SAWIRRO: Ra’iisul Wasaare Xamze oo farriin u diray Dowladda Sacuudiga

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Bin Axmed Almuwallad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi iyo wax wada qabsi ee labada dal ee walalaalaha ah.

Danjire Muwallad ayaa Ra’iisul Wasaaraha ugu hambalyeeyay xilkiisa, isagoo u rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha hor yaalla, isagoo muujiyay sida dowladda Sacuudigu u garab taagan tahay Soomaaliya.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sacuudiga taageeradeeda dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

PUNTLAND TIMES 

3 Comments

  1. @@@yuusufjama,

    Xalay mar aan madasha kahuleelay ayaad ii soodhigtay raalligelintaadii sharafta badnayd, waanan kaa guddoomay saaxiib.

    Awalba agtayda waxaad kamid ahayd caaqiliinta aan qaddarinta badan u hayo, qaladna waa loo bina aadam. Musiibadaas Wagaala warxbixinno iyo buug aan ka akhriyay ayaa qalbiga aad iiga dhaawacay oo ah sababta uu kaftankaasu ii damqay.

    Shukran Jaziilan Caaqil. Adigana caffis.

  2. Bal ninjaa eega sucuudi xun la fadhiistey bal muxuu kala Hadley,dadkii Somali ee xabsiyada ka buuxa miyuu lala hadlo iyo xoolahayga uu kolba siduu rabo ka yeelo uuuf

    • Daka jeelasha ka buuxa waxa ka xun dadka iqaamadaha lahaa ee markii cusbayniinsiintii lacag badan lagu daray wadanka ku xayiran oon ka bixi karin oo kumanaan ah halkii 1000 ilaa 2000 Riyal lagu jadiidin jiray iqaamada famliga maanta waa 40,000 kun oo Riyal markaa in dadkaa laga hadlayo ayaa fiican waxay dadku bilaabeen in ay u tahriibaan Yemen kadib doonyo ka soo raacaan.

Comments are closed.