US, oo Ergaygoodii Eritrea u ceyriyey dhacdo la xariirta ciidamada Soomaaliya ee lagu tababaray Eritrea.

ASMARA(P-TIMES) – Safaarada Mareykanka ee dalka Eritrea ayaa rugaha ay ku leedahay baraha bulshada ku faafisay labo maalin kahor warka la xariira Macsalaameynta, Ergaygii Mareykanka ee arrimaha Eritrea Steven Walker oo ahaa khabiir amniga iyo siyaasadda ah, kaas oo fadhigiisu ahaa magaalada Asmara, yoolka ugu weyn uu ahaa in uu ka shaqeynayay arrimaha la socda siyaasada dalkaas.

Mareykanka waxay sheegeen in Ergaygan laga bedelay shaqada Eritrea, loona celiyey dalkiisa Hooyo ee Mareykanka, balse warbaahinta gudaha Eritrea iyo tan Itoobiya ayaa tabiyey xogo ka gedisan tan ay tabisay dawladda Mareykanka ee kuwajahan isbedelka sarkaalkan.

Sida ay sheegayaan warar hoosaadyada soo baxay oolahelayo Wasaaradda Arrimaha dibada ee Mareykanka,ayaa shaqadii ka eriday Mr, Steven Walker oo ahaa ergaygii u qaabilsanaa Malafka/Galka arrimaha Eritrea, maadaama uu macluumaad ka keeni waayay 5,000 Askari oo kamid ah Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay Si qarsoodi ah u tababartay dawladda Eritrea sanooyinkii lasoo dhaafay.

Walker, ayaa lamagacaabay December-2019, xiligas oo uu bilow ahaa xariirka Soomaaliya iyo Eritrea, khibradda lagu doortay ayaana ahayd in uu macluumaad kakeeni karay Isbaheysiga sadex-geesoodka ah.

US ayaa heli weyday xogta ciidankan, waxayna ay kubaraarugtay ciidamadan oo latababaray, waxayna talaabadaas galaafatay in shaqadiisa Eritrea lag bedelo Walker iyo kooxdiisii shaqada.

Madaxweyne Farmaajo & Kooxdisii kawada shaqeynaysay siyaasadda iyo Howlaha ciidanka ayaa kuguuleystay in ay qarsoodi kadhigaan, maadaama aysan Reer Galbeedku raali ka aheyn tababar in laga qaato Eritrea, oo ay iyagu is hayaan.

24 Comments

  1. Low IQ culusow

    Durbaan loo soo dhiibay buu tumayay

    Waa ninka yidhi Djibouti fikir baan usoo raadsanaa, taasoo macnaheeda yahay “we don’t have our own ideas “

  2. Taasi waxaay markhaati ka tahay in uu Mareeycan kow ka yahay dowladaha hor taagan soo noqoshada Dal Soomaaliya la yiraahdo!!!

    Dal in uu ciidan difaaco yeesho lagala dagaalamayo, Shabaab lagu hubeeynayo oo aanan hub loo oggolayn ma sii jiri karaa?

  3. A A Xade

    Inaadan riyoonayn baan qabaa

    Mawaadan xasuusan in ciidankii ciraaq lagu amray inay kala tagaan kadib markii sadam la riday, dadkana loo sheegay inay waxay doonaan sameeyaan, marka laga reebo wasaarada daaqada(energyga) taasoo ahayd halka ciraaq u go’day.

    Marka reer galbeed dalkay burburshaan dib uguma dhisaan ciidan.

  4. Ma hadda ayaa la inoogu sheekeyn rabaa Mareykanka ayaa basaasi kari waayay 5,000 oo ciidan Soomaaliya ah ee dalkaas yar ee Eritrea lagu tababbarayo?

    Miyaan la ogayn in Mareykanku qummaati u daawan karaan oo una dhegeysan karaan iska daa ciidankaas e xataa Afwerki cunnada miiska u saaran iyo waxa uu taleefanka kaga hadlayo – haddii ay maagaan?

    Wiilashaas oo qabaysanaya ayay Mareykanku inta muuqaal kasoo duubaan Villa Muqdisho daawadsiin karaan haddii ay katusto – muuqaalkaas oo kaamerado raaja ah lagaga soo duubay!

    Cantarabaqashka CCBda weligiin hasooxiganina Bahda Puntland Times, yaydaan isku ceebeyn e. Tayadiinna saxaafadeed sare usiiqaada.

    • Mucaarad iyo muxaafad matalo meesha sxp American ka wax walbo hadey samen karaan ceedid bay heli lahayaan mesha laga hadlayo inad fahanto baa wangsan wadankan anagaa leh inaan kor uqaadno moyee yaanan hoos udhigin

    • Waxaa ayaan darra ah in aad dalkaaga kasoo qaado wax aanan jirin, maraykanna aad u aaminto sidii ( Allaah ) oo kale ee aan waxba laga qarin Karin, mida labaad wili waxaad mooda in olole doorasho kugu jirto! Doorashada dalki waa dhacday, xasan sheekh ayaana madaxwayne loo doortay 15.may ee sanadkaan! Farmaajo dalkaan waxa uu u qabtay waxa ay ahaayeen waajib saaran waxa uuna u gutay si wanaagsan, xilkana waxa uu u wareejiyay si qurux badan. Laga yaaba inaad u aragto Farmajo nin xun lkn inta u aragta inoo yahay wadani dalkiisa iyo dadkiisa jeclaa ayaa badan.

      Aniga kuma qanacsani 100% siyaasadda uu ku shaqeeyo xasan sheekh, saas oo tahayna waxaan u arkaa madaxwaynaheyga waana ixtiraama, wixii uu saxo Waan ku taageera wixii uu qaldana Waan dhaliila, waana waxa looga baahan yahay qof walba oo muwaadin soomaliyeed ah inoo sameeyo.

      Lkn adiga waxaa iskaga dhex darsamay middaas aan kor kusoo xusay ilaa aad gaartay heer aad kala garan waysay ajandaha qaranka iyo ajandaha siyaasiga ah.

      Shame on you wlhi

    • Afkaaga caano lagu qabay aqoon yahan Awlal, bal waxay ku sheekeynayaan eega, Maraykan baa arki waayey 5000 nin meel la isugu geeyey, ogaan waayey flight yadii qaaday ilaa Xamar waa hal aan cindiga galin oo cidna loogu sheekayn, 5 nin ma qarsoomaan, waxaan dhegaystay dagaalka Ukraine oo basaasnimadu gaadhay meeshii u sarreeyey, in iska daa satelite laga daawado halka ruushu maalintaa joogee, in lala socdo saraakiisha weliba Generaalada Ruushku meesha ay joogaan oo kontomeyo lagu dilay, codkooda baa la yaqaan, waxaa Ingiriisku ku sameeyey madfac ridaya qalab ishu arki karin oo everdrop sameeya oo lagu dhegaysto marka ciidanku isla hadlayaan oo la turjumayo, beenta Somalidu ma sii dheera, masaakiin. Mahadsanid macallin wax ku dhaama meeshan ka waayey

      • Waxa iskaga kaa qaldan meel dagaal ka socdo iyo meel kale, dagaal meel uu ka dhacay iska daa maraynkan ee aduunka oo dhan ayaa laga ogaanaa!

        Tan labaad ciidanka waxa ay ahaayeen ciidan tawabar loogu qaaday Eritrea ee maaheen kuwa dagaal loo geeyey meesha iska day inaad fahanto farqiga u dhexeeya.

        Dowladda kuwa ushaqeeya ayaana xitaa kawar heeynin iska daa shcabkee, sidee marka ku ogaan karaa maraynkan ?

        Maraykanka waxa uu raadiyaa waa sir kadib ayuu baaraa uu soo ogaadaa lkn dadki uu sirta ka heli jiray hadiiba laga qariyay yaa usheegaayo mise waa waxyi cirka uga soo dagaayo ‼️

        Waxa marka ay banaanka usoo baxaan ayaa la ogaan karaa lkn waxaaga hadaa qarsato cidna aadan la wadaagin qof ogaan karaa lamahan ‼️

  5. Tani ma mirihii ka dhashaybaa “bii-biilihii” uu ina Geele u xirayey Xasan?! Dhinaca kale haddaan u dhigo, Xasan ma ciidankiisii & waddankiisii buu basaasay isaga oo madaxweyne sheeganaya?!

    Waa nasiib darrooyinka jira ee qarnigan in madaxweyne uu basaaso isla waddankii uu madaxweynaha u sheeganayey. Way ii muuqatay in bii-biilaha uu sida shaqaalihiisa ina Geele ugu xidhayey Xasan, ay ahayd mid uu Xasan ku mutaystay warbixin uu gudbiyey oo ku saabsanayd safarkiisii Ereteriya.

    Gunaanadkii, isha hallagu hayo dhaqdhaqaaqa Xasan & kooxdiisa. War kalana waa sugaynaa

  6. Ergay la ceyriyey oo kali kuma ekaanayso dhibaatadii loo geystay Wiilashii Soomaaliyeed ee ku dhintay dagaalkii Itoobiya.

    Waxaan ilaa hadda meel lagu sheegin kumaankum wiilal oo loo gacangeliyay Eritrea si ay ugu dahaalamaan difaaca Ethiopia.

  7. Some people (like the so-called Awlal) believe that the USA is a messenger from Allah; shame on you! Tomorrow, you want to write the USA is the angels on our shoulders.

  8. @Ibrahim,

    Mareykanku weli 1991 ma taagna sidaada, Cayddiidna kama adkaan kareen abidkii e maatadii uu kudhex dhuumaaleysanayay ayay Mareykanku xabbadda ugalaturayeen. Beenta iyo borobagaanka qaawan waa la idiin dhaamaa.

    @Qarba-boosh,

    For someone with such a strong command of the English language, I honestly believed that you were too enlightened to spout such primitive piffle as above.

    I have personally witnessed the level of technological sophistication that the Americans have attained both on land and in space to know that they can pull so many feats that would disorientate an ordinary human.

    One fact I also know fully is that it is the Will of the Almighty Allah they and the rest of mankind would make such gigantic strides in technology and electronics as promised in the Holy Qur’an and Hadiths (both Qudsi and Nabawi).

    Mind you, I am a progeny of the Islamic Propagation Centre International (Alxamdulillaah) and engage in academic level promulgation of Islamic and secular knowledge. I equally proudly prove to the non-Muslims that the world actually inherited this vast knowledge in science and technology from our glorious Islamic civilization.

    Heck, I even challenge Christians on their own bible and faith, and I ain’t bragging or kidding here! So, I find your analogy about prophets and angels quite laughable and unfortunate.

  9. dhibatadii ay dawlada maraynkanu Soomaaliya u gaysatay waa wax iska caad waxana xasuusta aniga oo ah dhalinyara in aan maqli jiray in ay dawlada maraykanku ay dawladi Soomaaliya ku eedeyn jirtay Madxweyne Maxamed Siyaad dadkii Soomaaliyeed bu ka hor istaagay in ay Suuqa madaw wax ku kala gataan, oo waa dictator. isla markasna waxay la sheegi jiray in safarada maraykanku ay suaqa dolar kaga sarifan jirtay Lacag Soomaali dabadeedna ay Lacagta Soomaaliga ah ay gubijireen si dhaqalaha dalku u burburo dolarkuna ka kor maro lacagta Soomaaliya???????????????????????????????????????

  10. Mid caloosha iyo qalbiga ka jiran, awoodiisuna tahey inuusan xitaa tagikarin Tuuladii awoowgiis. Ayaa qoray

    ” MAREYKANKU KAMA CARARIN GEESIYADII HAWIYE, ee wuxuu u turay Shacabka Hawiye, inkastuu ka dilay 800,000 kun.

    Sidoo kale Afweyne ayaan cararin ee u turay inuu ku dhex dagaalamo shacabka Hawiye.

    Sidoo kale Tigriya ayaan ka cararin dagaalyahanada Hawiye, ee waxay diideen inay shacabka Hawiye ku dhex dahaalamaan.

    Kaboqaad

  11. Farmaajo iyo kooxdiisa wax ay ahaayeeen dad wadaniyiin ah siyaasadda gobolka iyo mida dunidaba fahansan, yaqaanana somalia dalalka ay danta ugu jirto iyo kuwa kasoo horjeeda ee qaranka somalia inoo sare u kaco diidan.

    Runtii shaqo wanaagsan oo in lagu abaal gudo mudan ayee u qabteen N&N dalkeena somalia.

    Mahadsanidiin ayaan leeyahay howsha aad qarankiina u qabateen ❤️🇸🇴✊🏽

  12. @@@Suldaan Ali Jama,

    Walaal, Ilaahay garaadka iyo garashada sare hakuu barakeeyo.

    Aad baan ugu maadsadaa kuwan iska mooryaansan ee maleeshiyada Hawiye iyo awoodda Mareykanka isku jimeynaya! Bal maxaa loogu jawaabaa waxa noocaas ah?

    Allaah Yacizak, Suldaan.

  13. Ciidanka hooyada ariga la joogtaa ka warqabtey buu leeyahay dawlad sirdoon leh ayaan ka warqabin maraykanku hayada sirdoonka somaliya ayuu isagu xog ka siin jirey muqdisho gudeheeda hadaan soomaali nahay maxaa inoo qarsoon wadankaba shisheeyaa ku shaqaystee ciidamadii iyo amnigii iyagaa gacanta ku haya dhaqaalihii iyaga gacanta ku haya dawladeenana iygaa wax u yeerin jiray hadana waa sidii allaah waxaan ka baryaynaa dowlad xilkas ah oo diinleh oo dadkeeda u adeegta in ilaahay na siiyo

  14. 1. Cidamada Eritrea tababartay waa ciidan beleed oo beelo ayaa loo tababaray oo kama duwana kuwii ka horeeyey oo watay magac dugaaga. Ma aha ciidan qaran. Mana aaminsani in ay ka badbaadeen safka hore ee dagaalkii tigray iyo abiy. Shan majeerteen ah ayaa ku jirey ciidankaas…. oo shantaasu wey kasoo baxsadeen oo wey soo Galeen puntland

    2. Alle kasokow mareykan ayaa badbaadiyey somali. Doqoni abaal ma taqaano….oo ilaa iyo hadeer mareykan waa garab taaganyahay.

  15. Hadda warkaan sideen ku aaminnaa in us ku guuldareysatay in ay ogaato arintaan askarta Eritrea lagu tababaray.
    Mise rabitaankaada ayaa xog nooga dhigtay bro

Comments are closed.