DEG-DEG+AKHRISO: Muuse Biixi oo cafis u fidiyay boqolaal maxaabiis ah

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta cafis u fidiyay maxaabiista dambiyada fudud ee ku jira xabsiyada Somaliland, munaasabadda Ciidul-Adxaa awgeed.

Wareegto kasoo baxday Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu cafis u fidiyay 546 maxbuus, oo kamid ah maxaabiista loo heysto dambiyada fudud.

Hoos ka Akhriso wareegtada Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summaddeedu tahay SL/XM/WM/222-900/072022, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Cafis

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqraddiisa 5aad;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddeedu tahay TCA/G-1/149/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2022-ka;

Markaan Arkay: Qoraalka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee summaddeedu tahay XIG/JSL/436/2022, kuna taariikhaysan 06/07/2022 u jeeddadiisuna tahay soo jeedin cafis guud;

Markaan La-tashaday: Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada ku xidhan, munaasibadda Ciiddul Adxa awgeed, oo tiradoodu dhan tahay 546 (Shan Boqol iyo Lix iyo Afartan) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyada ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista ee halkan ku lifaaqan.

ALLAA MAHAD LEH

PUNTLAND TIMES 

3 Comments

  1. Colonel Muse Bihi.
    The head of the secessionist region of Northern Somalia.
    had always releases pity criminal prisoners on the occasion of Eid ul adha,
    thank you.
    I hope the other tribal regional administration in Somalia do the same.
    The new in coming federal administration of Somalia – will follow this tradition.

  2. Madaxweynehe< Hassan Shiekh ee sharafta badan ha loo sheego inuu badalo jawiga siyaasada raqiista ee Somalida ay ka dhax leen ree Galbeedka iyo kuwa lagu sheego, United nation ee (badcada ah)

    Hassan Shiekh< Somaliya waxaey u baahan yahiin, qaasatan Somalida Adeer Xassan Shiekh uu ka dhashey ku waaso oo ku habsadey *Qeyraadkii Somaliyeed ee bislaa ku waas oon ula jeedo, qeyraadka dalka uu lahaa ee Beeraha gobolda hurmuudka u ahaa shacabaka Somaliyeed. Gobolada Shabeelada Hoose, Shabeelada Dhexe, Bay, bakool iyo Gedo, Jubada Dhexe, iyo Jubada Hoose, hayeeshee waxaa ugu badan Qeyraadka Shabeelda hoose, Shabeelada dhexe iyo Hiiraan. Oo Dowladii Somaliyeed ee Siiyaad bari waxuu bacramiyey Goboldaan. Afgooye deegaan maa aaheyn la dego. Maxaa yeeley waxey ahaan jireen dadaka Afgooye shaqaalahii beeraha buu fin jirey. Dagaaladii ka dib Afgooye waxey isku badashey inuukaa leh, waxaa ku daydey goboladii kale oo dhan. Adeer xassan Shiekh waxaa laga doonaya raganimo iyo hal abuurka Somaliyeed inuu taageero.! Gobolda dhulbeeraadka aha ee ah (hanti qaran){National asset} Gobolada dhul beeraadka waa inaanan la magaaleysan, dadka magaaleystey ee baayac mushtariinta ah ee jooga magaalada barakeysan ee Muqdisho ha ogaaldeen iney Macaash shaqsiyeed uu dib u dhac ku rideyo wadanka horumarkiisa ilaaladiisa shacbka ku nool waxaa la soonayaa iney qaado dalkoosa ka buuxa qeyraadka iyo nafaqada bisil ee ah. beeaha iyo qeyraadjka bada oo nafaqo joogto ah.

    Maga Project for Somalideeyan, (Ariculture scientist) Somalida muqdisho ka buuxda ee macaashka ceyrsanaya waxaa loo sheega iney guuleysteen hadii ey kuliguud ilaashaan hantida qaran ee beerha maal gashaan kaluumeysiga maal gashaan.
    Soomali Ariculture Scientist, si loo balaariyo wax soo saarka Somaliyeed loogag daydo wanaag iyo hurumrka caalaamka ka socdo.

    Mega project for Somalia.

    Hayeee, hayeeeeeeee, Hayeeeeeee, (Sayid Hassan Shiekh) (Sayid Muuse Biixi) (Sayid Dani) (Sayid Axmed) (Sayid Lafta Gareen) ( Sayid Qoor qoor)
    *Shabaka sharafta baden ee Somaliyeed*
    *Nabadoonada Saharafta Badan ee Somaliyeed*
    *Ehlul Baydka Sharafta iyo Qiimaha Badan ee Somaliyeed*

    (Baralaanada Barakeysan ee Dowlad goboleedtyada)
    (Barlamaanka sharafta badan ee Federaalka Somaliyeed)

  3. Madaxweynehe< Hassan Shiekh ee sharafta badan ha loo sheego inuu badalo jawiga siyaasada raqiista ee Somalida ay ka dhax leen ree Galbeedka iyo kuwa lagu sheego, United nation ee (badcada ah)

Comments are closed.