DEG-DEG+SAWIRRO: Booliiska Puntland oo gubay khamri & Xashiis, digniina

Booliska gobalka Nugaal ayaa fagaare ku yaala duleedka caasimadda Puntland ee Garoowe ku qubay khamri iyo xashiis fara-badan, oo horey ay xukun ugu riday Maxkamadda degmada Garoowe.

Maandooriyaha oo ka koobnaa 100 dhaloo oo DRY GIN ah, Khamriga gudaha dalka lagu farsameyo ee ‘Calaqda’ loo yaqaano iyo Xashiish tiro badan, ayaa lagu soo qabtay howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Amniga Puntland.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal, G/Sare Xussen Cali Maxamuud ayaa sheegay in xashiishkan qaar ka mida sidii Hadyadii loo soo farsameyay oo la rabay in ciidamada lagu khaldo halka kuwo kalana gaari yar daqadihiisa lagu soo qariyay.

G/Sare Xussen Cali ayaa sheegay in har iyo habeen ciidamadu u tagan yihiin la dagaalanka Mandooriyaha wuxuuna xusay in bulshadana looga bahan yahay inay ciidamada garabsiiyan oo xogta la soo wadagaan.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa u mahadceliyay ciidamadii Mandooriyahan soo qabtay iyo Sarakiisha ciidamada isagoona faray in shaqada sii laba jibaraan. Fagaaraha lagu gubayay maandooriyahan ayaa waxaa goobjoog ahaa Guddoomiyaha gobalka Nugaal, Xeer ilaalinta Maxkamadda darajada kowaad ee gobolka Nugaal iyo Culima’udiinka Magalada.

PUNTLAND TIMES 

4 Comments

  1. SALAAMU CALEEKUM

    We, PUNTLANDERS, salute the patriots of our Policemen. They, day and night, strive to keep security and illuminate crimes.

    Fighting with drugs is the number one. Drugs don’t just affect your physical body and health, they can affect your mental health, your finances, your relationships, your social life, and your criminal record. We need the help of our Islamic scholars to propagate the danger of using drugs.

    It is not enough to fire or destroy the drugs, it is also necessary to put the sellers in jails and give them an orientation to the right path.

    We plea our beloved President, DR SAID ABDULLAHI DENNI, to heed to remedy this dangerous drug and put his first priority on his office’s agenda.

    VIVA PUNTLAND
    VIVA JUBBALAND
    VIVA SOUTHWEST.

    GUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUUULLLLLLLLLLLLLL

  2. SALAAMU CALEEKUM

    Waxaan u digayaa ILMA BUCUR BACAYR, DABAYACUUUN, ama ILMA GEN. MOORGAN ama ILMA COL. AWES GEEDOOOW, oo caruurta wacalada u dhali jidhay IIDOOR WAGASHLEEEE, in ay halkaan ka caaytamin, ama deg deg uga huleelaann..

    HALKAAN waa guri, ILMA CABDURAHMAAN ISMAACIIL JABARTE.. Dhal- awliyo, dhal-karaamo, oo waligood xaaraan arag, oo waligood bililiqo lagu soo korin…..

    Marka caayda ILMA BUCUR BUCAYR loogama baahnaaaa….

    WAA DIGNIIN… WAA DIGNIIN..

    “WAR HOOOY NIN LOO DIGAY, LAMA DELIN”…….

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  3. ali xaraare iyo yasiin ducale oo leh meesha ugu khamri cabid bada somali waa barn casimada boqrtooyada warsangeli shacbkii ugu xishoodka badana hadiiba casimadoodi saas noqotay maxaad ka maleen mudug reer waalan degenyihiin,Celkasto baran laga qodo biyo waa laga waayee waxaa la oran jiray bio lahubo waa baran waxa dhaadhacaya waa caro ilaahay war miyeedan quraanka akhrisan fasaadka dhulka ilaahai lama rabo.Sidii reer caad dabaylo aan kala joogsi lahayn iyo abaaro macaluul miyeedan ka baqeey. ILAAHA WEEYN ha ini ka badbaadsho.Waad u jeedaan meeshii khamriga somalia laga soo gelin jiray ogadeenya shabaab ayaa dagaal ku biloowday Ilaah waa waxkasata oge miiroogii isgana musiibo ku dhicin.Taasu waa raxmad EEbe iniku naxariisan

  4. Akhristaha magaca alifka ah wata waan kuwaafaqsanahay faalladaas qiimaha badan ee uu inalawadaagay.

    Runtu waxaa weeye in dhibaatooynkan laga warramayaa ay yihiin oo keliya astaamaha lagu arko bulsho kasta oo kala burburtay – muslim iyo muslim la’aan ba. Ma aha ciqaab uu Rabbi (SWT) kucadaabayo e sunnaha kownka ayaaba sidaas ah.

    Marka ay ummad mise qowm kalaqubtaan, waxaa ka curyaama amaba ka hallaaba nadaamkii iskuhayay, waxaana kuhabsada oo kudhex baaha duruufaha iyo baahiyaha nololeed ee adag. Waxaa kuhagoogata marxalad aad u xun oo dhimirka iyo damiirka toos uga galaafata, taas oo bulshadaas balwadda ujebisa oo mukhaadaraadkana kusii dhex baahisa maadaama ay dhimirka iyo damiirkaba ka curyaantay.

    Qaabkaas ayayna aakhirka fusuqu iyo fasahaadku uga qaalib noqdaan. Waxaase isweydiin mudan, waxa bulsho 100% muslim ah ee ay Qur’aanka Kariimku iyo Sunnuhu manhajka nololeed ee dunida ugu sugan u yihiin ku xaqsaday inay sidan ku dambeyso?

Comments are closed.