DAAWO: Puntland oo dib uga bilowday Gaalkacyo Maxkamadeynta xubnaha Al-Shabaab

Maxkamadda darajada kowaad ee Ciidanka qalabka sida iyo dambiyada culus ee gobalada Mudug iyo Cayn (Puntland), ayaa u fariisatay dhageysiga gal-dacwadeedka labo xubnood oo kamid ah Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo dilal ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Eedeysanayaasha la horkeenay Maxkamadda ayaa kala ah Xasan Muuse Axmed iyo Cabdikhaaliq Warsame Bare. Xeer ilaalinta Ciidanka Puntland ku eedeeysay in ay kamid yihiin ah Ururuka Argagaxisada ee ka howl gali jirey magaalada Galkacyo.

PUNTLAND TIMES