SAWIRRO: Axmed Karaash, oo amar siiyay Wasiiro uu maanta la kulmay

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta shir-guddoomiyay Shir heer Wasiiro ah, kaas oo looga hadlayay hortaga Nafaqa darada.

Kulanka oo ah mid 6 biloodba mar qabsooma, ayaa diirada lagu saaray u diyaar-garowga iyo ka hortaga macaluusha ay keeni karto Abaarta daba dheeraatay, dib-u-eegista shaqooyinkii qabsoomay sanadihii lasoo dhaafay iyo sidii mashruuca loo daadajin lahaa.

Madaxweyne Axmed Karaash ayaa faray Wasiirada in la dardargeliyo dadaalada ku aadan ka hortaga macluusha, si looga baaqsado nafaqo darro ba’an oo ka dhacda deegaanka, maadama abaaraha jira ay saameyn ballaaran ku yeesheen nolasha bulshada.

PUNTLAND TIMES

7 Comments

  1. Guulwadeyaasha la iigu dowgalay ayaan waxyar u bidhaaminayaa. Horta, la iskama guulwadeeyo e qaddiyad iyo aydiyoloojiyad cad oo aad aqoonsigaaga kusaleysiisatay ayaa markahore si cilmiyeysan loo yeelaalsadaa oo kaddibna si raganimo iyo xarago lagu dheehay heer maskaxeed loo duuliyaa oo loona daafacdaa.

    Adduunyadana waxaa ugu daran dadka waxa cillanan iyo waxa caadyaalka ah aan kala garanayn oo seeftana iskala booda. Dadkasta oo bareerahooda caddeysta waa lagu qaddariyaa oo loogana dambeeyaa.

    Anigu dabuubtaydu waa mid keliya: tolweynaha Puntland ku toleysan waa inuu noqdo mid ay falsafad, qaddiyad, aydiyoloojiyad, iyo hiraal midaysan kadhexeeyaan oo qummaatina iskugu guntayaan – bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba.

    Tolkan abbaara 2007dii muddadii kasokeysay dhabaq weyn baa kuhabsaday oo sii kala irdheynayay, umana baahni inaan halkan kusoo tiraabo waxyaabihii dhacay waayo waa wada macruuf.

    Beeluhu weli way isu dudayaan oo waxyaabo badan ayayna kala tirsanayaan. Heer waxaynu sagxadda ugu dhacnay ay jiffooyin Cismaan Maxamuud ah hubkii Puntland nacabka lagaga difaaci lahaa isula baxeen oo uu madaxweynuhuna dagaalkaas hulkiyay oo horseedna ka ahaa. Ceeb intaas inoogufilan.

    Foolxumadii doorasho-kusheegtii waadhowaydna, dildillaacii in la awdo u baahnaa ayayba sii kala jeexday. Guuxa iyo gooha affarta jihood ayaa laga dareemayaa. In tolweynahan dib la iskugu soo dummo ayaa hadda lagama-maarmaan ah si Puntland u noqoto tii asalka ahayd.

    Waxaana muuqata in halkii runtan kharaar la abbaari lahaa, lagu dabagabbanayo marmarsiinyada iyo qiilka jaban ee ah cidkale ayaa Puntland duullaan ku ah oo fidnadana kadhex abuurtay.

    Puntland ma skool xanaannada carrurta ah baa? “Waa la isku kaaya diray” waa hadal noocee ah?

    (Qaybta Hore).

  2. SALAAMU CALEEKUM

    AHMED KARAASH must be released from the authority. He is an old, mad, and crazy man. He must be fired from the position of Vice President. He does not deserve this nice position. If we did not take quick action, this man will exploit the situation of PUNTLAND.

    ILLAAAHOOW taladayda maqashii dheggo dawan oo wax maqlayaa…

    WA BILAAHI TAWFIIQ

    How an old, mad, and crazy man can take vital decisions that serve the interest of the State.

    While he is sitting there in the Villa, he brings no benefits to the State. I plea to the Parliamentarian members and the President himself, to take a bold decision to

    • Barawani
      You want Karash to be removed from his position because he is a Dhulbahante and nothing else, there is no other reason, and in the civilized countries there are older than him ruling their countries, this proves why Puntland peoples are the least educated.

  3. @@Barawaani King,

    Midda kowaad, fad ama ha fadin, Axmed Karaash waa abtigaa, Saciid Danina kaala siman. Adiga ayayna gunnimo xun iyo ceeb weyn kugu tahay inaad oday cimrigaas jooga oo weliba Puntland mas’uuliyad sare ka haya sidan ugu digato oo u deelqaafto.

    Runtiina, dhaqanxumada iyo sarriig la’aantada aad caadeysatay waa wax aanay Daaroodku iyo reer Baraawuhuba hiddo iyo dhaqan ulahayn. Wax aan fadeexad ahayn kuma ahid Puntland iyo Cismaan Maxamuudba.

    Midda labaad, Axmed Karaash ayaa xilkalkiisa toban sano kaga horreeyay Saciid Dani, shan kamid ahna uu jagada uu hadda hayo kufadhiyay. Muddadaasna, wax dhaliil mise dhaleeceyn ah kama sooyeerin. Isaga ayaa Saciid Dani kaga khibrad badan oo kagana xirfad dheer Puntland iyo hoggaaminteedaba, Villa Garoowena kagasoo horreeyay. Waa khabiir soo jabhadeeyay iyo siyaasi gaamuray oo aanu Saciid Dani kabahiisa xataa gaari karin abid.

    Waayeelnimadiisa aad adigu nusqaanta iyo ceebta u aragto jawaabteedu waa, “Old is Gold”. Tin kasta oo madaxa iyo garka kaga taalla waxay udhigantaa aqoon iyo waaya’aragnimo aydaan adiga iyo Saciid Daniba abidkiin kuriyoon karin. Odaygu Puntland waa ka halyey iyo hantiqaran oo qaali ah, adiga ayaa sixun uga dhoohan e. Afkaagu ma gaaro.

    Midda saddexaad, yaa xaqa kuusiiyay aad nimankan tolka ah ugu kala eexato oo midna isku dhedhejiso oo midka kalena ku digato? Adigu waxaad tahay nin tolkan ajnabi ka ah ee aan hiddo iyo dhaqan lawadaagin. Waxkasta oo kala dhexmara adiga kuma khuseeyaan waayo reer abti baa laguu yahay.

    Waajibkaagu waa inaad iskusi u xurmayso oo dhexdhexaadiso, laakiin inaad mid kamid ah iska aflaggaadhayso xaq umalihid. Ubad ay inani dhashay baad tahay e reer abtigaa gurigooda edeb iyo xishood iyo xayo ku joog.

    • @awlal u sheeg barawaani oday dani haduu caqli leeyahay lacagtii uu ka qaatay puntland hawiye kama dhicilahay nin r
      nin reer putland oo doorasho xamar u aaday oola dhacay oo asiga ahay majirto kkk

  4. Barawani King ma aha Barawaani. Waa Tunni. Waa cadaw Soomaaliyeed.
    Sayid Maxamed oo gabayadiisa Tunni ku soo qaaday waa kii lahaa:

    Tunni kuu caddaawa ah mar baad, tabaro mooddaaye
    Nin tusaaledage ahaa baa, kaa tawaan cuniye,
    Waa tacab-khasaar gaal ninkii, toobaddu wacaye.

    Gaal iyo cadaw buu Sayidku ku sheegay Tunnida. Barawani King waxaa iska dhalay Tunni iyo Begedi. Majeerteen meela kama soo galo beenaalaha.Waa haad
    waayay geed uu ku dego.

Comments are closed.