SAWIRRO: Maxay ka wada-hadleen DENI & Isimmada Puntland?

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Kulan kula qaatay Madaxtooyada Puntland ee Garoowe, Isimada Dhaqanka Puntland intooda hadda ku sugan caasimadda Garoowe.

Kulanka oo uu ka qeybgalay Madaxweyne kuxigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ahaa is-xogwareysi ku aadan xaalada guud ee Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni ayaa la wadaagay Isimmada xaalada guud ee Puntland, sida arrimaha Abaaraha ee jira iyo qorshayaasha xukuumaddiisu ka leedahay.

Sidoo kale, Isimmada ayaa u sheegay Siciid Deni in dawladdu ay kasoo gudubto hadalka, oo ay si dhab wax uga qabato xaalada ka jirta deegaanka oo abaaruhu ugu horeeyaan.

PUNTLAND TIMES

11 Comments

  1. I hope in isimadaan ahayn kuwa Deni gacmihiisa ku bacrimiyay.
    Fake isimo. The last kick of dying horse.

  2. Puntland la-hayste u noqon mayso xildhibaano Saaquday?..
    —————————————————————–
    Maalmahan dambe waxaa maqlayaa hanjabaadyo iyo hadalo badan oo ka imaanaya odayaal, siyaasiin iyo xildhibaano…
    ————————————————————————————
    General:mingistume-Stands-Puntlandstate

  3. Abaaro sicid dani iyo isimada sharftale waxaba kama qabankaran hadaan Allah la raali geli intaas waxa la inifaraya cadaal sameeya fuxshiga la dagaala zinadu waa hoyga macaluushsa yaa saani abshir bil faqri yaa qaatil abshir bilqali dhibic dhiiga muslim meesha ku daadato geed kama soo boxo Ilaah ayaa waxbixiya hadaad daaquud noqotaan roobkiisa wuuceshan kheyr ninkii rabow roob iyo barare xumaanta iyo fuxshiga la dagaalama waxaa loo baahanyah imaam caadila qururka suuliya walaalayaal ILAAH naxariistiisa biniaadamku u baahanay ee ku dadaal raali gelita ALLAH

  4. saxid yaa qaatil abshir bilqatli micneheedu yahay qofkii qofdilow ku bishaareeyso adna
    in lagu dilin haba dheerato waqtigu yaa zaani abishir bilfaqri mecnaheedu zineeystow hoygaagu waa faqri iyo macaluu iyo eedis iyo guri ba’ay haba dheeraade waqtigu

  5. Wadan leh 3300km oo bad ah… oona badaasuu ceegaagaan barwaaqo Alle…. oo shisheeyey iska guranayo…. oo wadankaas dhalaankiisii macaluuluul ugu dhimanayaan…. waa habaar iyo inkaar haysata dadka iyo dalka. Hanoqoto madaxweyne federaal ilaa iyo gudoomiye dagmo ma la arkayo mid soo hadal qaadaya kheyraadka badaas ceegaaga. Jubaland waxay ku faraxsantahay deeq ah cay iyo bahdil.. ee ah 20kun oo dollar. Hal shaqsi oo somali ah ayaa awooda in uu sadaqeysto 20kun.
    Madaxdii puntland afk ayey furteen oo waxay u qaylo dhaansanayaan gacan horsi iyo gacan qabad shisheeye. Madaxdii federalku waxay ku mashuquulsanyihiin sidii ay sanduukhyo ugu sameysan lahaayeen boqolaalka Milyan ee abaraaha somalia loogu deeqay.

    Markii uu dambigu iyo dunuubtu badato waxaa Luma damiirka…. oo lama haleelo tubta iyo Takada toosan. Waana sababta loo arki waayey barwaaqada bada ceegaagta ee shisheeyuhu halamsanayo.

    Somali waxaa laga jarayaa waxay galabsadeen.

    Inkastoo ay ku dhacday amar ALLE…Bal sidee ayey 200 oo ah dhalaan…. gaajo ugu dhiman karaan xeebaha jubaland…ayadoo la awoodo in xaataa shamaag la’aan… gacmaha lagusoo qabsan Karo kaluunka.

    Ma la xasuusan Kari waayey sidii loo maareeyey abaartii 1974.

    Dulmiiluhu waa damiin ah indhoole….oo dhalaankiisa ayaa gaajo uga dhinta barwaaqada ceegaagta hortiisa iyo gadaashiisa iyo garbihiisa.

    Dhalaankaas dhintay waxaa dulmay hogaamiyayaasha ah dulmiilayaasha oo maankoodii madoobaaday.

  6. Waxaan ku arkay baraha bulshada dad badan oo qiil u raadinaya xassan shiikh… ayagoo ku andacoonaya in xasan shiikh uu hada qabtay xilka. Laakiin waxay dadyoogaasu iloowsan yihiin in xassan shiikk uu xil madaxweyne soo hayey in ka badan afar Sano… oo uuna soo ahaa mucaarad 5 Sano. Aqoonta iyo xifrada iyo waayo aragnimada uu mudadaas ku baran waayey goormuu ku baran ama uu lasoo kala bixin???. Waa loo garaabi laha oo waa loo samri lahaa hadii uu ahaan lahaa shaqsi uu xilku kow u yahay.

  7. @@@Qardafui,

    Xassan hortii ayay reer Puntland iyo Jubbaland shan sano Farmaajo iyo Villa Muqdisho ka dacwoonayeen, waxaanan hubaa in qofka Xassan siixigi doonana sidaas si lamid ah ashtako looga ahaan doono.

    Dbibta Puntland iyo Jubbaland ku gadaaman ayaa ah in ay runta iyo xaqa ka warwareegayaan oo ayanna doonayn in ay xalka kuhabboon uraadiyaan.

    Sidii aan bogag kale bayaan uga caddeeyay, reer Puntland iyo Jubbaland guuldarrooyinkooda maxalliga ah ayay rabaan in ay caasimadda iyo kuwa kataliya qiil uga dhigtaan oo kuna raadgataan; sida ay Soomaaliduba doonayso inay guuldarrooyinkeeda ummad ahaaneed Kenya iyo Itoobiya ugu aaneyso oo qiil ugayeelato.

    Reer Puntland iyo Jubbaland xal dhaaqale iyo mid siyaasadeedba ma ayan waayin e in ay waxa dhexdooda ka jira ee qurunsaday toos u abbaaraan ayay ka warwareegayaan oo cidkale waxsaarka ula beegsanayaan. Soomaaliyana waa lamid.

    Puntland iyo Jubbaland, haddii ay Xamar is afgaran kari waayeen, waxaa u bannaanaa oo kuwaahibay in ay inta warkeedaba ka baxaan deeto waxsoosaarkooda maxalliga ah iyo kobcinta dhaqaalahooda xoogga iyo xiniinyahaba duldhigaan.

    Ma ilaa Qiyaamaha ayay calaacal iyo cabasho ku jiri doonaan?

  8. Soomaaliya weeli ma heelin hoogaamiyihisaxda ahaa inkaso uu jiro khalad guud oo keeni kara in hogaamiye kasta uu fadhiid noqdo lkn anigu madaxda maanta uma arko in ay dhaliil leeyihiin sababto ah dhamnman dadka Soomaaliyeed uma diyarsana in ay gartaan dantooda. waxana jira caqabado ay ka mid yihiin tastuurka wadanka, caasimaada wadanka iyo xiriirka arimaha dibada ee uu wadanku la leeyahay calamka oo aad moodo in u ku salaysan yahay dan shaqsi aanu ka muqan dan qaran.

Comments are closed.