Madaxweyne Deni oo war kasoo saaray geerida Wasiir Darwiish

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Wasiirkii Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Warsame Faarax “Darwiish”, oo ku geeriyooday dalka Jarmalka.

War kasoo baxay Madaxweyne Siciid Deni ayaa sheegay inuu ahaa masuul wax badan u soo shaqeeyay dalka, isagoo alle uga baryay in uu u naxariisto.

“Alle ha u naxariisto Wasiirkii arrimaha gudaha ee Jubaland Gen. Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) oo ku geeriyooday dalka Germany, wuxuu ahaa masuul waxbadan usoo shaqeeyay dalka iyo dadka weliba xiliyo kala duwan.”

“Waxaan u tacsiyeeynaya Jubaland, oo aan Dowlad iyo Shacab uga tacsiyeeynayo geerida Wasiirkii arrimaha gudaha AHUN Gen Darwiish, sidoo kale waxaan tacsi gaar ah u diraya eheladii iyo qoyskiisii, marxuumka Alle waxaan uga baryayaa in uu u danbi dhaafo oo janadii geeyo, Aamiin.”

PUNTLAND TIMES