DEG-DEG: Wasiir Darwiish oo geeryooday

Alle ha u naxariistee Wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland Gen Maxamed Warsame Darwiish ayaa goor dhoweyd ku geeriyooday dalka Jarmalka.

Geerida Wasiir Darwiish ayaa waxaa xaqiijiyay Telefishinka Dowlad Galbeedka Jubbaland. Wasiirka ayaa la sheegay inuu maalmihii u dambeeyay xanuunsanayay.

Ma jiro war kasoo baxay Jubbaland oo la xariira sababta ka dambeysay geerida Wasiirka.

AUN Maxamed Warsame Darwiish oo horey u soo noqday Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka, xilligii Dawladdii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ayaa kamid ahaa xubnaha awwooda badan ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

PUNTLAND TIMES 

2 Comments

  1. Waqtita ajasha malakulmood Jubaland iyo Germany waa isugu mid,laakiin siyaasiinta Soomaaliyeed way iska cunayaan iyo cabbayaan marka xanuun qabto way ka cararaan durdurkii dhaca ummada maskiinta ah.

Comments are closed.