo socota, maahane dhinaca kale waa col u jog fursadooda gaadan doona, soo celintooduna qiimo sahlan uguma kici doonto Villada ilaa xagaaga dambe.

Dhinaca saami qeybsiga Boorama, Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaan liiska golaha waisirada kasoo muuqan doonin, waxaana bedelkiisa imaan doonaa Dr Cilmi Max’ed oo katirsan UPD- kaltankii hore ee xukunka HSM-na lagu ilaaway kursiga Keydka, Wasaaradda Maaliyada miyaa la geyn doonaa mise mid kale jawaab looma hayo.

4-Kuraasta Beesha Hawiye (Is doc-wareenka Saaxiibadii shalay).

Saami ahaan kuraasta beesha Xasan Sheekh ayaa laftirkoodu noqday dhimbil dab ah, saaxiibadiisii La Ogola ahaa ayaa u qeybsaday shabakado is wareemaya, balse waxa la hubo ilaa hadda waa in siyaasiinta kasoo jeeda beelaha daga Koonfur Gaalkacyo, Baladweyne, Buula-Barde iyo Ceelbuur ay heleen wasiiro.

Sheeko xiiso leh waa in Abshir Bukhaari oo ahaa madaxii Ole-olaha doorashada HSM, soona qabtay jagada gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare baarlamaamkii 10-aad uu hadda raadinaya jagada Wasiiru dowle madaxtooyo, iyana hubantida laga qabo ayaan sareynin, maadaama uu jiray heshiis horey u dhexmaray Wasiirkii 1aad ee xukunka baneeyey iyo Xasan, kaas oo dhigayay in xubin kasocota dhinaca Saaxiibadii Rooble lasiiyo jago kasta oo aan aheyn wasiir ayna hesho Beesha Cadaado.

5-Xulida Kuraasta beesha 5ad, Faarax iyo Sacdiya Salaad.

Waxaa la rumeysan yahay in mid kamid ah saaxiibada ugu dhaw ee Madaxweyne Xasan Sheekh oo ah Faarax Cabdulqaadir uu saameyn xoogan hadda leeyahay, marka laga hadlayo xulida golaha wasiirada, gaar ahaana kuwa qoondada beeshan, balse Sacdiya Salaad oo ah gudoomiye kuxigeenka 1aad ee golaha shacabka ayaa dhankeeda doonaysa in ay yeelato awooda xulida, waana is arag kale oo xiiso leh, haddii laga tago oo aan la qancina Sacdiyana waa awood gudoonka baarlamaanka ah oo mucaaradnimo isku diyaarinaysa, aan qarsan mawqifkeeda.

Imtixaan siyaasadeed ayay u tahay HSM, sidii uu labada garab-ba u heyn lahaa, Sacdiya ayaa ka mid ahayd siyaasiinta soo garabtaagnaa 5tii sanno ee lasoo dhaafay, kana tirsanayd xisbigiisa Faaraxna waa saaxiibkiisa mudada dheer.

Beesha saadaalinta lahelayo waa in wasaaraddaha Waxbarashada iyo Deegaanka ay mari doonaan dhinacooda.

 

7 Comments

  1. Habar shaydaan habar lagu caasiyo waa tahay, awlaad shaydaana awlaad wax caasida waa tahay. Putlayn xaaladeeda taa kama duwana..

  2. Wax qabad iyo dan guud wax ka hadlaya ma arkaysid Soomaaliya, waa is xulufaysi qabiil aan meel lagu gaarayn. Dadka Soomaaliyeed waxaa lagu mashquuliyay siyaasad aan faa’iido dhaqaalo, deganaansho siyaasadeed iyo horumar bulsho midna uga imaanayn.
    5 warshadood oo kaluunka sameeya baa ku filan.

  3. Salaan.kadib.waxaan.dhagaystay.nin.isku.magaccba.abukar.qaad diid..sheekh.shukula.oo.aad.u.baroortay.oo.leh.maxaa.loo.furay.qaadka.kEnya.ayogoo.og.in.uu.furayahay.midka. ethopia.oo.u.furan.ina.farmaajo.raali.bay.ku.ahaayeen.kamana.hadlin. qof.walba.oo.soomali.jawaabtu.waa.xagiina

  4. SALAAMU CALEEKUM

    War MAJEERTEENKII wuxuu noqoday malab sidiis… dawaca kasta waxeey naawilaysa in magooshaanee..

    CAJEEEEEEEEEEEEEEEEEB, CAJEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEEB, CAJEEEEEEEEEEEEEEEEEEB

    Waa yaab.. waa yaab.. waxaan la yaabay dhalinyaradii SOCIAL MEDIA ee ABSAME.. Kuwaas oo kala ah:

    1. JAAMAC GALLAN
    2. GUULEED ALIFLE
    3. BARRE ILKA CASE
    4. NUUR
    5. HADRAAWE
    6. DUQBILOW

    Maxeey afka u furteen, markii BOQOR SACIID CABDULLAHI DENNI, uu booqday ETHIOPIA..

    Runta aan idiin sheego, PUNTLAND waxeey rabtaa in ay la tacaamusho ETHIOPIA. ETHIOPIA waa 120 Million. Waa suuqa ugu weyn ee Geeska Africa.

    PUNTLAND hub ma rabto… PUNTLAND waxeey rabtaa in ay ETHIOPIA ka ga’do khidmada DEKKADA CUSUB ee GARACAD..

    PUNTLAND waxeey rabto in ay xoolaha ETHIOPIA in ay ka dhoofaan DEKKADDA GARACAD. PUNTLAND waxeey rabtaa in ay furto ilaa (5) MAXJAR oo xoolaha lagu naaxiyo..
    PUNTLAND mucaarad kuma aha DR. XAMSA CABDI AAR… Walalayaal, is-dejiya..

    Ogsanow, Jagada RAISUL WASAARAHA, waa jago lagu soo afjari karo (7) daqiiqo…. Marka is-dejiya, oo iimaanku ha idin deeqo.

    Aaway KABTAN AYUUB, halkaas jawaab baa kaaga furan, ee bal arrintaan eeg, oo wax ka dheh.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  5. This analysis is in itself a massive degradation of the journalistic standard of the Somali media and a damning verdict on the Somali people. If this petty and pathetic inter-clan wrangling and squabbles over positions in government is being treated and trumpeted as “politics” in our country, then may Almighty Allah have mercy on us.

    This is nothing other than scraping the barrel as a consequence of completely losing the plot when it comes to the true meaning governance and diplomacy.

    This tragedy stems from the Somali people’s fossilized primitive tribal instinct despite having had enough exposure to the rest of the world as well as access to knowledge and education. That our so-called political class would come up with the barbaric 4.5 system was an ominous sign of the condemnation of our people and country to political doom and oblivion.

    What on earth were they thinking, condemning a country that was struggling to free itself from the cursed yokes of tribalism to a political system that would tie it up all over again with even bigger chains of tribalism?

    Let us closely scrutinize the fallacy that Somalia is today. As a consequence of our clans harbouring a mortal rancour against each other, we have opted for a federal form of governance in order to exist in our own clannish enclaves. At the same time, we have demanded that each and every clan and sub-clan must be represented at all levels of the entire governance structure – from local to state to federal.

    In essence, what we have is a system whereby the very same clans and sub-clans are represented at the local councils, the state parliaments and governments, as well as the federal parliament (both chambers) and government. The same representation is also supposed to happen at all three branches of governance: executive, legislature, and judiciary as well as the formation and functioning of the entire Armed and Security Forces of the land. The same clans and sub-clans!

    What planet do we exist on, really, if we even imagined that this kind of primitive mentality would ever allow us to live in a realistic and properly functioning system of governance?

Comments are closed.