SAWIRRO: Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga ee ka dhacay Garoowe?

Shirka amniga gobolka waxaa shir gudoomiyay gudoomiyaha gobolka Nugaal Mudane Cawil Mataan waxaa ka qayb galay Duqa degmadda Garowe Mudane Axmed Barre,gudomiye ku xigeenka gobolka,Taliyaasha C.I.D iyo PISA.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa ka warbixiyay shaqada amniga ee socota isagoona sheegay ciidamada booliska ay dagaal adag kula jiraan maandooriyaha,kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab iyo Daacish iyo kooxihii dadka dhici jiray ee caadeystay moobil furashada isagoona xusay in qarkood ay gacanta ku dhigeen sharcigana la horgeeyay.

Taliyaha qaybta Nugaal ayaa sido kale xusay inay soo bateen dad ku howlan ugaarsiga Ugaarta wuxuuna xusay inay ciidamadu ku raadjoogan ciidi lagu soo qabtana ay sharciga horkeeni doonan.

G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa ugu danbeyn faray Sarakiisha iyo Ciidamada inay fejignaan dheeriya galaan madaama ay fooda nagu hayso munasabadii ciidul adxaa kooxaha nabadiidka ahna ay falal amniga lagu khal khal galin karo ay sameyn karaan.

Taliyaha qaybta Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud ayaa bulshada ugu baaqay inay wixii amniga khal khal galinaya ay arkaan inay lamaha amniga la soo xiriiran.

PUNTLAND TIMES 

5 Comments

  1. Hawlaha Puntland ka qabyeysan ee aasaasiga ah lama qiyaasi karo. Waxaa loo baahanyahay in talameello waaweyn oo dhaqaalaha, dowladnimada, iyo bulshada lagu sallaxayo hindisahooda lalayimaaddo oo la dardargeliyo.

    Hoggaanka hayinka ah waxaa lagu gartaa in kabuhu kaga idlaadaan socdaallo uu degelkiisa ama dalkiisa iyo dadkiisa kudhex marayo, isaga oo marna duruufaha iyo baahiyaha jira daraasaad ka sameynaya, marna mashaariic cusub hirgelinaya.

    Waa madaxweyne shaashadaha laga daawanayo isaga oo hadba degaan iyo mashruuc dhex taagan, boorku saaranyahay, dhididku ka da’ayo oo shacabkiisa muruqyaadiisa maalanayana waano, wacyigelin, iyo guubaabeyn joogto ah la dul taagan. Waa madaxweyne aan kuwa xukuumaddiisa madaxda iyo shaqaalaha ka ah u oggolayn inay xafiis iyo hodheel iskaga dhex yuururaan e iyagana kabaha uggeliya oo gucle kushaqeysiiya.

    Hoggaankaas noocan ah ma cayilna oo mana cayili karo sideedaba.

    Saciid Danise hoggaannimadiisu waa isaga oo Villa Garoowe, diyaarad dusheed, iyo caasimado shisheeye casiir qabow kadhex dhuuqaya. Marna dhaayuhu maqaban isaga oo kormeeraya oo koobka shaaha ah lawadaagaya shacabka dadaalka xooggan ugu jira waxsoosaarka iyo kobcinta dhaqaalaha Puntland.

    Dar baa isaga “boqor” kutilmaamaya oo intaas amaan aan qabanin kudhaashaya. Waxaa boqor ah hoggaanka dadkiisa iyo degelkiisa kawarhaya ee xaaladdoodana la dareensan oo tahal xoogganna ugu jira sidii uu nolosha ugu wacneyn lahaa – Eebbe idamkii.

    Waxaan maqli jiray, “raaxa jecelaa, ma bisad baa?”

    • awlal caydhii ma laguu badiyey…. aan kula taliyee odey yahow wareeray halkan uun hasoo qayuurnaane shaqo tag oo guri aad kaga raysato caydha shisheeye boosaaso ka dhiso dhul somaliland laguuma ogolee

  2. @Sitaha Hargeisa Boy (Ahmed Shiine),

    Qofka cidaha kale jikadooda danfadhiga ku noqda, waxaannu annagu ugu yeernaa ‘qorqode’. Maxaad adigu halkan layuurudhaa? Hargeysa ma kawayday website aad ku yar daacdaacsato?

    Labadeenna kan cajuuska ah waxaa laga garanayaa, inaadan lasoconin in caalamkan casriga ah ay shaqooyinku u kala baxaan ‘muruq-maal’ iyo ‘maskax-maal’, dad aan kamid ahayna meheraddoodu ONLINE-ka tahay.

    Ilaahay ha idiin taysiiriyo.

  3. alxamulilaah mar hadaad nabatahay galgacyo laga bilaabo ilaa gardafuu kheer badan baa socda waxaan daawaday dhismo ku socda garoonka bosaso cajaaib meeshaa waxa ka socda wiliba waziirku wuxuu yiri xeebata waxaa ka dhiseeyna hoteel fif staar wuxuu la mid noqoon garonka amistrdam(holan) waxaas horomar miya la sameeyn laha hadaan nabad jiri

Comments are closed.