Maxkamadda Garoowe oo u fadhida dhageysigii 4-aad ee kiiska Geed-quwaaxa

Maxkamadda darajada kowaad ee degmada Garoowe ayaa maanta u fariisatay markii afaraad dhageysiga gal-dacwadeedka kiiska ka ganacsiga iyo dhoofinta Geed-quwaaxa.

Dhageysiga kiiskan oo horey loo qorsheeyay inuu soo gabagaboobo 16 bishan July, ayaa dib u dhac ku yimid, kadib markii Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland uu dalbaday in la bedelo garsoorihii gacanta ku hayay kiiskan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in la bedelay garsoorihii. Xubno kamid ah xukuumadda iyo Baarlamaanka Puntland oo loo heysto ku lug lahaanshaha kiiskan ayaan xaadirin Maxkamadda. Waxaana jira kiiska lagu koobi doono Liibaan Cali Food oo ahaa hagaha mashruuca dhoofinta Geed-quwaaxa, kaas oo ilaa ah qofka kali ah ee u xiran kiiskan.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa horey u sheegay inay dawladdu door weyn ka qaadanayso soo afjarida dhoofinta dhirta ‘Geed-quwaaxu kamid yahay’, balse warar hoose ayaa sheegaya in Siciid Deni uu amray in hoos loo dhigo kiiskan, maadama Xildhibaano uu dano badan ka leeyahay ay qeyb ka yihiin.

Dhowaan, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa iska diiday dalab ka yimid Maxkamadda oo ahaa inay yimaadaan Xildhibaano ku lug lahaa kiiska, isagoo sheegay inay leeyihiin xasaanad.

PUNTLAND TIMES 

5 Comments

  1. ku dhowaad million reer puntland ah ayaa la ildaran macaluul dhimashana qarka u saaran.
    SABAB. tii allah ka sokoow, Deni iyo aaranshaydaan iyagoo og macaluusha aduunkuna ka digayey khatarta soo socota ayaa qowlaysatadu aaranashyadaan iyo deni danahooda ka raacdeen oo xoogaagii kaydka ahaa waxna boosaaso lagu weeraray, intiisi badnaydna xamar lala aaday oo looga soo furtay. dadkay boobeen arxan lawayaashu waa dadkoodii dhibka ugu badanina ku dhacay nugaal iyo karkaar. mardhow hadaan laga gaarin sida xaal yahay dadka bakhtigaa u xalal noqondoona. ogoobeey Deni iyo aaranshaydaan reer Garowe xabadkay u garaacayeen waase eedeen. (dulmiga ciqaabtiisu waa soo degdegtaa). deni aaranshaydaan waa la heshiiyey xurguf ka dhalatay doorashadii ay ku wada khasaareen.
    MAXAY KU HESHIIYEEN: in wasiirada federaalka ee culusow aan deni dibiraweyne ciise geed quwaax iyo aarashaydaantiisa ku faro gashan oo ay qaataan.
    Degaankii waa la xaalufiyey geed quwaaxii waa la rartay oo irsiq ayaa laga raadiyey
    hadaba aan idin xasuusiyee geed quwaaxa kuwa jaray, garowe ka dhoofiyey, warqada wasaarada soo saxiixay, dhamaantood waa reer garowe carabkaba aan ku dhuftee waa ciise riyoole. maxkamadii waxay noqotay la jiifiyaana banaan
    SABAB. geed quwaaxa wax wax ka dhoofsaday wiilka deni dhalay laguse dhici waa in maxkamada la keeno isaga iyo ini jawjawle.
    waxan qormadan ku soo koobayaa puntland inta aaranshaydaan garowe xidido ku leedahay
    caasumaduna garowe tahay ilama aha in dhibkaan laga bixi doono. kuwii aqoonta lahaa ee dadkan iyo dalkan u dhashay qaybi waa u sacabo tumayaan reernimo ama sandareerto awgeed, qaybi waa arkaan waxa dhacaya waa ka aamuseen, qaybi waa ka dhiidhidey oo waa kuwaa bosaaso duulaanka loogu yahay. ilaahow shacabkaa dulman badbaadi.

  2. Ninka loo haysto kiiskaan waa in si dagdag ah loosii daayo maadaama uu fashilmay kiiskii oo loo galiwaayey tunweynayaashii ka ahaa kiiskaan mulkilayaasha. Maskiin ayaa leh miska la fuulo. Charge them all or free them all. People of puntland would not accept anything less… because we believe in justice and equality. The poor have the same right as the rich and the powerful. Charging the employee while the employer goes free is haraan and illegal in every law….be it Devine or man made.

  3. Dhowr jeer Ayaan ka codsaday in ay puntlandtimes soo daabacdo magacyada eedeysanayaasha qarsoon ee tunka weyn ee kiiskaan lugta weyn ku leh…laakiin nasiib daro waxay u egtahay in puntlandtimes ay ka xishoonayso magacaabida quwaax xaalufuye’yaasha awooda badan.

  4. @@@Qardafui,

    Absolutely, 100% spot on!

    Intii aynu oran lahayn iyo dareenka aynu qabno ayaad si quruxsan oo aan ka-dabahadal lahayn u dhigtay.

    Mahadsanid Caaqil.

  5. Garsooraha la badalay ma shaacin magacyada eedeysanayasha tunka weyne ee kiiskaan gundhiga u ah. Taasaa sababtay in tunweynayaashii ay Daaha gadaashiisa ka fashiliyaan kiiskii uu gacmaha ku hayey oo isagii’na meesha ka cayriyaan. Garsooruhu ma ahayn shaqsi kaarteeyste ah. Isagaa kow ka ah fashilka ku yimid kiiskaan maadaama uu si toos ah u magacaabi waayey shaqsi Kasta ee kiiskaan lug ku lahaa…xaataa haba noqoto tuhun. Waxaad qarsatid wey ku qurunsadaan.

Comments are closed.