SAWIRRO: Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Laftagareen & Wakiilka QM ?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Madaxtooyada Baydhabo ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta gaaray caasimadda KMG ah ee KGS “Baydhabo”.

Waftiga Danjire James Swan ayaa waxaa qeyb ka ahaa Madaxa IOM ee Soomaaliya iyo ku xigeenka Wakiilka UNHCR.

Madaxweyne Laftagareen iyo danjire James Swan ayaa ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin Xoojinta Aminiga, Abaaraha, la dagaalanka Argigixisada iyo Hirgelinta Mashaariic Hormarineed.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada.

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

  1. Halyey al-ustaad mudane Md Lafta Gareen Allah haku dhowro. Nin akhyaar ah oo dadkiisa wax u qabtay oo MOORYAAN iyo QASWADABA MEEL ISKA SAARAY DHEH. HOREY U SOCO MOORYAANTA NIYADA KA BAAHAN OO XAARAAN CUNKAA YEYSAN ISBAARO KUU DHIGAN. GURMAD HADAA U BAAHATANA GEDO IYO ETHIOPIA BAAD XAD LA LEEDAHAY. NIN LEADERSHIP LEH BAA TAHAY.

Comments are closed.