NISA oo war kasoo saartay geerida Agaasimaheedii hore

Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad ayaa ka tacsiyeeyay geerida AUN Wasiirkii Arrimaha Gudaha Jubbaland, Maxamed Warsame Faarax Darwiish.

Gen. Maxamed Warsame Darwiish ayaa soo noqday Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka sannadihii 2006 – 2009kii, Waxaana magacaabay Madaxweyihii dawladdii KMG aheyd, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

War lagu baahiyay barta Twitter-ka Hay’adda NISA, ayaa lagu shaaciyay tacsida, oo Agaasime Mahad Salaad uu u diray shacabka Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay marxuum Darwiish.

“Taliyaha NISA @mahadsalad ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Taliyihii hore ee NISA Marxuum Gen. Darwiish oo maanta ku geeriyooday Jarmalka.”

AUN Gen. Darwiish ayaa kamid ahaa aas-aasayaashii Jubbaland, waxaana uu maanta ku dhintay dalka Jarmalka, kadib xanuun hayay muddo.

PUNTLAND TIMES