DEG-DEG+AKHRISO: Deni oo dib magacaabay xubnaha Maxkamadda sare, ee BPL diideen

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 4-ta July 2022 kuna saabsan dib u magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90aad

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid

1. Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

2. Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiye Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

3. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

4. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

5. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan

Waxaa kale oo la magacaabay

B. Keydka

1. Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin

T. Xubno Guddi

1. Daahir Maxamed Nuur
2. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

PUNTLAND TIMES 

24 Comments

  1. kkk oday dani maxaa ka qaldan sow tii baarlamaanka diideen maaha mise waxuu is ku dayayaa inuu laa luush siiyo kkk ka qaata laaluushka ka dibna diida sida ay ku sameeyeen hawiye, dir,raxanweyn ama daarood qaarkood kkkk

  2. Ini Dameer sanka taabte sheekdaba ma adan fahmin adeer xildhibaanada ku dhashay bay raven shaahoodiina waa Heleen howshuna waa ok . Balo majidho bowe

    • adigoo caaytamin waa la og yahay sida ay ku shaqayso puntland waa sadax maxamuud saleebaan oo u kaltama kursiga puntland markaan waxaa leh ciise maxamuud waxba ha isku dajin oday dani waqtigiisa waa gabaabsi taa ogsoonow doorashada cod iyo waa iidheh ninku dhici kara oo samayn karo maleh waa dhici kartaa oday dani inuu lacag siiyey oo ay ansixiyaan tan dowlada dhaxe ayaaba saas ah oo waxii ladiido lacag ku socod siiso xaqiiqda waa taas kkk

  3. Xildhibaanada shaah bay rabeen waana lasiiyay xaajaduna waa hagaag next time 66 ka xildhibaanba way siinayaan codka

  4. Puntland waa qasri ay jugo badani ku dhaceen teer iyo 2007dii, una baahan in si taxaddar iyo xasaasi ah dib loogu sanceeyo.

    Qaddiyad ahaan, siyaasad ahaan, dowlad ahaan, dhaqaale ahaan, iyo bulsho ahaan intaba way ka dhaawacantahay oo maqaamkii iyo martabaddii ay maanta mudnayd inay marayso dhabaq xun baa kaga dhacay oo aad ayayna uga dibdhacday.

    Rakibaadda Puntland waxay kallifaysaa muddo aan 10 sano kayarayn, Saciid Danina waxaa muddoxileedkiisa baaqi uga ah in 2 sano kayar. Ma aha nin leh firaaqo uu safarro maalaayacni ah haddeer waqtiga qaaliga ah ku lumiyo. Socdaallada u bannaan waa labo keliya, kuwaas oo kala ah sidan hoose.

    1. Socdaal dheer oo uu Puntland daafaheeda fogfog kusoomaro, isaga oo wata wafdi aqoonyahaanno iyo cuqaal isugujira ee ukuurgal dhab ah iyo xograadin waafi ah degelka kasoo sameynaya, kaddibna warbixin akadiimi ah iyo xuluusha saxda ah ka diyaarinaya, islamarkaana degmooyinka ku baahinaya nadaamka dowlad hoosaadka iyo doorasho heerkaas kasoo askumata.

    2. Socdaal dheer oo uu dunida kusoomarayo oo jaaliyadaha Puntland, gaar ahaanna ganacsatada u dhalatay, kulamo xasaasi ah layeelanaya oo uu kucasuumayo iskaashi dhaqaale iyo maalgalineed (economic cooperation and investment partnership) oo ballaaran ee ay dowladdu iyo ganacsatadu kushiraakoobayaan, si Puntland uga xorowdo gacmahoorsiga iyo iskudhiska shisheeye oo dhaqaalaheeda ay waxsoosaarka kusaleysatayna iyadu u maareysato.

    Hadafka ugu sarreeya waxaa weeye in iskaashigaasi dhaqaale ay Dowladda Puntland ugu hawlgasho waxsoosaar baaxad leh ee casrisan oo beeraha iyo kalluumaysiga ku dul qotoma, si ay marka kowaad iyadu iskugu sinto iskufilnaansho taam ah cunnada iyo biyahaba, marka xigana ay suuq weyn iyo il dhaqaaleba uuga dillacaan waxsoosaarkeedaas.

    Hoggaanka hayinka ah ee ogsoon in cimiladu sii hallaabi doonto oo cunno iyo biyo yarina Puntland halis xun kagasoo waajahanyihiin mustaqbalka dambe, dadkiisana si daacad ah ugu naxaya, maheleen firaaqo uu marna fillada madaxtooyada iskaga dhex raaxaysto oo marna caasimado qalaad kusoo dakeeyo sida Saciid Dani.

    Hawlaha sugaya ayaa ka boqoljibbaaran xilliga uga harsan xilkan qaaliga ah ee loo igmaday. Hoggaanka damiirka lihi wuxuu kuxisaabtamaa inuu dadkiisa iyo dalkiisa kaga tago marxalad kasii wanaagsan tii uu ugu yimid.

  5. A. A. Xade,iyo Hillaac,
    Waxaan hadda ka hor arkay Sanbalooshe oo leh nimaan reerkayaga ahay madaxweyne inuu noqdaba maaha.
    Maamul goboleedyada xerada geelooda ha la aadeene maamulkoodee, waxaan la yaabbanahay dawladdii dhexe xaalkeeda.
    Anigu waxaan ku talin lahaa in Soomaalidu furto dood caasimada ku saabsan taas oo dhehaysa yaa oggol caasimad Soomaali u dhex ah oo reerka u badan sheeganayn ama in caasimadda wareegto laga dhigo loo asteeyo dhowr meelood oo kala duwan taas oo ah in la kala ilaaliyo madaxweyne iyo caasimad isku qolo ah si meesha uga baxdo sheegashadu.
    Tan kale Xadow ma taqaan waxaa loo yaqaan “SHABTA” waa cayaar la cayaaro oo markay dhammaato nin kastaa kaxaysto gabadhii ay kala helaan. Nin cayaartaas soo gaaray baan ahaye cawayska ha ii sharrixin. Waxaan kaloo daawan jiray “anyagow” waa sanam dhulka gosha loo yaqaan lagu caabudi jiray oo habeenka ugu dambaysa cayaartaas oo asbuucyo la tumayey lagu soo khatimo in naagta ugu cayaar yahansan iyo ninka ugu cayaar yahansan dadka hortiisa ku xaajaystaan. Ogow habeenku waa mugdi dhir waaweyn hoostoodaa lagu qabtaa caadadaas lamana oggola in dab iyo iftiinba lagu shido goobtaas xilka leh. Waxaa kaloo jirta TUR oo ah in gabadha caruusadda ah geeljire lagu daro oo ay soo hayaan intay uurka ugu horreeya ka yeelanayso. Waxay yiraahdaan curadka reer hebel waa kisi; kisiga reer hebelna waa xalaal (Kisi = garac ama wacal).
    Min-dumis iyo wax ka daran oo dhaqama ah ayay Soomaali leedahaye haynagu qodqodin hayska duuduubnaatee, Soomaali uun u daa. Inta dhaqan qaab daran Soomaali leedahay waa xad dhaafe inoo qariya yaan laynagu qosline.

  6. A.a.xaade

    Nin Xawaadle ah ayaa waxaa dardarey
    Baabuur uu waday nin American ah 1980

    Mid Joogo Tuulo ay degaan Xawaadle qura
    oon waligiis arkin Dad aan aheyn Xawaadle, ayaa maqley in Nin Xawaadle ah uu dilay nin American ah

    Arintiina waxaa ku jirto Dowladda Somalia iyo Dowladda USA,

    Ninkii Xawaadle wuxuu dhahay
    ARIN XAWAADKE IYO AMERICA u taalo
    Maxaa galiyey Afweyne
    ( BADOWNIMO MEESHUU KA GAAREY NINKAASU)

    Hadda nin sida ninkaas Xawaadle aan soo dhaafin Tuulo jufadiisa ( A.a.xaade)
    Ayaad waxaad suaashay arin ku saabsan
    HAWIYE IYO CAASIMADIISA

    markaas ayuu dhahay Hawiye waa saas iyo sidaas

    Sheeko yar ayuu ka maqley qoyskiisa yar

    – Waa qeyb ka mid ah mentally abuse inaad suaalo adag weydiiso qof aan u laheyn Cilmi iyo aqoon.

  7. GULEEEYSO

    Reerka aad ka hadlayso, waa in loo laqima tawxeed. Waayo, wali waa cawaan oo aysan diinto gaarin..

    Reerkaas iyo dhulkaas aad ka hadleeyso, walaaloow, noo cadeey, aanu diinta iyo dacwada aan gaarsinee, se aan ajar uga helno.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  8. @@Sitaha Guulayso & Inta Ay Dooddu Kadhexeyso,

    Waxaa aniga ila qumman inaynu doodaha kuwadaagno arrimaha muhiimka ee Soomaalida haddeeran khuseeya oo galaafanaya, intii aynu dhaqan Islaamnimada kasii horreeyay iyo beelaha waxkasheeggooda firaaqada iyo fursadaha iskaga dayacaynno.

    Waxyaabahaas aydun kafaalloonaysaan oo weliba dhanka Koonfurta ugu badnaa waxay kamid ahaayeen dhaqamadii waagii ay Soomaalidu badankeedu kudhaqmi jirtay miladdii ‘Waaqiyada’ looyaqaannay oo diinta u ahayd Qowmiyadda So’maalka ee aynu katirsannahay annaga iyo Oromada, Canfarta, Reendiillaha, Gabraha, iyo xataa Qubtiyiinta reer Masar.

    Dhaqamadaas waxaa loogu sii kala duwanaa Soomaalida ‘Kussinta’ (Woqooyiga) iyo Soomaalida ‘Kassinta’ (Koonfurta). Ereygan ‘Woqooyi’ macnihiisu waa ‘Dhulkii Eebbe’.

    Magacyadan aad carrabdhabtay milladdaas ayay kamid ahaayeen, sida:

    * ‘Garac’ oo asalkiisu ahaa ‘garrac’ oo cagsigiisuna yahay ‘gurrac’ waa erey macnahiisu ahaa wixii Eebbe (oo Rac looyaqaannay) dhankiisa midig xiga ee saxsan (Garta Rac = garrac); iyo wixii bixidiisa xiga ee qaldan (Gurta Rac = gurrac).

    Bulshaduna saddex dabaqadood ayay u oollayd oo kala ahaa ‘Siiwaaq’ = xeerdhigeyaasha; ‘Jiidwaaq’ = xeer ilaaliyeyaasha; ‘Darre’ = shacabka caadiga ah. Kuwa ciidamada u dhigmay ee ‘Jiidwaaqda’ ahaa ayaa xaq ulahaa inay caruusadda la baxaan oo soo uureeyaan intay muddo yar (xilli) soo haystaan, ilmaha kadhashana waxaa loo aqoonsanaa inuu ahaa hadiyad Ilaahay loo hibeeyay oo xaqiisa ahaa (Gar Rac = garrac) oo Islaamnimada kaddibna isu beddelay ‘garac’ (wecel).

    Maxayse taariikhdaas jaahiliga ahayd hadda noogu turantahay oo ina taraysaa aan ka ahayn in laga dhiganayo qiil jaban oo la isugu qabyaaladeeyo? Goormaynnu waxaas ka koraynaa?

  9. gaw! waar Awlalka waa kan lacune kani maanu dhamaanayn??? odagu waa kujire cali in uu wax kasta yaqaano halkan is tus tuska u fadhiya. waar wuxu miyaanu daalin waa yaabee!!!

    Waar iska hadhso baanu ku nidhi waa adiga page kasta ku xiiqayo waxba laga qoran karine!!

    • Yoocada
      Maxuu daalaa waa odey caydh dhul gaalo ku qaato oo aan wax shuqul ah hayn. Waxa lasoo qoraba google search ayuu tagaa oo wakhtigiisa ku lumiyaa. Waxoogaa biyoha dhanana iyo kiniinka dhimirkana wuu ku nool yahey🤣🤣🤣🤣🤣

  10. Alxamudulilaah waxb waxbeey dhaammaan reer puntland iyo somaliland nabd baad heeystaan waxaan dani gujirin hagu warwareegina wiliba waxaan kula talin somaliland puntland gacn isasiiya waayo somaliween puntland inay buburto bay jeclyihiin si somaliland lo jebiyo oo dawladu noqoto xamar qofkale,goblkale beled kale uu noolaan.Haleeysu celiyo Tuugta dila dadka,baburta xada,khamriga iyo mandorya umada ku aafeeyay dad qalatooyin ayaa kicin hadaan lays kaashan nabadiina kujirta iskaashiga ka shaqeeya nabad iyo kaladameenta horomar ayaa ku jira xamar haku habsamin dantaadu waxaa weeye derskaa nabad kala heshaan.Qowleeysato meelkasta isbaaro dhigta dad laaya dumarka kufsada hadii lagaa suuliyeey nabad heshid maxaa kaa maqaan shaqeeyso aad dhergtide cid uma baahnid aan Allah aheeyn

  11. Guuleeyso:

    Haa Shabta waan aqaan! Shab waa ciyaar lamid ah Caweyska Abgaal iyo Murunsade, Waxaana ciyaara Biyo maal iyo Tunni! Tur iyana kuwaa ayaay Shabbahdaa, Waxaana ciyaara Qabiilka Garre la yiraahdo kiisa dego inta u dhexeeysa Qoryooleey iyo Diinsoor, dhammaantoodna ciyaarahaasi waa Tumasho iyo fisqi uu xitaa Ninku xaaskiisa raalli kaga noqonayo.

    Kisi/Garac/wacal, waa Garre qoloda xalaasha u taqaan!

    Awlal.
    Dhaqamadaa aan kor ku xusnay inta aan ogahay 2010 Shabaab rag iyo Dumar ciyaarayey ayeey ku xirxireen Baadiyaha Balcad, waana dhaqan dadka ciyaara ugu jira booska Dhaantada, Seeyliciga, Saarka iwm.

    Marka, maahan dhan hore oo ka soo jeeda Diinta ka hor iyo xilligii Waaq ee haddeer ayaa lagu dhaqmaa!

  12. @@@A.A.Xade,

    Haddii ay reer ‘Kassin’ (Koonfur) weli caadadaas kudhaqmayaan layaab maleh in ay xasili kari la’dahay oo waxshinimadana ugu caanbaxday!

    Waa sababta aan ugu doodo in aanay Soomaalidu ku samatabaxi doonin nidaam aan ahayn Saldanad Islaami ah ee caadooyinkan lagaga masaxo.

    @@Yoocada iyo Hargeisa Boy,

    Mahadsanidin saaxiibbayaal oo waanan idin ka guddoonsahay aflaggaadhada joogtada ah. Waxbase kama beddelayso ixtiraamka iyo qaddarinta Islaamnimo iyo Soomaalinimo ee aan anigu idiin hayo.

  13. Awlal

    British colonial waxay kaniisado ka furtay Gobolka Sool halkaas oo dad badan ku gaaloobeen ilaa Sayidku yimaaday oo uu ka burburiyay

    Waqtigaas waxaa isku guursaday Sool
    Laba nin, oo waliba AFXAKAME wuxuu dalbaday in laga soo qeybgalo arooskiisa
    Qowma-luudkaa

    Taas ayaa keentay inay wali xasili la’ayahey Sool.

  14. Khalid,
    Afxakame ninkuu ahaa waxaa sheegaya gabaygii Ismaaciil Mire ee ahaa “Ragow Kibirka Waa Lagu Kufaa”:
    Afxakame karkabadii u ay iyo kulaylkiiye ka dambee caluu yiri intuu kaaha guursadaye, kii kalena kaal weyn u tumay karina waabaye ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado. Ina abtigiis oo gabar uu la soo baxay wata ayuu yiri tani ina-abti anay igu fiican tahay. Deedna wuu dhistay waana kibir iyo diin xumo jirtay xilligaas oo shakhsi qudhi sameeyey, kuwaan kor aniga iyo xade ku xusnay waa dhaqan beeleed ay samayn jireen wixii 1991 ka horeeyey amaba weli jira.
    Qisadan aad sheegtay ma cadda inay jirto, hadday xataa jirto guur dhaba ma ahayne waxay ahayd sida la sheego ha lagaa sheekeeyo inaad nin kibray tahay.

  15. Awlal iyo akhristayaasha kaleba,
    Waa wax fiican inaynu isweydiinno ma dhabbaa in Soomaalidu 100% muslim tahay ama ahayd weligeedba. Anigu hadda reerna ulama jeedo oo reerkasta oo Soomaaliyeed waxa ka jira caado dhaqameed fool xun oo diinteenna islaamka burinaysa, weliba cayaaruhu waxay xambaarsan yihiin dhaqan hore fisqi iyo caado ku salaysan oo Soomaali ayaa horay u tiri: haddaan cayaarta wax ku jirin maxaa habeenkii loo tumaa. Intaan ka ogahay cayaaraha Soomaalidu waxay dhaqan shabahaan night club oo fisqi ayaa ugu yaraan ku jira.
    Waxyar oo aan Xade ku afjigayey oo aan uga danlahaa inaan xasuusiyo in ceebi jirto loona baahan yahay inaan la sheegsheegin ayaa soo qoray laakiin haddaan dhaqanka Soomaaliyeed wax ka qoro shaki ayaa idinka gelaya inaan Soomaali ka hadlayo iyo inaan turkaano cawaana ka hadlayo.
    Wixii ka horeeyey 1990aadkii laga soo bilaabo jabuuti illaa raascasayr illaa raaskiyaambooni waxaa Soomaali samayn jirtay labadan qodob:
    In gabdhaha lala baxo idan la’aan oo la guursado idan la’aan weliba qaar ayadoo aan ogolayn ayaa la afduuban jiray oo khasab lagu aqalgeysan jiray. Waa yaabe diinta qiil ma looga helayaa, jawaabtu waa maya.
    Qabuuraha ayaa dadka Soomaaliyeed 80% sharad ka xiran jireen markay dan leeyihiin. Wan weyn oo maro qoorta kaga xiran tahay oo la leeyahay sheekh hebel kun sano ka hor dhintay ayaa leh lama gato lama qasho ee siyaaradiisaa la qali doonaa ama sidaad ayuu ku dhiman doonaa. Iyo qabuur xargo lagu xiray oo la doonayo inay dhibaato jirta ka caawiso.
    AAXade aan kula kaftamee ma waxaad leedahay saar ma cayaarin oo markaan bururay mindi gacanta iskama saafin sidii hilib la solayo.
    Intaas kaftan u daa, Soomaalidii aan aqaanayna diin xumo u daa.
    Waxaa inagu qarxay waa diin yaraane ha la toobadkeeno.

  16. @@Guulayso,

    Saaxiib, sida ogtahay marna ma aanan inkirin in dhaqamada aydun sheegteen dhab u jiraan, keliya waxaan doodda ka hakinayay inay sidbato (taraaraxdo) oo dagaal qabali ah u digaroto.

    Dad badan baa aniga igulayaaba marka aan duuliyo doodda ah Soomaalidu way baahi xun u qabtaa oo kuna samatabaxi kartaa nadaam Islaami ah.

    Ciddii aan is nasakhaynin, way garanaysaa ujeeddada aan ka leeyahay ee ah inay Soomaalidu muxtaaj u tahay in cawaannimada kusii baahaysa caqiidada saxda ah lagaga xoreeyo oo islamarkaana daloolkan uu nacabkeedu uga soodhacayo qummaati iyo si kama-dambeys ah looga cubo.

    Maadaama ay casrigan aadkaatay in Nadaam Islaami ah toos la loo haybsado, qiilka keliya ee cadowga diiddan la iskaga siijeedin karo waa iyada oo nadaamkaas saldanad ahaan loo maldaho.

    Haddii aynu saldanad noqonno, waxaa si tartiib ah la iskugu dhaqi lahaa Nadaamka Islaamiga ee saxda ah, si markaas cadowga shisheeye la iskaga indhasaabo oo khawaarijtana naqaska looga jaro.

    Soomaalida ciribxumo ba’an ayaya soo foodsaaran haddii aan lagasoo gaarin, waana halistaas waxa aniga iyo inta ila maanka ah inoomuuqda.

  17. Awlal,
    Daah ma saarna in sharciga alle inoo dejiyey yahay kan keliya ee samatabixinkara Soomaali walaalayna kara sida ummadihii inaga horreeyey ugu baraareen. Daahna ma saarna in waxa goobtaas ceebeed ina joojiyey tahay alle ka cabsi la’aan iyo dulmi caddaalad waayey.
    Sida loo qaadanayo, wadada loo marayo, iyo farsamooyinka ku xeeran min qaadasho ilaa hirgelin waa su’aal Soomaalida waxgaradka ah u taal.

    • Hadii wadaadkii habaabsan yahay sidee ayaa bulshada looga filin hagaag. Nin habaasan oo waxuu yaqaano ku dhaqmahayn lagama dhigto hage.

Comments are closed.