DAAWO: Baarlamaanka Puntland oo dalbaday in la horkeeno wax-ka-bedelka heshiiska Dekedda Boosaaso

Baarlamaanka Puntland ayaa dalbaday in la horkeeno wax ka badalka heshiiska dayactirka iyo ballaarinta Dekedda magaalada Boosaaso, kaas oo dhowaan ay dib u gaareen Xukuumadda Puntland iyo Shirkadda DP World.

Wasiirka Dekeddaha Puntland, Axmed Yaasiin Saalax oo shalay hortagay Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in wax ka badal lagu sameeyay heshiiska Dekedda, lagana saaray fulintiisa Shirkadda P&O, ayna si rasmi ah ula wareegtay DP World.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa faray Wasiir Axmed Yaasiin inuu horkeeno Golaha wax ka bedelka heshiiska, si ay u ansixiyaan ama u diidaan, maadama uu qabo dastuurka Puntland.

Waxaa uu uga digay masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha inay horkeeni waayaan Golaha heshiiska, isagoo xusay inay la kulmi doonaan ciqaab.

PUNTLAND TIMES

1 Comment

Comments are closed.