DAAWO: Somaliland oo deegaanadeeda ka mamnuucday Idaacadda BBC-da

Xukuumadda Soomaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka mamnuucday deegaanadeeda inay ka howlgasho Idaacadda BBC-da oo laga leeyahay dalka UK.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, oo shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa sheegay in ay joojiyeen in BBC kasii shaqayso deegaanadooda, waxaana uu sababta ku sheegay inay hoos u dhigtay Karaamada Somaliland.

PUNTLAND TIMES 

19 Comments

  1. Ethiopia ayaa dhawaan muusaha somalilayn kul boorisay inuu meesha adkaysto, siyaasada kooxaha wadaadaysana aanu dhagaysan, halkay ku dambaysay dhexdhexaadintii suleiman gaal?

    Waxyaabaha la filayo waxa ka mida

    1-in doorashada dib loo dhigi
    2-in xisbiyada aan la badalin
    3-in ilaa labo xisbi oo kale lagu soo daro kuwa hada jira lana tixgeliyo beelaha aan iidoorka ahayn.

    Saadaasha in ina muuse biixi sahal ku tago ayaan badnayn..

  2. Sheego, isaaq riwaayad badanaa, dad xishooda ma’aha miyaa?? Adeerayaal ictiraaf sidan kuma hilaysaan cagaha dhulka dhiga oo isdajiya.

    • Khadija
      Ictiraafku muxuu tarayaa, inta Jamhuuriyad barakaysan ay xortahey oo xiriir la leenahay wadamo dhowr ah . koonfur ha ku anfacdo Khadijay.

    • Khadiija, ma kuwa inan gargaar wada weliba magaaladii ay u dhalatay oo reer yar ka soo jeeda Hawada ka ceshay oo shidaalkii ka go’i gaadhay oo 20 dhallinyaro naftooda ku weyday oo 20 kalena dhaawac yihiin baad xishood u taqaan mise waa ruwaayadda aad sheegayso, idinku is dejiya cagaha dhulka dhiga, dawladda aad ka tirsan tihiin la shaqeeya, dadka u shaqeeya, before you come out and clean other people’s houses please clean your own house first, charity begins at home sister, instead of lecturing Muse. Behi maybe Deni is more closer

  3. Wadamada Somalia iyo Djibouti waa inay qibrad aqooneed ka qaatan Somaliland oo ah dowlad shacabku codeeyo,
    Meesha Somalia ay codeeyaan Parliamentarians.

    Muhiim maahan qofkuu u codeeyo cod dhiibuhu, waxaa muhiim iyo wax lagu faano ah in shacabku iskood u codeynkaro. And waa arintaas midda mudan in lagu amaano Somaliland oo ah meesha kaliya ee dadka ku abtirsado Somali ABID ka codeeyeen

    Dhulka uu gumeysanjiray Italy ee Somalia xitaa maamul beeledyadu oo qaarkood ah maamul hal Beel hoose, way awoodiwaayeen in shacabku codeeyo inkastoo qaarkood Maamul ahaayeen 20 sano kabadan ahna Beel hoose.

    Waxaan rajeyn inay Maamul goboleedyadu isku dayaan inay ku daydaan Quburana ka keensadaan Somaliland, siduu shacabku u codeyn lahaa kahor sanadka 2030

    • @@@ Khalid Tusaale waxa u soo qaadatay Somalia iyo Djibouti,codeynta. Maxaa Somalia kaliya sharraxaadka dheer?Djibouti ma ma aadan sharraxin?
      Explain please.

      On another note,Mamnuucidda Bbcda waa un Kaliya in xoogaa Qaad raaligalin ah la siiyo.BBCda Ingriiskaa leh tiisaana shaqaysa Somaliland waa fadsiin qasab ah.

  4. Kkkk war ila qosla war mantay qamrista in kore maxu yir BBC aya ka mad nucney daganda jeeganda dagda suaal warya qamrista ina kore marka dhalada dheer biyaha cabdi miya umada wala warya qamrista in karo aabaha muuse handarab isaq la ictirafi wayey marka idacad BBC miya ku xanaqeysin asxabda horey waxa lo yiri muuse handarab wa argixsada smn alshbb dacish oo dagalamayan buraha gobolka bari sool sanaag ceyn asxabda muuse handarab iyo wa xushdu wado wa argixsada smn shbb iyo dacish ok asxabda sas ula socda ok asxabda bye

  5. ma wax cusub oo keenay in hayadan la mamnuuco ayaa soo kordhay??? dabcan wasiirku faahfaahin inama siin!!! haduu jiro qof og siday wax u jiraan kolley xanaftani meel bay ka socotaaye fadlan nala wadaaga..

  6. BBC-du ma ictiraafin Somaliland sidaas daraadeed ayaa looga mamnuucay deegaanada Somaliland.
    Waqti xalay saqdhexe ayaa Saleebaan Cali Kore oo qaad iyo caraqdii Itoobiya ka dhergey marqaamkii tusay in BBC diiday citiraafkii, deedna wuxuu ku fekeray malaha haddii la mamnuuco waxay aqoonsanayaan goonni isu taagga Somaliland.

    Aniguna deegaanada ay ka taliso dawladayda Loomadhamma waan ka mamnuucay in BBC ka hawlgasho. Ninkii aan garanayn dhulka dawladda Loomadhamma ka taliso aan ku baree waxay ka talisaa Soomaaliya oo dhan: buuro dushood, bannaano sagxadood, kaymo dhexdood, togagga afkooda, badaha cirifyadooda, iyo magaalooyinka seerahooda. Laga soo bilaabo Lawyocaddo illaa Raascasayr illaa Raadkiyaambooni.
    Hadalkaas Sulaymaan yiri Loomadhammayn.

  7. Wallahi waa yaab.
    Haddaan dhagaystay hadalka wasiir Kooreeye.Muuqaal ahaan wejigiisa wanaag kama muuqdo.
    Tan labaad numberada iyo taarikh ayuu isku qasayaa waana tan lagu yaqaano munaafaqnimada. Maantoo ah 18 bishop 7, waa laga garab hadlay si loo saxo markaasuu hadana 19 bisha 7aad 2023!
    Allah ayaa balanqaaday in qowlka habboon waafijinin munaafaqa khalkhal ayaa ku dhaca.That is why ducooyinka rabbi sidrii qalbii loo aqristo.
    Waxaas ayaa ummada masiirkeeda qacanta ku haya.

    • Ally M, mark Farmaajo khaldami jiray ee odhan jiray 65 kun oo arday bananu dirnay oo isku wada dhexyaaci jiray khudbad walba, ma aadan dhihi jirin Munaafaq waaye, hadda ani waxaan dhihi karaa, adiga laftaada baa munaafaq ah oo ninka aad rabto warkiisa khaladan ka hadal kii uu neceb yahay ama isaga ama cidda uu la joogo dhaha waa munaafaq.
      Ani waxaan leeyahay siyasi wa wada munaafaq galiba Farmaajo ALlah baa og in in Somali ka munaafaqsan siyasi soo Marin

  8. Ally M

    Waa suaal fiican

    Waa run oo DJouti waxaa wali maamulo hal Family ( Guuleed Family) middaas oo ah hoos u dhac kasii hooseeyo Somalia
    oo uu Ismail Cumar Geelle kagaga Qeybgaley,
    Xassan Shiikh oo ka guuleystay Shiikh Shariif
    Farmaajo oo ka guuleystay Xassan Shiikh
    Xassan Shiikh oo haddana ka guuleystey Farmaajo

    Dhamaantoodna xilka isugu wareejiyay si xasilooni iyo buuq la’aan ah

    Marka waxaan is dhahey DJouti waxayba la sii hooseysaa Somalia ee uun ka hadal
    Somalia oo soo dhaweynayso Somaliland.

    BBC iyo VOA
    Waa idaacado madax banaan

  9. Sagaal iyo toban bishii todobaad saddex labaatan . Ninkaan wuuba Ka horreeya taariikhda ..waa miskiin han yar oo lagu koriyey khafas yar ee iidoor leeyihiin ..wax intaas Ka weyn ma arkikaro …

    • kolas darwiish kama martabad wacnid Ina Koore kamana qabiil iyo magac weynide, haddii aan magac leedahay aabbahaa baad sheeggi lahayd oo Darwiish waxbaa laguu raacin lahaa, kollayba adiguna cid kale uun baad la joogtaa yada lajoogtaa, illeen reerku ama sayyid Maxamed ama sisad barre ama farmaajo iyagu cid aun bay kabaha u sidaane, ina koore ma wax cusub buu la yimid

  10. Shaki kumajiro inay beelaha Soomaaliyeed ee geyiyada Woqooyi Galbeed iyo Soomaali Galbeed soo ahaayeen rugta ay hiddaha, fanka, iyo suugaanta Soomaaliyeed kutiirsanaayeen qarniyo badan.

    Waxaase meelkadhac weyn beelahan ku noqonaya maangaabyada wada sakhraanka ah ee beesha Dhulbahante kasoojeeda sida kan iyo kii Xaglo la oran jiray.

    Runtii, wax sharaf iyo wanaag ah kuma sookordhinayaan beelaha kale ee geyigaas waayo waa dulli iska caadifadaysan oo sakhraansan taariikhda sugan ka beensheega oo seeftana iska la booda.

    Qaddiyadda Somaliland – sikasta oo ay ku dambeysaba – kuwan baa caambaar xun ku noqday oo sha’nigana sixun uga dilay. In la iska qabto oo la iska mooso ayuu dadka ay khuseyso wanaaggu uugujiraa.

  11. Bbc wali maladhagaystaa
    British waa farsamo miiran
    Somali dhamaan waa somali
    Bbc waxaan xasuustaa qaybtii
    Aay kaqadatay qaran dunking
    Somalia AUN uu hogaanka uhayay janadii fardowsa allaha Galilee
    MAXAMED SIYAAD BARE
    Somali xumaanta iskadaaya
    Somaliland waa dadkeenii
    Xoriyada aayrabaan hadii aay
    KOOfurtu dagto hadal ayaan ka
    Galaynaa waana arin fiican
    Aduunkaan maanta waa xulùufo
    Hadii aay gayaan afti iyo sifo sharci ah ayaa fiican
    Laakiin in aay JOOGAAN
    ayaa fiican koofurna ufiican
    Asc Somali

Comments are closed.