DEG-DEG+AKHRISO: Soomaaliya oo markale lagu khasbay in ay Raali-galin siiso Masar!

Af-hayeenka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ayaa Raalli-gelin ka bixiyay hadalkiisii ahaa in aysan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Masar, ka wada hadlin arrimo la xariira Biyo-xireenka webiga Nile ee ay dhisayso Itoobiya.

War kasoo baxay Af-hayeen Cabdikariim Cali Kaar, ayaa lagu sheegay in warbaahinta qaar ay si khaldan u turjumtay, shirkiisii Jaraa’id ee uu kaga hadlay booqashadii Madaxweynaha DFS ee Qaahira iyo wada-hadaladii uu la yeeshay Madaxweyne Cabdulfitah Al-Siisi.

Waxaa uu sheegay in Xasan Sheekh iyo Cabdulfitah Al-Siisi ay mab’da ahaan isku raaceen in khilaafka ka jira gobalka lagu dhameeyo wadajir iyo nabad.

Todobo maalmood gudahood, waaa markii 3-aad oo ay Madaxtooyada Soomaaliya tabinayso warar is burinaya, oo ku aadan wada-hadaladii Biyo-xireenka webiga Nile ee Labada Madaxweyne.

Cabdulfitah Al-Siisi, Madaxweynaha Masar ayaa ku sheegay shir jaraa’id oo ay ku wada qabteen Madaxweyne Xasan Sheekh Madaxtooyada Qaahira inay ka wada-hadleen khatar ay leedahay go’aanka halka dhinac ee lagu dhisayo Biyo-xireenka webiga Nile.

PUNTLAND TIMES 

28 Comments

  1. Afhayeebka madaxtooyadu wuxuu u dhaqmayaa sidii inuu waalanyahay. Waxaan arkay isagoo ka jawaabaya hal suaal oo marna leh haa, marka weriye dhinac kale kaga keeno suaashaas laftigeeda wuxuu ku jawaabay maya.
    Waxaan is iri waa Anthony Scramuchi-gii Soomaaliya. Scramuchi wuxuu ahaa afhayeenkii Donald Trump.
    Waar Xasanow nin macquula keenso.

  2. Horey baan usheenay somalidu kud kaguuroo qanjo uguur kama gudubto.
    Shalay dhiiqadii khaliij ayaan dhex maquursaneen maantana dhiiqo masar iyo Ethiopia ayaan ku dhex jidhnaa, Allow Hogaamiyeyaasha noo hagaaji.
    Aaamiin.

  3. Ethiopia hadalka waa loo cadeeyay. We stand with Masar period. If we don’t that, yaa inagu taageeraya biyaheena hadii ay xirtaan, ama hadaan dagaal la galno Itoobiya? Yaa ka jawaabi kara? Wax walba oo xun waan la doonaynaa Ethiopia untill they give us back our lands period. Ninka Soomaaliga oo leh Itoobiya ayaa dantayada ah, doqon baad tahay! Maybe I will change my mind, when the Somalis in Ethiopia become like the Somalis in Kenya, dhal ciidan dhal wasiiro iyo dhan ganacsi oo meel walba ka ganacsan karaan cabsi la aan.

  4. SALAAMU CALEEKUM

    Walee reer aan ogahay ma guudhaan.. waayo, XASAN DHIIQO lee hogaaminaa.. xagee gaarsiin…

    HAWIYE waligood siyaasad baran maayaan… bililiqo iyo kufsi iyo dil mooyee, wax kale ma yaqaaneen…

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    • Tunnida iyo Barawaanka uun baa la kufsadaa iyo Faqashta. Kuwaasina intooda badan waa rufiyaaniin u jaajuusa Xabashida. Sida Barawaani King. Abaalkooda ayaa la marinayaa.
      Bal may kabahooda iska toshaan?

  5. SALAAMU CALEEEKUM

    War FARMAAJOOOOW, xaal qaado…. qabkii iyo magacweynidii baa luntay.. hadda wali 3 saddex bilood wali ma gaarin..

    ALLOOOOW ALLEEEEEE … BALWAAN IYO BOOOS dowlad ay wadaan, xagee gaadhin…

    • Faqashta waa rufiyaaniin u jaajuusa Xabashida. Sida Barawaani King. Abaalkooda ayaa la marinayaa.
      Bal may kabahooda iska toshaan?

      • Erible franfar qof cuqdad uliitahay waxaan filayaa in lagusoo faraxuumayay ama hooyadaa ay si qaldan kuu dhashay. Daarood Somaliya iyagaa leh Ethiopia iyagaa leh Kenya iyaga leh waana hormuudka geeska Africa. Aduunka kalena iyagaa wax ka ah. Hawiye huuraale iyo iidoor afqarmuune waa inay aamusan edebna yeeshaan.

  6. Waxaa aad loolayaabaa Soomaalida meelkasta iskugu maran ee qabyaaladdana iskugu colaadinaysa in ay nacabyo shisheeye la kala safantahay oo ugu kala dabadhilifeynayso. Haddii ay iyadiiba is nacabsatay oo kala boodday, sidee bay cadow shisheeye oo u wada siman haddana u yeelan kartaa?

    Caalamka kamajiraan waddamo iyo ummado aan soo marin marxaladda hadda Soomaaliya iyo Soomaaliba ku gadaaman, balse maraaxiil aad ugasiixun oo ugasii kharaarsan ayay lasoo darseen oo kasii gubdeen. Waxaana xaqiiqadan laga darsaa ummadaha ilbaxnimada iyo xadaaradda saldhigtay ee amniga iyo dowlad-wanaaggana kucaanamaalay.

    Sida qaalibka ahna, waxaa qowmiyadaha haddeer xadaaradsan gorodda isuggelin jiray shucuurta jilicsan ee aalaaba basharka isliska xooggan kadhex huriya sida hinaasaha, xinka, xasadka, tuhunka, cunsuriyadda, qabka, islaweynida, iyo wixii sooraaca oo ayna usiiweheliyaan loollanka iqtisaadiga iyo damaca waalan ee ku xeeran.

    Colaad iyo iskudhacyo joogto ah ayay kuwa aakhirkii xadaaroobay qarniyo badan kadhammaan waayeen, laakiinse waxaa maskaxdoodii kashaqeysiiyay duruufihii, baahiyihii, iyo xaaladihii ba’naa ee kalasoo darsay islisyadaas xooggan ee kadhex aloosnaa.

    Waxay dhaadeen in istraatijiyadda keliya ee lagu kala badbaadi karo ay tahay in isla wada badbaado – “noolow oo in qerykaa noolaadana u oggolow”.

  7. Dhaadanaantan waxaa kadhalatay garashada ah in islisyada lagu zuulin karo duruufaha iyo baahiyaha – maadaama laga wada simanyahay oo loowada simanyahay – oo si wadajir ah oo iskaashi kusaleysan la isaga haqabtiro oo danwadaagna la noqdo. Waxay garashadaasuna iskugu biyoshubatay in MIDNIMO lahaybsado oo mayalkana loo adkeeyo.

    Qummaati ugu fiirsada oo u dhugta macnaha iyo murtida uu xambaarsanyahay ereyga ay ummadahan xadaaradsan dowladnimadooda dugsiiyeen oo kuna asteysteen ee ah “union” iyo faracyadiisa kala duwan ee sida “united” iwm.

    Haddaba, Soomaaliyeey, xalka keliya ee aydnu annaguna marxaladdan iyo duruufaheeda iyo baahiyaheeda adag iskaga samatabixin karno waa MIDNIMO ee walluusan xal kale u jirin. Waa midnimo la’aanta waxa inagayeelay in la ina kalaxado oo la ina kala ugaarsado oo kuweenna qawsaarrada iyo qawleysatada ahna la inoo kusallido oo iyana nacabyada shisheeye ugu kala naageeyaan.

    Dad waxaa uguxun kuwa guuldarrooyinka kalajabkoodu dhaliyay waddamo kale iyo dadyow kale (sida Kenya iyo Itoobiya) marba ugu aaneeya, qiilka kadhigta, oo kuna raadgata. Soomaalidan iyadu isu cadowga ah, ma cadow kale ayay kahadali kartaa?

  8. Mar haddaad darkaa & darkaa midna qaban weydo, saw in aad gabi-dhaclaysaa gartaa maaha!

    Wax eed ah iigama muuqato af-hayeenka Xasan sheekh, waa nin dadaalaya. Waan ka reebay cinwaanka MADAXWEYNE in aan Xasan ku lamaaniyo, sababtoo ah isaga ayaa u dhaqmay sidii shakhsi aan waddan madaxweyne u ahayn. Intaas uu wareegayey, wasaaraddii arrimaha dibedda qof kalama socon, taa beddelkeeda waxa uu kaxaystay shakhsiyaad ka mid ah kooxdii ay xukunka wada “inqilaabeen” ee kalhore bedbaado qaran la baxday. Taas baa, marka, qayb ka ah “gebi-dhaclayntan” faraha badan ee durba soo baxday.

    Intaas waxaa dheer, kooxda Xasan waxa ay xitaa garan la’yihiin sidii ay xukuumadda u soo dhisilahaayeen waayo waa jamhad meel qabsatay. Nin waliba waxa uu rabaa qaybtii uu mujaahidnimada ku lahaa in uu helo. Marka, ciddii u haysata in Xasan xukunka sanduuq ku yimidoow, raalli baad ahaanaysaa.

    Mid baanse jeclaan lahaa in aan iftiimiyo, oo ku saabsan Masar & Itoobiya. Itoobiya waa cadaw gaamuray oo ay Soomaaliya & Soomaaliduba leedahay, lama dhaafsan karo Masar. Masar jiritaankaaga duulaan kuma aha, laakiin Itoobiya & Kenya jiritaankaaga ayay duulaan ku yihiin.

    Marka, waa lagu khasbanyahay in cadawgaaga aad saaxiib u samaysato aad berri u baxsato, ilaahoow may markay ugu yartahay dhagaxaan farqaha kaaga soo buuxiyaan sida Falastiine. Dad baan maqlayey lahaa Sisi waa mujrim. Waa xaqiiq Sisi waa mujrim, cid taas su’aal gelinaysaa majirto, laakiin Masar Sisi hortiisna way jirtay dabadiisna way jiraysaa. Masarna waxa ay Soomaaliya u aragtaa waddan istiraatiiji u ah, haddii ay hesho raggeedana waa laga faa’iidaysan karaa.

    Haddaan u soo noqdo arrintan hadda taagan ee afhayeenku hadba gebi kula dhacayo, wax deel qaaf ah oo uu Xasan sameeyey oo lagu eedo, marka laga reebo arrimaha aan kor ku xusay, aniga iima muuqato. Soomaaliya waxa ay ayidday in qaraarkii UN-ka ee ku addanaa biyo xidheenka Abay sidiisa loo fuliyo, oo uuna waddanna si iskiis ah go’aan isaga qaadan. Intaasna si aad ah baan ugu taageersanahay wax xumaan ahina iigama muuqato, laakiin Itoobiya waxa ay leedahay maba booqan kartaan Masar; annaga naga amar qaata.

    Gunaanadkii, aniga iima muuqato wax lagu eedo afhayeenka madaxweynaha, waana uu dedaalay, laakiin Xasan baa wax ka khaldanyihiin sida aan kor ku xusayba. Si kastaba, Masar cadow nooma aha laakiin Itoobiya cadow bay noo tahay, ee inta goorigoor tahay hallaga saaro ciidamada Kenya & Itoobiya jamhuuriyadda Soomaaliya (dhallaan kaagay sugtaa xaajadaad dhowrataa ebid).

  9. @Awlal,
    Ma helin waqti aan uga jawaabo su’aal aad i weydiisay two days ago.

    Anigoo tixraacaya oraahdaada ah “dad waxaa ugu xun ku guuldarradooda ku eedeeya dadkale.” Aad ayaan kuu waafaqsanahay inaan Soomaaliya meel kale looga imaan ee iyadu guuldarraystay. Siyaasiyiinta Soomaaliyeed malaha aragti iyo mabda’ ay aaminsanyihiin midna. Shacbigana xaalkiisuna kama foga shacbi xun iyo diyaasi xun kasoo dhexbaxaa.

    • Xubin dadwaynaha kamid ah haddaan ahay, isuma haysto inaan xumahay. Haddii-se hadalka loo wado “dadwayne ayan u fududayn inuu arko meesha ay dantoodu ku jirto”, waa oggolahay.
      Taasna, haddee waxaa keenaya heerka ilbaxnimo. Si kooxo-kooxaysan bay xeryo qabiil ugu kala oodan yihiin, oo dantooda ma wada waadsan karaa.

  10. @@@HILLAAC,

    Waan ku salaamay markahore. Kol haddii aad golahan isin ka tahay, madaxweynaha SSC-na tahay, Garaadnimadana dhaxal uleehaday, waxaa waajibkiinnu yahay – adiga iyo inta kula mansabka ah – inaydun Soomaalida runta iyo xaqa sida ay yihiin dhakada uga saartaan.

    Anigu waxaan u arkaa hawraar qeyral munaasab ah ee aan sal iyo raad toona lahayn in Soomaalidan iyadu is nacabsatay ee sidaasna isu neceb markasta shisheeye kale farta ku goddo oo kuna raadgadato.

    Dad isku duuban oo ay gacaltooyo kadhexeyso ayaa xaq ulahaada ay cidkale cadowgooda kutilmaamaan, laakiin Soomaalida hadalkaasu marnaba uma furna. Iyadu hoos ha isu eegto markahore oo meel loogu hagaago ha isku sheegto.

    Cadaawadda ugu xun Soomaalida ayay kadhexeysaa oo u baahan laga hadlo inta dadyow kale lagu raadgadanin.

  11. @@Guulayso,

    Ustaad, waa runtaa xaqiiqdii. Soomaalidu waxay ka warwareygaysaa inay waxa iyada qurunsaday iyo gondaheeda hoos u eegto. Iyada oo aan la is tusi karin ayay haddana dadkale farta ugu godaysaa in ay cadowgeeda yihiin.

    Su’aaluhu waxay noqonayaan, haddii qabiil kasta goonnidiisa u nuudkuusay oo dalalka iyo dadyowga taariikh ahaan Soomaalida nacab ummadeed usoo ahaa hoostaas kala faqay oo lasaaxiibay, nacabkaasu yuu markaasi cadow u yahay? Yaase xaq uyeelanaya uu nacab Soomaaliyeed kutilmaamo, illay wixii guud ee cadowga loo ahaa waakan kala burburay e?

    Lo’gisida waa la daawaday in marka ay raxan ahaan libaaxyada dhan ugasoo wada jeedsato in aysan libaaxyadu kudhiirran karin oo ayba lafahooda uga cararaan; marka ay goonni u kala yaacdana mid-mid loo wada cuno. Bal iyadu meel ay iskugu soohagaagto ee loogu soohagaago ha isku sheegto inta aanay dadkale farta kufiiqin.

  12. Waxaan Madaxweynaha kaga codsanayaa inuu soo magacaabo Afhayeen cusub.

    Walaalaha Faqashta waxaan leeyahay waagii la baryi jiray Xabashida way dhamaaday kkkk

  13. Cabaadka iyo calaacalka Faqashta jecliyaa.

    Waar bahalkii weynaa baa idinku rakiban ee ha isku ruxina, yanu xiidmaha idin goyn e.

  14. Aqoon yahan Awlal, waan kaa qaaday salaantaada sharafta badan & cinwaanada aad igu cumaamadday, taa mid le’egna waan ku salaamay.

    Marka aan intaas ka gudbo, kama aan hadlaynin arrimaha gudaheena; waxa aan ka hadlayey arrimaha dibedda, khaasatan waxa aan isbarbardhig ku samaynayey Masar & Itoobiya. Haddaanse Soomaalida dhexdeeda u soo noqdo, shaki kumajiro in aynu qaadanayno eedda koowaad ee ku aaddan dhibaatooyinka ina haysta. Marka wax kale laga yimaaddana waxa ay ku caddahay quraanka. Qolona alle ma dooriyo illaa ay uyaku is dooriyaan mooyaane.

    Haddaanse ka hadlo dhinaca aad ka istaagtay waxyaabaha Soomaalida dhexdeeda ka xun qayb ahaan sida aad u dhigtay waan kugu raacsanahay, laakiin waxbaa igala socda oo aan rabo in aan u bayaamiyo sida ay iila muuqato. Sida aan u arko Soomaalidu isma necba, laakiin xifaaltan ku salaysan “qabyaalad” baa ka dhaxysa, tiiyoo ay u dheertahay jaahilnimo & saboolnimo.

    Tusaale, haddii maanta ay aafo ka dhacdo gobol ka kamid ah Soomaalida dhexdeeda, waddan kasta oo ay ku dhexjirtaba, waa isu gurmataa. Meel kasta oo aad adduunka ka tagtidna qofka Soomaaliga ahi waa uu ku soo dhowaynayaa sida qaalibka ah oo waad ku xisaabtamaysaa.

    Sidaa daraadeed, erayga nacayb ama cadaw ma qabo in ay Soomaalidu isu qabto. Waase dhacdaa in dadka sheegta siyaasiyiinta ay dadka cadaawad been ah & kala shaki ku abuuraan si ay dadntooda khaaska ah u gaaraan. Kuwaasina badankoodu waa basaasiin u adeega waddamo kale.

    Shakhsi xil halbowle ah haya oo laba baasaboor wata maxaad ka filaysaa? Waxaa kale oo jira kooxo face-buugyo & Youtub-yo furtay oo aad mooddo in lagu mushahar siiyo kala fogaynta dadka Soomaaliyeed, oo qabyaalad & aflagaaddo & isku dir mooyaane aan wax kale ka shaqayn. Marka intaas shayaadiinta ah laga yimaaddo ee dadka ku dhex jirta, Soomaalidu isma necba sida aan qabo.

    Si kastaba, haddaan mawduuca korew ku soo noqdo, la isma barbardhigi karo Masar & Itoobiya. Itoobiya waa cadawga 1aad ee Soomaaliya, marka laga hadlayo waddamada dibedda ama deriska. Waddanka labaadna ama 1aadna waa Kenya. Marka, majirto sabab uu ciidankoodu ugu sii jiro Soomaaliya. Soomaalidana halloo duceeyo. Wbt

  15. Low IQ culusow

    Waa in xilka laga xayuubiyo sidii Abdallah bucaremkii south America looga xayuubiyay, iyadoo lagusoo oogayo xil gudanwaa ay waaliyi weheliso.

    Awal waxaan aaminsanaa inuu ilaa 6 bilood rafan-karo haddase 60 maalmood bay kusoo koobantay.

    Culusow waa ku mahadsan yahay inuu saadaasha degdeg noogu rumeeyay..

  16. @@@HILLAAC,

    Garaad, waan kaa guddoonsaday sida waayeelnimada leh ee aad Soomaalida ugu ceeb asturtay, halkii lagaa filayay ayaadna kasoo abbaartay.

    Waxaase jirta arrinkale oo isagana meesha ku mudan ee aan weli caddayn: Soomaalidu ma kalgacal dhab ah ee ay isu qabaan ayay isugu gurmadaan mise waxay u adeegsadaan fursad ay ajar kaga raadsanayaan?

    Mahadsanid Garaad.

  17. If xasan Shiikh stayed in Villa Somalia and the government cabinet appointed,we would not have found our self in this grave diplomatic mess with other two countries that are fighting. Unfortunately the whole thing became one man’s show.
    As for contradictory statement by his spokesman,I believe it’s an attempt to find an excuse for Xasan Shiikh,it’s an escapegoat.
    I think the damage is done,we all hope not as extensive.
    Rumours has it,Ethiopia had sent huge army to take over Marka and Baraawe for the long haul. Ethiopia is trying to prevent the Habargidirization of that region,Remember Indhocade?
    I don’t throw and roll crystal balls,I just try to carefully understand the thought process of my people,particularly those who call themselves leaders. The Habargidir thinking is that Raxanwayn cannot defend themselves and they can easily win. The productive lands.

    • Afkaaga caano lagu qabay.
      Waa runtaa oo shacab xun, baa siyaasi xun ka soo baxaa. Kii hore iyo kan hadda,labaduba ma yimaadeen haddi xildhibaanku nadiif yahay. Hal xaaran ah ma dhasho nirig xalaal ah. Period….period…!!!!!!!!

  18. The spokesman takes the fall on this one and criticism is both due and Deserved. This is unforced fumble but a minor one at best. Hassan should not by side tracked by agitators like many of you here. His foreign policy of balanced ambiguity is smart and necessary. As far as Somali and Ethiopian relations are concerned rule number one is keep your distance. Rule number two remain is impartial. The statement at your Cairo meeting repeated verbatim what African Union, the EU, and Arab league say. Your Excellency your Government needed take nothing back. Nevertheless the mistake has now been clarified please don’t comments on this issue any further. Keeping Ethiopia guessing is the best way to manage this relationship.

  19. TO:Ally M
    Grave diplomatic mess are you kidding me? this is not even a concern let a lone been grave diplomatic mess. Ethiopia doesn’t see it that way. That may be a wish on your part but all indications are Ethiopia understand Somalia is sovereign country. That what was said at Cairo conforms with what for example Eritrea, Turkey, China, Jabuuti, Russia and United States say. Some of Countries on this list are quite friendly with Ethiopia. I promise you Somalia will not be the exception. Our relationship with Ethiopia will just do fine although up and downs in a relationship are to be expected.

Comments are closed.