SAWIRRO: Sirdoonka Jubbaland oo sii daayay maxaabiis u xirnaa Al-Shabaab

Ciidamada JISA, Gaashaan iyo ururka 5aad ee guutada 16 aad Danab ee CXDS ayaa shalay oo arboco ahayd howlgal wada jir ah ka fuliyey tuulada Kaamjaroon iyo deeganada hoostaga ee gobolka Jubbada Hoose.

Ciidanka ayaa ku guuleystey sii daynta maxaabiis ku xirnaa xabsiga tuulada kaamjaroon oo argagixisadu dulmiga ku haysatey kadib markii ay canaasiirtii argagixisada ee halkaas ku sugneyd iskaga carareen goobta.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan si wadajir ahna ay u fuliyeen ciidamadu ayaa lagu burburiyeen dhamaan saldhigyadii ay aagaas ka deganaayeen argagixisadu iyo goobihii ay dadka jirdilka iyo dhaca iyo boobka ugu gaysan jireen ee tuulada Kaamjaroon iyo deegaanada hoos taga sida Kaliil, Dhalajo, Reebaay iyo Yaaqxaluul.

PUNTLAND TIMES 

1 Comment

  1. Been boodayaashii. 10 sano KISMAANYO baa Kenya lagu gabanaa. Xoogaa markii la joogaba tuulaa la isku sawiraa kadibna waa lasoo ordaa

Comments are closed.