SAWIRRO: Xasan Sheekh oo ballanqaad u sameeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Turkiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, isaga oo la wadaagay dadaalka Dowladda Soomaaliya ay galineyso xoojinta xiriirka Labada dal.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee uu la kulmay, uga warramay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso kobcinta dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka, xoojinta amniga, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhageystay xubnaha jaaliyadda, xaaladda guud ee Soomaalida ku nool dalkan, sidoo kale waxa ay la wadaageen caqabadaha iyo duruufaha ay qabaan, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, ganacsiga iyo dal-ku-joogga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in caqabadaha jaaliyadda, ardayda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga uu kala hadli doono Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyadoo diblumaasiyiinta Labada dal ay iska kaashanayaan sidii ay u horumarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga, halkaas oo uu warbixin kaga dhageystay diblomaasiyiinta iyo hawlwadeennada Safaaradda, waxa uuna ku adkeeyey in ay si hufan ugu adeegaan shacabka Soomaaliyeed ee ay matalaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay qorsheyaasha dowladda ee ku aaddan dib u habaynta iyo horumarinta hanaanka diblumaasiyadeed ee dalka iyo xaqiijinta matalaad dibadeed oo ku saleysan Soomaali Heshiis ah, dunidana Heshiis la ah.

PUNTLAND TIMES 

7 Comments

  1. Meeqaamkii iyo Soomaalinimadii ayaa ka muuqdo Golaha.

    Waa shacab uu kalo fogeeyay
    Wiilkii Fahad Yasiin iyo Odagii uu suulkiisa isticmaali jiray ee Farmaajo.

  2. Khalid
    Runta ayaad asiibtay waxaadna sheegtay intii aan sheegi lahaa Waxbana iima aad hambaynin.

    Soomaali heshiis ah Dunidana heshiis la ah !!

  3. Khaalid iyo Ducaale.

    Waa dhaqan Mooryaan in uu u dabbaal dego Mooryaan kale oo dhiiqo dhex fadhiya.
    Illaa iyo Caaydiid baad hadba Mooryaan Careeysan u dabbaal degeeyseene, weli ma gurateen miraha Mooryaan beeray?!

    Mase Daawateen Gabdho Masaakiin ah oo Turkiga uu joogo la joogo oo uu Culusoow Baasaboorkii Qarankooda siiyey kala laabtay iyagoo Dal shisheeye ku nool?!

    Wallaahi in uusan taasi xitaa Siyaad Barre oo kali talis ahaa weligii Sameyn!

    Nin xitaa dumar kii masaakiinta ahaa u dulqaadal la’ ayaa ku leh, Aryaa Soomaali heshiis ah, Dunidanna heshiis la’ah!!!

    Dunideey?!!!! Kkk

  4. A.a.xade

    Ogaadeen ayaa loo gartay Rasal wasaare
    Qofkay taasi dhibeyso yeelkiis.

  5. Khalid.

    Maxaa Ogaadeen meesha keenay?!

    Oo Wiilka Ogaadeen mä wuxuu Culusoow meesha u keenay in uu Daarood isku diro mase in uu Dalka u shaqeeyo?!!

    Ogaadeen Waa Daarood, Kursi Daarood leeyahay buuna ku fadhiyaaye caqli kale oo uu dalkan aad ku xaarteen lagu samata bixiyo ma haaysaan Adigu adeerkaa Culusoow ?!!!!!!!!!!

  6. Khalid.

    Oo ma Waxaa jira Dal Somaliland la yiraahdo oo aad aqoonsanahay?!!!!!

    Haddii aay jawaabtaadu haa tahay, u diyaar garoow dalal kale oo Puntland, K. Galbeed iyo Jubaland la yiraahdo aqoonsigooda iyo Fanta shiruu fil ardi!!!

Comments are closed.