DAAWO: Xasan Sheekh oo sheegay inuu wada-hadal la galayo Al-Shabaab

Madaxweynaha oo ka hadlayey Turkiga oo uu booqasho ku joogo ayaa sheegay in ugu dambayn ay dawladdu la xaajoon doonto, islamarkaana khilaafka lagu dhammayn doono si nabad ah. Waxa uu sheegay inay dawladdu albaabada u fursayso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.

Waxa uu sheegay in siyaasaddii ilaa haatan lagu soo waajahayey Al-Shabaab aysan ahayn mid ku filan, waxaana uu sheegay in siyaasadda ah in Al-Shabaab lagula hayo Soomaaliya, dhibkoodana la iska mooso ay guul darraysatay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay amniga. Waxaa dhinaca kale uu sheegay in dawladdu ay doonayso inay hirgeliso dib u heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo ay ku jirto dastuur midaysan iyo dhismaha hay’ado dawli ah.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale ammaanay xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo uu sheegay inuusan ku salaysnayn oo keliya taageero bani’aadaminnimo balse sidoo kale uu ku salaysan yahay iskaashi.

PUNTLAND TIMES 

18 Comments

  1. Waxaa jirtay sheeko ahayd “labadii nin ee kalikood duurka joogo isku dagaalay ” isku xiiqay midba nafta ka bixi rabto,ayuu mid yiri shanqadh ayaan maqlay!markaasuu ninkii kalena yiri haa anna waan maqlay shanqadha dagaal joojiya ayay hayd,halkaa ayay labadii nin naftoodii si reer magaalnimo ah ku badbaaadiyeen. Hadaba Xasan Shiikh Dowladda Somalia iyo Alshb waad isku xiiqdeene naftaa idinhayso e shanqadha waa dagaalka joojiya.

    With above in mind ,I believe and I know many of you will be shocked, in my opinion Ashb will never be defeated militarily,I can put forth many arguments based on how complex and intricate our society is,tribal.

    Scenario one:Millitary campaign with foreign forces aerial bombing and operations will ultimately kill many many innocent Somalis which will be pointless.

    Scenario two:Somali National Army,weak and very vested in tribal rifts when things get tough they will fall apart because there is no strong unified government backing them.
    Scenario three:Arming the tribes and Suufiyada “Ahlu Suna” this will be unsustainable.

    Scenario four:Combination of all the Above,those guys will lay low and melt in the society but will re-emerge in a heart beat because they know waiting and time is to their advantage.
    Doodayda waxay ka duuleeysaa dadka Somalida waa Qabiil waxkasta tallaabo la qaado si uun bay Qabiil afka ula gali waana taas midda Ashb faaiida u ah.

  2. waa arin wanaagsan hadii hadal lalafuro kuma ceebeeysnid waxay kaa saacidaayaan inay cirbtiraaan dhileeysiga khamriga jaadlka mandooriyaha dhiliti somalia kadhigay maato mid caaqiba leh waa yaryahay guul xasan

  3. @@@Ally M,

    I love your comical analogy, it really tickled me.

    When it comes to the question of whether or not the Villa Xalane should hold talks with the militants, the politicians are – as has been the norm – taking the completely wrong approach once again.

    There is always ever one strategy by which these totally misguided and ignorant elements of society can be wholly defeated, and it is a double-edged sword.

    1. Winning the ideological and propaganda war against them by launching a government-sponsored powerful counter-narrative campaign that is led by a Supreme Council comprising all of our veteran Somali scholars who are held in the highest esteem by the Somali society. This would entail a massive joint media campaign using all available platforms and channels including the frontline broadcasting networks.

    2. Draining their recruitment swamp by launching a national federal economic programme centred on the provision of free adult education and vocational training on the one hand, and the creation of employment opportunities with decent wages on the other. This would inevitably be a game-changer and deprive the rogue elements of their recruitment base.

    Once the hopeless youth are lured by the prospect of a promising future, and also realize that these rogue elements were utterly misguided and a million miles from the true Islam, they will desert them en masse. And thus will the war have been won without any more bloodshed. It would then be easier to strike the final blow against the die-hards and eradicate this scourge from the country once and for all.

    However, the success of this strategy can only be guaranteed if Villa Xalane works cooperatively with, and fully empowers with the rest of states. There is no way on earth that Mogadishu could ever win this war by going it alone. That is a fact.

    • CORRECTION

      However, the success of this strategy can only be guaranteed if Villa Xalane works cooperatively with, and fully empowers the rest of the states.

  4. Waa hadal siyaasadeed waana hadaladii hore nabada loogu yeeri jiray. Xaqiiqdu waxaa weeye, Alshabaab nabad yeeli mayaan waa la ogyahay, inaguna waxaa inaga go’an in meedkooda laga tilaabsado.

    Xasan Shiikh wuu ogyahay kuwa khatarta ku ah, waana loo sheegay. Waa curiga u dhex fadhiya Muqdisho loo yaqaan Farmaajo. Xasan Shiikh haduu noqonayo midka talada u sii haya Farmaajo isagay jirtaa.

    Xasan Shiikh haduu rabo in uu taariikhda si fiican u galo, ciidanka Turkey u toba bareen Farmaaajo meesha halaga saaro, ama Alshabaab ha udiro ama iyaga hala kala diro. Another option is, maadaama ay caabudaan Farmaajo iyo Fahad, labadaa nin meel halagu hubso si ciidankaa u noqdaan mas madaxa laga jaray.

  5. @@@Awlal,Ustaad, waa sax dhamaan pointskaaga waana part of the many scenarios that can be tried.Aniga waxaan un ka duulaaye waxkasta qori labood laguma xalinkaro siiba Somalia problemkeeda. Yacni arrinta ah Burruska isii,(the hammer approach).

  6. @@@Ally M,

    Caaqil, raalli ka noqo. Talo uun baan adiga kuugu halqabsaday mooyaan e adiga toos kuu ma aanan raddinayn.

    Hab cumuuman ah ayaan uhadlayay. Cafwan.

  7. @@@@Awlal,
    Lol saxiib anigaa wax si xun u qoray oo u akayd in adiga kugu hadal celinaayo e waxaan u usii afeefa dhigaaye kuwa wax soo qori doono e adiga mahan Ustaad.
    Hadal waa margi.
    Cafwan!

  8. @@@Ally M,

    Calal cayn wa ra’as, isimkayga qaddarinta mudanow! Forever!

    Shukran Alf Marrah.

  9. Daariroow

    Shabab waa ciidan hawiye ee Dano hawiye fulinaya. Idinku la heshiiya wiilashiina.. oona ka barya in aysan in xasuuqin . Anagu tiirka Ayaanu saarin.

  10. Ma xuma in alshabaab lala hishiiyo laakiinse qaybsiga dawladda waa in ay Ku daba feelaan qabiiladooda maadaama dawladda Soomaaliya wax Ku qaybsato qabiil .

  11. Hasan shiekh waxuu ku hadlayaa hadaladii Abdweli Gas ee ahayd doqonimada.

    Argagixisadu waxay Leeyihiin Hal hadaf ee yool u ah. Kaasoo ah in ay helaan wadan ay ayaga iyo qabiilkoodu ka taliyaan. Khaasatana ayagu ka taliyaan….. wax ka sokeeyana ma aqbalayaan….wakhtigii ay doonto Haku qaadatee…

    Hadii gurguurte diyaar u yahay in uu kursiga ku wareejiyo hadee ha ku wareejiyo (shaki Kuma jiro in ay Kala wareegayaan si toosah iyo si dadban) ileen gacal isma ciriiriyee.
    Waa xaqiiqob oo Shaki Kuma jiro in ay la wareegayaan villa xamar hadii la soo dhaweysto…. Taasoo sababi doonta in somalia si sahlan ku Kala Go’do. Puntland ma yeelayso in argagixiso u taliso. Maangaabnimada Gas iyo gurguurte waxay dalow ka tuuraysaa jiritaanka kabkabka ah ee somaliya… as it exist today.

    Daalim waxuu salka dhigaa markii seef madaxa looga Jaro.

    cida Kaliya ee argagixisada xalin Kadha waa cida ay ka dhesheen oo ayagu iska qabta oo iska takoora.
    Argagixisadu waa ciidan kayd ah oo cido Leeyihiin….si loogu gaaro hadaf siyaasadeed iyo mid qabiil iyo mid koox diineed.

    Dhibta jidha waxay tahay… runta oo layska indhasaabayo… oo aan farta lagu fiiqahayn beelaha ku adeegta argagixisada. Beelahaasu waxay u haystaan in ay dan ugu jidho adeegsiga argagixisada…. laakiin aakhirutaanka ayagey soo gaareysaa khasaarada ugu weyn.

  12. Bulaale

    Isha ayaad ka tuurtay. Beelaha koofureed waxay rabaan in ay Mar wax ku qaybsadaan magaca qabiiladooda oo hadana wax ku qaybsadaan magaca argagixisada. Very smart clans indeed.

    • Low IQ culusow ma fahmin ilaa hadda in MARYOOLEY Turkey uga baahi badan tahay xidhiidhka ka dhaxeeya.

      Ina zayied oo isna kasoo quustay Netanyahu iyo Israel oo raysul arkaankiisii ankara u diray si ay uga caawiyaan iska difaaca Iran oo hadda reer galbeedkii colaadooda hoos udhigay, si looga hortago sicir bararka shidaalka, dhawaana ooda ka qaadaya shidaalka Iran.

  13. Somalia.
    Al shabaab terrorist insurgents, can be defeated militarily- There is a long way to go and many challenges.
    Why al shabaab stay in Gilib,Gamaame and sakow in Jubaland?
    1- Foreign intervention- Kenya.
    2- Corruption and bad governance.
    3- federal locally states.
    The speech of the President.
    His excellency Mr Hassan Shiekh Mahamud,it is just a speech never changes the reality.
    The ideology of al shabaab insurgents is not compatible to the Somali people at all.
    In reality they’re not strong,but there were interest groups,who benefit the crisis in Somalia,thé likes of International Crisis Group,who now advocating to change the course of fighting the terrorist insurgents,and start negotiations.
    Somalia is a large country their real presence in Somalia the terrorist insurgence is very small area.
    In Mogadisho there were al shabaab terrorist cells and thieves and gangs that terrorize the population.
    In conclusion there is no place in Somalia,the toxic ideology of terrorist al shabaab in Somalia.
    Somalia lost many brave army and police,and civilians against the fight of the terrorist organization al shabaab,the end of this war is victory for those who oppose terror and fight for peace.
    No negotiations no compromise to this savage terrorist organization.

  14. Qardafui

    Koonfur waa dad midabyo badan ..beryo dhoweed waxay Ku hayeen Maqaamka Muqdisho Maqaamka Muqdisho..haddana waxay keeneen Shabaab baa lala hishiinayaa..Waxaas oo dhan waxaa kadaran waxa ay soo wadaan oo ah Labo Dawlad Irir Samaale Geeska Afrika laga suubsho South Somali Republic iyo Somaliland.

  15. Xasanow kuwii kaa horreeyeyba way wada yiraahdeen waan la heshiin iyo waan tirtirayaa iwm, laakiin runtu waxaa weeye niman suuqyada xamar cashuur ka qaada oo baarlammaanka casuur ka qaada oo dadka Muqdisho dhexdeeda u kala dacwad qaada oo kaa lacag badan heshiiska ay kula gelayaan waa mid nooceeya. Anigaa kuu sheegaya waa inaad kursiga uga kacdaa oo keliya illaa waxba kaagama baahnee.
    Haddaad mooryaantaas kursi uga kacaysana Soomaalidu way ka tashanaysaaye ogow.

  16. BULLALE

    Qarawga irir samaale waayahaamba waa socday. Labo dowladood Ayaan noqon oo Daarood Ayaanu kala qaybsan waa qarow aan xaataa maalinkii lagu qarwin. Lakiin cidkasta xaq bay uu leedahay in ay qarwaan.

Comments are closed.