DAAWO: Guddoomiyaha G. Mudug oo ballanqaaday dagaal adag oo ka dhan ah Al-Shabaab

Gudoomiye gobolka Mudug Mudane Faysal Sheekh Cali ayaa balanqaaday in la xoojin doono la-dagaallanka argagixisada iyo kooxaha nabadiidka ah, gacan bir ahna ku qabanayaan cid kasta oo Iskudayda khal-khal galinta Amniga gobalka.

Guddoomiye Faysal Jifa-Jabsade oo xalay si rasmi ah xafiiska ula wareegay ayaa sheegay in dib loo bilaabi doono maxkamadaynta Argagixisadii ku jirta xabsiyada, isagoo ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan maamulka gobalka iyo hay’addaha amniga.

PUNTLAND TIMES

2 Comments

  1. Aad baan usoodhoweynayaa go’aankan kasoo yeeray tolka reer Mudug, waxayna runtii ahayd tallaabo looga baahnaa inay Dowladda Puntland walaalaha Soomaali Galbeed taageero iyo gacaltooyoba uugu muujiso.

    Saciid Danina waxay tallaabado noocaas ah u noqon lahayd fursaddii ugu qaalisanayd ee uu sumcaddiisa bakhtiday dib ugu soonooleysan lahaa; waxaana kuhabboonnayd in loo qorsheeyo ciidan Puntland ah oo xadka beenbeenta ah lasoo dhoobo iyo maleeshiyada beeleed ee aaggaas kunool oo iyana lagu taakuleeyo inay hubka qaataan oo halganka kaqaybgalaan.

    Kollay, illaa waa illaaba haddii ay xadka dhanka Puntland soo gaaraan waxay ahaan lahaayeen kuwii Puntland kasoo duqeeya oo shacabkana ka dhibaateeya. Kahortagga ayaa markasta dabakaca kafiican – istraatijiyad ahaan.

    Ayaandarrose, Dani waa dhoohane oo fursadaha dahabiga ah ma dhaado e kuwa dhicisooba ayuu ku boodaa oo kufashilmaa. Tallaabada noocan ah miisaaniyad kuusan oo lagu kharashgareeyo ayuu beesha caalamka iyo Dowladda Itoobiya xataa kaga soodhacsan lahaa.

  2. Aad Baan ugu bogey khudbada koobaad ee gudoomiyaha cusub ee gobolka mudug. Waxaa khudbadaas ka muuqata raganimo lagu tashan Karo. Waxaan leeyahay soo dhowoow oo Alle hakuu fududeeyo masuuliyada culus ee aad garbaha saaratay.
    Qoodhaa iyo xeradaa ka mira-gaar oo guntooda soo taabo kuwa dhulmiga ku faafiyey arlada Alle.

Comments are closed.