Xasan, Aaden Madoobe & Xamse oo ka wada hadlay Wasiiradda cusub “Maxaa kasoo baxay”

MUQDISHO(P-TIMES) –  Sadexda masuul ee sareeya dawladda Faderaalka Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay yeeshay kulamo gaar ah oo ay uga wada hadlayeen arrimaha dhismaha golaha Xukuumadda ee laga sugayo, waxaana soo baxaya macluumaad kuwajahan wada xaajoodyadooda.

Sida ay xaqiijinayaan maclumaadka aan helnay, Xasan Sheekh ayaa doonayey in uu qanciyo gudoomiyaha baarlamaanka Aaden Madoobe, oo liiska shaacintiisa dib uga dhacday 16-kii Bishan oo lagu waday, maadaama cabsi laga qabo in uu diidmo kala horyimaado Xukuumadda.

5 Caqabad oo dhismaha Wasiiradda DFS ka haysata Xassan iyo Xamse “Xal ma u heli doonan”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la kulmay cadaadis uga imaanaya gudoomiyaha golaha shacabka oo ku wajahan in isaga laga talo-galiya wasiiradda ka imaanaya dawlad gobaleedka Koonfur Galbeed, taas oo culeys ku ah Xasan Sheekh maadaama uu dhinaca kale horey uga balan-qaaday Madaxweynaha dawlad gobaleedkaas in uu noqdo cida uu kala tashanayo.

Aaden Madoobe ayaa diiday in uu qaato Hal-wasiir, inta jalena uu u daayo taladooda Xasan iyo Xamse, balse Madoobe ayaa sheegay in isagu matalo beelaha Digil iyo Mirifle, saami qeybsigoodana aan cid kale wax laga weydiin karin.

Xamse Cabdi ayaa xalay isku dayay in uu labada dhinac isku soo dhaweeyo, isagoo sheegay in ay muhiim tahay in la wada qanco, waxayse xoguhu sheegayaan in uu ku dhiiran waayay cadeynta mawqifkiisa golaha wasiiradda Faderaalka.

Kulanka 3 geesoodka ah, dhammaadkiisa waxaan ogaanay in Aaden Madoobe lagu qanciyay in uu ka war sugo kulan gaar u dhexmara Madaxweynaha & Raysalwasaaraha,wixii kasoo baxana ay dib ula wadaagi doonaan.

Kulankii gaarka ah ee Xasan iyo Xamse oo maanta qabsoomay ayaa qaatay waqti dheer, waxaana wararku cadeynayaan in ay isku raaceen in wasiir loo magacaabo qof uu wato Aaden Madoobe, looguna dari karro talada wasiiru dowle, haddii uu taas ku qanci waayana ay tahay in lagu dhawaaqo liiska golaha wasiiradda.

Ka hor 25ka Bishan ayaa lafilayaa in la shaaciyo magacyada golaha wasiirada oo intooda badan ay diyaarsan yihiin, waxaana lafilayaa in ay xubnaha ugu badan ee kasoo muuqan doona noqonayaan Saaxiibada Madaxweyne Xasan Sheekh oo heli doona wasaaradaha ugu muhiimsan.

 

6 Comments

  1. The majority of the Somali people do not have any interest in the announcement of the list of the government as they have already lost their confidence in president Hassan because of his latest diplomatic shuttle and Salad’s appointment to NISA, which was nonsense and counterproductive.

  2. Xasan sheikh waa dhashii tigree io kenya somalia Allaha ka qabto .

  3. If politicians Are Ready To Face The Truth…?
    ————————————————-
    Haddii Siyaasiyiinta Diyaar U Yihiin Inay
    Runta Wajahaan…?
    —————————————————
    What Type Of Government Does somalia Have?
    1)Dowlad LOO DHAN YAHAY….

  4. Dowlad goboleedyada ayaa Doorashada xilwadaag ka ahaa,hadana iyagaa wasiirada talo wadaag ka ah,Simple. Odayga fossil ka ah hadana jirran ha la iska qabto. Reer Southwest Xasan Shiikh yuusan dowr dariishad idinka soo galin.

  5. Isbadalka dowlada ma-yahay mid loo bahan yahay?…
    ————————————————–
    1)Cadaalad & Sinaan

    2)Dowlad Loo Dhan-yahay?..

    3)Awood Qaybsiga Oo Loo Siman-yahay
    ————————————
    UNUKAA- YAAB- ARAGNAY- DOWLANIMO

  6. MAXAA ANNAGA UUN(digilmirifle) Muran nagaliyay
    DAAROOD DIR IYO HAWIYEBA MA MAQALNEE WARKOODA?
    Cajiiib cajiiib cajiib.
    Galahs wasiirada ma anagay boo xayiran yihiin?

Comments are closed.