Maxaa looga hadlayaa kulanka maanta ee Baarlamaanka Puntland?

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, iyagoo ku guda jiraa la-xisaabtanka Xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa hortagi doona masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda Puntland oo uu hoggaaminayo Wasiir Cawil Sheekh Xaamud.

Wasiir Xaamud ayaa Golaha warbixin ka siin doona shaqooyinka ay Wasaaraddu u heyso bulshada Puntland. Intaas kaddib Xildhibaanada ayaa su’aalo weydiin doona Wasiirka Cadaaladda Puntland.

Baarlamaanka Puntland ayaa dhowaanahan wada dardargelin shaqo, iyagoo horey ugu yeeray qaar kamid ah Wasaaraddaha Puntland iyo Xafiiska Hantidhowrka Guud. Sidoo kale Xildhibaanada ayaa shalay codka kalsoonida ah u diiday xubnaha Maxkamadda Sare ee Puntland, kuwaas oo mar kale dib u magacaabay Siciid Deni.

PUNTLAND TIMES