WAR DEG DEG AH: Baarlamaanka Puntland oo diiday xubnaha cusub ee Maxkamadda Sare

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa diiday inay codka kalsoonida ah siiyaan Guddooonka iyo xubnaha Maxkamadda Sare ee Puntland, kaddib markii ay saaka hortageen.

Fadhiga maanta oo ay goob-joog ahaayeen 43 Xildhibaan, ayaa ajanduhu ahaa Ansixinta xubnaha magacaaban ee Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland, waxaana cod gacan-taag ah ugu codeeyay Oggol 23 Xildhibaan, Diidmo 11, Aamus 9 xubnood

Xubnihii magacownaa ee Maxkmadda sare ee DPL ayaa sidaa ku waayay kalsoonidii & ansixintii Golaha Wakiillada Puntland.

Baarlamaanka ayaa ka dalbaday Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, inuu dib u soo dhiso Maxkamadda Sare ee Puntland.

PUNTLAND TIMES 

2 Comments

  1. Beentaa ma aha oo anaaba yaabay sida loo soo joojiyay bAarlamanka hortiisa,suaalo shaçabka ka guuxayana loo suaalay,oo baalaha looga rifay,waxse iska yimid ma aha markan dad xog ogaal ah warsaday,mana sii soconayso ee lacagtii laysaga aamusin jiray ayaa meesha ka baxday maadaama Deni isku rashaxay,qasanaduna marantahay.
    Waa iska aamusin marka DENI IMAARAADKA LACAG KASOO XAABSADO,WOXOOGAANA U TUUDHO.
    Deni INA adeerkii ayaa maxkamada sare jooga,Denina maslaxado badan Ku ilaashanaayo oo muran doorasho hadii uu yimaado KAAH baa guuleystay xukumin.
    Baarlamaanka Fuck you yiri marka u yeereen.

Comments are closed.