Jubbaland “DFS waxay noo soo gaarsiisay gurmadka Abaaraha 20 kun oo dollar”!

Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa sheegay in nka badan 200  boqol oo carruur ah ay nafaqa daro u dhinteen, sadexdii bilood ee lasoo dhaafay, kuwa kalana ay haatan la il-daran yihiin.

Wasiirka Qorsheynta Jubbaland, Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa sheegay in xaalado adag ay ka jiraan goobaha ay ku sugan yihiin dadkii abaaruhu ay saameeyeen, waxaana uu sheegay in uusan jiran gurmad la taaban karo oo kasoo gaaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’addaha caalamiga ah.

Xaalad abaareed oo aad u xun ayaa ka jira guud ah Soomaaliya, war kasoo baxay Xarunta gurmadka deg-deg ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 7 Milyan oo Soomaali ah ay saameysay abaarta ka jirta dalka.

Wasiir Cabdiraxmaan Cabdi, oo dhowaan laga wareejiyay Wasaaradda Gargaarka Jubbaland oo uu hoggaaminayay muddo, ayaa xusay in DFS ay soo gaarsiisay 20 kun oo dollar oo kali ah, taas oo loosoo kala diray labo qeybood oo min 10 kun oo dollar ah.

PUNTLAND TIMES

5 Comments

  1. SALAAMU CALEEKUM

    JUBBALAND was and is still silly to accept such an unwanted and inadequate donation. What can and will buy an amount of USD20K? It is a useless donation that can do nothing.

    Mr. Abdulrahman is stupid to accept this fucken donation.

    WA BILAAHI TAWFIQ

    • A ‘kabatole’ calling people stupid. I would rather be stupid than ‘kabatole’ any day.

  2. Eerible Faranfar:

    IIDOOR WAGASHLEE, meesha nooga bax… Ma aha guri BUCUR BACAYR.. waa GURI ILMA CABDURAXMAN ISMAACIIL JABARTE…

    Maxaad ahayd, INI GEN. MOORGAN mase INA COL AWES GEEDOOOW….

  3. Maantana ma Jubaland baa?!

    Inta aan gurmadka abaaraha laga hadlin, kooxda Kismaanyo fadhigoodu yahay, ee ina Islaam horgalka u yahay, ma madaxtooyada Nayroobi bay ka shidaal qaataan mise tan Muqdisha? Haddaba, waxaa habboon in cida ay ka shidaal qaataan ay gurmadka abaarahana kala xidhiidhaan.

    Taa haddaan ka gudbo, “barakacayaashan” ay ayaamahan cid waliba isku sawirto marka ay meel booqanayso, ee uyaka oo aan waxba loo qabanayn magacooda lagu qaraabanayo, ee waliba la jecelyahay in ay xeryaha ku soo bataan si badar badan loo helo, malla odhan karaa waxaa u qaab eg xaaladda ay 31-kii sannadood ee ugu danbeeyey ku jirtay jamhuuriyaddii Soomaaliya?

    Haddaba, xeryaha barakacayaasha/jamhuuriyaddii Soomaaliya, waxaa ayaamahan iiga muuqday qiiq fokaano oo carcar-tiisa wata oo ka baxayey. Waxaa ii muuqday koox gobolka Gedo ka hadlaysay oo u gacan haatinaysay Addis-ababa. Waxaa kale oo ii muuqday koox kale oo reer Hiiraan ah oo uyakuna Addis-ababa u baaqayey.

    Waxaa kale oo aynu lawada soconnay in kooxdii Garoowena horay ugaga sii horreeyeen Addis-ababa, oo ay halkaas iska dhiibeen. Waxa isweydiinta lihi waxa ay tahay, goormay Muqdishana iska dhiibidoontaa Addis-aba?

    Gunaanadkii, waxa aan kooxda Kismaanyo u sheegayaa in ay gurmadka abaaraha kula xisaabtamaan Uhuru-Kenyatta, oo ay indhasarcaadka & iska yeelyeelka joojiyaan way garanayaan meesha looga arrimiyo e.

  4. Sorry 😞 it’s not farmaajo term but it’s firgaajo term

    wixii gargaar masaakiin loogu talo galay waxaa qaabilsan
    c.c.shakuur

    Wixii c.c.shakuur uu liqaa
    Ceeb u qarintiisa waxaa qaabilsan xamse lahayste kkk

    It’s our term (af iyo calool)

    Kkkkkkk kkkkkkkk

Comments are closed.