Itoobiya “TPLF ayaa qeyb ka ah duullaankaa Al-Shabaab ee xaduuda Soomaaliya”

Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday in Duulaankii lagu soo qaaday Dawlad deegaanka Soomaalida, ay qeyb ka ahayd kooxda TPLF oo la safnayd Al Shabaab.

General Tesfaye oo ah Taliye kuxigeenka Nabadsugida Itoobiya ahna Madaxa howlgalinta Milateriga, oo ka warbixiyay dagaalkii Alshabaab soo qaaday ee maal-mahan socday ayaa sheegay inay ku lug leeyihiin xoogagga dibeda ah iyo kooxda TPLF.

Generalkan ayaa sheegay in Alshabaab xisaab qaldan isku dhufsatay oo ay isla lahayen dhankaas ciiddan xooggan ma joogo,haddii aad gudaha gashaana gurmad ayaas heli kartaan.

Tesfaye oo ka hadlayay weerarkii Alshabaab ayaa yiri
“20 ama 30 gaadhi intaad Itoobiya kusoo weerarto kuma jabin kartid.Dhamaan kooxdii guddaha soo gashay waa la cidhib tiray.Ciiddamada gaarka ah ee Soomalidu waxay muujiyeen geesinimo cajiiba.Runtii guul wayn oo cashir u noqonaysa ayaan gaadhnay loo dhigay argagixisada.”

Generalkan ayaa xusay in argagixisada hoggaamin laga dilay,wuxuuna sheegay inay jiraan iskudayo kale oo ay wadaan balse wuxuu tilmaamay in halkooda[Somalia] lagu xakamayn doono.

XIGASHO: Voosstv

PUNTLAND TIMES 

12 Comments

  1. Low IQ culusow

    TPLF waxay xafiis ka furatay magaalada Muqdisho, siiba deegaanka hadda loogu magac daray Galmudug. Waxayna bilaabi doonaan inay soo diraan xubno tabo baro OLFta iyo kooxaha kale diyaarka u ah inay dagaal ku qaadaan Ethiopia.

    Waxaan sugnaa waa halkay cago dhigato siyaasada cusub ee “colaad iyo qarax” ee culusow hogaaminayo..

  2. Waxaan halkan uga jawaabayaa kuwa caadeystay in ay kuhadaaqaan “Itoobiya” waa cadowga Soomaaliyeed oo qabaa’ilka qaarna ku dacaayadeeya in ay “xabashida” jawaasiis u yihiin oo Soomaalidana usoo horseedaan. Runtii, waa aragti aad u gaaban iyo andacood waaqiciga dhabta ah iyo caqliga saliimka ahba kasoo horjeeda, sababahan soo socda aawadood.

    Marka kowaad, maacan “xabashi” ma aha qabiil mise qowmiyad gaar ah e waa magac asalkiisu Carabi yahay ee isku jumleynaya dhammaan 90ka qowmiyadood ee dalka Itoobiya ku wada dhaqan. Waa eray uu asalkiisu yahay “xubush” oo lagu macneyn karo “waxyaabo la isku jaabajaabeeyay amase meel la iskugusoo uruuriyay”.

    Sidaas aawadeed, macquul ma noqon karto in ay qabaa’il Soomaaliyeed 90kaas qowmiyadood jawaasiis iyo dabadhilifyo u wada noqdaan. Maxay kadheefayaan oo dan ah oo uugujira? Xaggee ayayse badankooda iska arkayaan oo kufaqayaan illayn xuduudoba ma wadaagaan e?

    Marka labaad, Itoobiya oo idil Soomaalida cadow iyo nacab midna uma wada noqon karto, waayo waa 90 qowmiyadood ee badankoodu aan Soomaalida aadmiga kale ka aqoon in ay dhegaha ka maqleen un mooyaane. Wax ay ku cadowsadaan oo dhexmaray majiraan. Andacoodkanna iskiisa ayuu isu buriyay.

    Waxaa sooharay Tigrayga, Amxaarada, iyo Oromada oo ay Soomaalidu badankeedu “Itoobiya” u taqaanno. Saddexdan marka la isku jimeeyo, waxaa la oran karaa labada ay u badantahay in ay taariikh ahaan Soomaalida heer imberatooriyadeed isu necbaayeen waa Amxaarada iyo Tigrayga.

    Su’aashu waxay tahay ayamaa maanta Soomaalida cadaawad u qabta oo in laga feejignaado uu waajibku yahay> Jawaabteeda akhristeyaasha ayaan u dhaafayaa in ay dood kuwadaagaan.

    Xaqiiqado ayaanse anigu jeclaan lahaa inaan Soomaalida xusuusiyo: Itoobiya, dal ahaan, taariikh iyo maqaam sare ayay Ummadda Islamka kuleedahay maadaama ay asaxaabtii ugu horreysay magangalyo kasiisay Qureyshtii rabtay inay layso.

    Dabcan, boqortooyinkii ugu badnaa ee Itoobiya (iyo Eritrea oo kamid ahaydba) katalin jiray waxay u dhasheen qowmiyadda Tigrayga, kuwaas oo uu kamid ahaa Boqor Najjaashkii asaxaabta soodhoweeyay ee markii dambena muslimay.

    Haddaba, miyaa Itoobiya lawada cadowsan karaa? Sidee ayaase Soomaalida u habboon inay mas’aladan Itoobiya u waajahdo oo ugana hadasho? Yaa cadowga Soomaaliyeed ka ah oo sidee lagu kala garan karaa?

    Akhristeyaasha ayaan u dhaafayaa.

  3. Awlal

    Saaxiib Quraafaadka aad halkaan kusoo qorto anigu waqti kuma Lumiyo Skip baan ku suubiyaa maxaa yeelay waxaad soo qortaa Mala awaal iyo sida aad Adigu jeceshahay oo runta aad uga fog xaqiiqada dhabta ahna aan ka tarjumaynin iyo halkan aan maantay Marayno iyo taariiqihii hore intaba.

    Waxaad tahay Qof ay Dabayli sidato oo hadba isku dayaya in uu Laan cuskado !

    Ethiopia waa Caddawga Ummada Soomaaliyeed laakiin waxaa jira Dad Soomaaliyeed oo markasta Caddawga u shaqeeyo ( Daba Dhilif Amxaaro ) !

    Waa kuwa markasta Qiil u raadiya Amxaarada ama Caddawga Ummada Soomaaliyeed. Horay ayay u jiri jireen wax nagu cusub Maaha waxaana la mar siin doonaa halkii ay mareen kuwii sidii Awlal Oo kale u hadli jiray.

    Madaxweyne Xafiidulaah Xurmadle Xassan Shiekh waa taa Dhaqaaqday Dawladii uu hayinka u hayey waa socdaa Trainkii ee Hurdaayoow yuusan kaa tagin !

    Kuwa Ethiopia u Nacamlaynayoow waqti xun baad socotaan laakiin Wali rajo ayaad leedihiin aad kusoo noqotaan.

  4. @@@ Awlal,Ustaad excellent preface and questions.
    One thing I know is that, we are way better to have a good mutual relationship with Ethiopia.The Ethiopia that exist is atleast 60% Muslim if not more than that. And large percentage are people of primitive status,meaning they are waiting for the message to reach them,those kind of people,generally believe the existence of one creator.Somalia needs a leadership that knows well its weaknesses and where yuit stands in the ranks of nations,Only that time when we have good count of our stocks then we can confidently say am free to make a friend or foe with any nation.At this time Somalia is like chronically ill person under the care of Drs that they linguistically can’t understand each other. I think there is no permanent enemy just like there is no permanent friendship.

  5. @@@ Ducaale Kaahiye,
    Where are your facts? Don’t be a windbag. If there Jawaasiis Ethiopia u shaqeeya,Soo ma ogid in ay jiraan Ethiopian Jawaasiis ah oo Somalia u shaqeeya?

  6. Waxaan ognahay, si waliba Soomaali isku dagaasho, marnaba isma guumaystaan. Waxaa la yiri, kan aad kabahiisa ka tolanayso, kuwiisa fiiri. Sanad ka hor Tigreegii inta silsilado Amxaarada ku xirteen ayay beerahooda ku fasheen. Tigraay soo Abysinian ma ahayn. (Abysinia = Xabashiiniya)

    Shaydaanku marka hore, Allah buu kaa goynayaa oo danbi wayn ayuu gacanta kuu galinayaa adigoo ogol. Wixii ka danbeeyana, wuxuu doono ayuu kaa samayn because no one will come to your rescue. Itoobiya weeye shaydaanka, waxa baxarka lagalinayana waa Somaliland.

    Miyiidan u jeedin in Xabashiiniya diyaarsadeen a Navy? Waxa la isku diyaarinayo waa Somaliland. Waxaan is waydiiyay Soomaali waligood waa isdili jireen waana heshiin jireen, maxaa Isaaq Soomaali uun uga hadlaan, oo waxa soo socda indhooha u arakaynin?

    We live in a dangerous world where the greater number, the better for survival. Isaaq waa 1 million, Itoobiya hawaday ku duban. Tariikhda Falastiin waxay leeyihiin, iyagaa waagii hore Yahuuda soo dhawaysan jiray, markii danbana waa kala wareegeen deegaankooda, u ekaa waxa Somaliland ka socda, waxay dhahaan walaalahayaga Itoobiya, Lol.

    Daarood iyo Hawiye isku dirkooda, iyo Alshabaab in lagu hubeeyo Soomaaliya waxaa idiin kaga fiican, in aad is badbaadisaan. Xabashiyiiniya waa calaamadaysteen Somaliland, Fact!

    To be honest, a lot of Somalis are ok with the Idea Somaliland being part of Ethiopia, because they are starting to hate Somalilanders. Waxaa lagu nacay tarxiilkii iyo taageeradooda Alshabaab. Social mediyaha ayaa lagu sii baraarugay Farmaajo sida ay u taageeri jireen, xaasidnimo they were hoping in uu Soomaaliya qar ka tuuro. Dadkii waa karahaysteen Somaliland, it is true, cidina uma soo gurman doonto, I think it is too late them.

  7. Ally M

    Ma hayno ilaa iyo hada Ethiopian Jaajuus u ah ama u shaqeeya Somalia 🇸🇴 laakiin waxaynu ognahay Soomaali Jaajuusiin u ah Ethiopia iyo waliba kuwo si free ah oo Mutadawacnimo ah ( Volunteers) ah ugu adeega Xabashida qaarkoodna ay ka difaacaan Baraha Bulshada sida Adiga iyo kuwa kale oo halkan soo gala.

    The question of do you have a proof or facts for the accusations against Amhara Lovers …?????

    Of course…

    The proof is here in this forum …….Don’t look no further !

  8. @@@ Ducaale Kaahiye,
    You just certified your self to be some one not worth to exchange views. I am sure friends on here will agree with me.

  9. Ducaale Kaahiye waxa laga yaabaa inuu yahay qof da’yar waayo hadalkiisa uma muuqdo qof wax fahamsan haddii uu qof wayn yahayna waa qof aan wax baran baa is oran karaa marka hadaladiisa waxba maleh.

    Waxan ku oran lahaa wll sidaas looma Hadlee
    Iska yare sug waqtiga aad wax baranayso.

  10. Sheeq abu qarbaan itoobiya ada nooga daran. Itobiya ku dhanta iyo gaalada kale. Adaal gaal ka qaab daran oo fikir qalocan wata. Cidii ka caqli yar maskaxda waal. jini itobiya kugu dhac

Comments are closed.