XOG: Itoobiya oo ka cududaaratay Safar uu kutagi lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh.

ADDIS ABABA(P-TIMES) – Sida ay noo xaqiijinayaan Ilo diblumaasiyadeed iyo Saraakiil katirsan dawladda Faderaalka, Madaxweynaha Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorsheynayay in uu maanta oo Isniin ah booqasho uga bilaabato dalka Itoobiya, gaar ahaana magaalada Addis Ababa, isagoo la kulmi lahaa madaxda dawladda Faderaalka ee Itoobiya.

Madaxtooyada Muqdisho ayaa u gudbisay dawladda Itoobiya doonista safarka Madaxweynaha cusub ee faderaalka, laakiin Addis Ababa ayaa maalmo ka dib ka soo jawaabtay dalabkaas, oo ay sheegtay in aysan hadda jadwal ahaan firaaqo aheyn oo ay buuxaan jadwalkooda, dibna ay ka marti-qaadi doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh.

Villa Soomaaliya ayaysan farxad galin jawaabta uga timi dawladda Faderaalka ee Itoobiya, iyadoo u aragtay in ay tahay mid muujinaysa in xariirka labada dal uusan sidii kusocday bilihii lasoo dhaafay ahaan doonin.

Xasan Sheekh iyo kooxdiisa siyaasadda ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u cambaareeyey raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo xukunkiisa, iyagoo ku eedeeyey in uu galay dagaalo Sokeeye, taas oo muujinaysa garab istaag ku wajahan kooxdii xukunka Itoobiya laga tuuray ee TPLF.

Safarkii 6aad ayuu noqon lahaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh kutagi lahaa dalka dibadiisa, tan iyo markii la doortay 60 cisho kahor, wuxuuna shalay isku maray Kenya iyo Jabuuti, kahorna wuxuu kasoo laabtay Eritrea, Turkey & Imaaraatka Carabta.

Sidaas oo kale, talaabooyin ay qaaday Soomaaliya ayaa caro galiyey Itoobiya, gaar ahaana magacaabidii Agaasimaha NISA oo loo magacaabay xubin aad ugu dhaw Sirdoonka Masar oo ay is hayaan Itoobiya, Talaabo kale ayaa ahayd in booqashadooda laga dhigo mida ugu dambeysa ee wadamada gobalka & In Masar oo ay is hayaan ay Villa Soomaaliya saaxiib dhaw ka dhigato.

18-kii May-2022, Dawladda Itoobiya ayaa gaarsiisay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, dhambaal kuwajahan arrimaha labada dhinac, waxaana diiradda lagu saaray qoraalkaas amniga iyo iskaashiga labada dal, sida ay noo xaqiijiyeen Ilo wareedyo muhiim ah oo arkay, balse Villa Soomaaliya ayaa qaaday go’aamo siyaasadeed oo abuurayay shaki xoog badan.

Todobaadkii lasoo dhaafay, Itoobiya waxaa booqday Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo la aaminsan yahay in ay hadda isaga laftirkiisa is hayaan Villa Soomaaliya, isagoo la kulmay madaxda faderaalka ee Itoobiya oo ay ka wada hadleen sida lagu sheegay war ay baahisay Itoobiya iskaashiga labada dhinac ee dhaqaalaha & Amniga.

Itoobiya ayaa la aaminsan yahay in ay saameyn xoogan ku yeelan karto arrimaha siyaasadda gudaha ee Soomaaliya, gaar ahaana culeys ku noqon karta dawladda Faderaalka, marka laga hadlayo joogitaankeeda dawlad gobaleedyada qaarkood.

 

22 Comments

  1. Waa arrin aan wada filaynay waana sii saadaallinay. The biggest downfall of Farmaajo started with that set up of Qalbi dhagax and he never recovered from that and now the official downfall of Xasan Shiikh is this fallout with Ethiopia and he never recover from this. Somalia can’t afford a conflict with Ethiopia since it had historically involved in Somalias internal issues. Xasan Shiikh would have prioritized Abiy Ahmed than UAE and others. MASLAXADAADA MAQAAR AY AYAA LAAGU SEEXDAA.

    • Shame on you Ally M. How can on earth you can compare handing Qalbi Dhagax to our sworn enemy Ethiopia and not taking orders from Ethiopia as Hassan Shiikh did.
      Ethiopia isnot anymore the Lion of Africa anymore, they are divided, defeated and bankrupted. More people die in Ethiopia each and every day than Ukraine or Russia from Tigre, Oromo and Amhara. Hassan Shiikh has not loosing sleep about Ethiopia. Every Somali leader whom Ethiopia hated and despised are our hero and going down to our history books as an hero from Ahmed Gurey to Sayyid M A Hassan. Unlike the coward Farmaajo who used to lick Abiya’s ass

      • @@@Xaaji Ahmed,Ethiopia is not that Ethiopia before,changes happened and still continues to happen.Abiy Ahmed is trying to dislodge the old evils that ruled so long and he is succeeding.Shacabka Ethiopia waa sida Africada kale ee qabiil iyo jabhad kama marno.waxaad isku daydaa xoogaan inta fikirto scenario kale duwan eeg,Agaa!
        Hadday Ethiopia butburto 12m kugu soo qaxday ayaa Somalia upside down kadhigi karaa. Tbc..

      • Who the fuck is qalbi dhagax the ethopian spy?go fuck you’re mother’s ass and fuck qalbi dhagax iyo walidiintaba sharmuta ku dhashay

  2. SC WR WR. Salaan kadib maantey waa axad ee isniin ma aha.
    Sidee loo rumeysan karaa dad aan kala aqoon maalmaha?

  3. Soomaali is nacday oo adduunka la heshiis ah. Mudane madaxweyne Xasanow Kuuriyada waqooyi u dhoof.

  4. Inkastoon la hubin wax dhibaataa kuma jirto

    Somaliland waa inay xiriir wanaagsan la yeelato Ethiopia,maadama uu ka dhaxeeyo Ganacsi kaga dhow midka Somalia

    Somalia waa inay xiriir fiican la yeelato Kenya, maadaama uu ka dhaxeeyo Ganacsi ka badan midka kala dhaxeeyo Somaliland.

    DJouti xiriir wanaagsan hala yeelato Eritrea, maadaama ay uga dhowdahay Somalia.

    Waa in la xoojiyo Xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeyo Dowladaha walaalahaa.

  5. Low IQ culusow

    Hala xasuusiyo inay Egypt muhiim tahay oon la hilmaamin, safar deegdegana lagu tago..

    MARYOOLEY siyaasada waxay u taqaan safar lagalo iyo safiir lala kulmo..

  6. Koley itoobiya meelaha farmaajo uu iska adkeeyay ayay kamid ahayd marka xassan sheikh haduu iska adkayn waayo wax faa’ido ah masoo kordhinaayo.

  7. Salibiyiinta Itoobiya iyo xulufadooda(Deni, Biixi) awalba waa cadowga Soomaaliya. Kuwaas waa inaan iska dhicino.

    • Puntlander

      Jawab bog hore oo daqaaqday.

      Farmajo cadowna Uma ahayn oo saxiibna Uma ahayn.

      I believe farmajo was his own enemy.

      Anigu wax ka sokeeya federalism ma aqbalayo. Waliba waxaan kasii jiclahay in lagu dhaqmo confederation.

      Farmaajo waxuu ahaa centralist oo waxuu Rabay in uu xukunka somalia ku ekeeyo bohosha dugooday ee xamar oo hadana uuga cararo reer culusow. So I did not and can not support him at all.

      Laakin sida aad wax u fahamtay arinku ma aha oo beel ahaan ugamasoo horjeedin farmajo.

      I have no quarrel with my mareexaan brothers.

      Culusow’na taageere Uma ahayn awal iyo hada’ba.

      Wali waxaa maskaxdayda ka qoyan weeraradii iyo duulaanadii milatery ee uu ku qadi jirey puntland.

      Hadana kama filahayo wax ka duwan ficiladiisii hore.

  8. @@@Ally M,

    Caaqil, I scribbled my above comment in haste as a friend had come to visit and was waiting in the car. I have just returned home and saw your magnificent comments. My heartfelt apology for the delay in replying, Caaqil.

    Wallaahi I’m totally blown away by your succinct and exquisite description of the Awlalism philosophy which we both deeply share as well as our strikingly similar observations and thoughts on most issues. I could never have put it more aptly.

    It’s really nice to know that such a highly intelligent and seriously decent brother like you shares my sentiments and perceptions on most matters being debated here.

    Ignore the MBBs like ‘Xaaji Ahmed’ who know not what they are criticising and why. For them, it’s all about sycophancy and dying for some “leader” simply because they share a lineage.

    A true Comrade-in-Arms you really are, Ally M!

    Allaah Yacizak Caaqil.

  9. “Ethiopia Iyo Somalia Waa Laba Dal Oo Jaar Ah,
    ————————————————
    “ Somalia iyo Ethtopia Waa Labada Dal Oo Daris Ah Oo ILAAHAY Isku Xidhay Wax Badani Ka Dhaxeeyaan” (Thank you for your visit-Ethiopia, Asmara, kenya- Djabuuti)…
    ————————————————————————————-
    HORAA LOO YIRI: wax is weydiin ma xumee wax iswaydaaris baa xun
    (Asking is not bad, exchange is bad)> UNUKAA YAAB -ARAGNAY

  10. Itoobiya waa dowladda kali ah ee Geeska ku taalo oo khibrad sare u leh Soomaalida sida loo gumeysta iyo sida dadkeeda loo isticmaalo!

    Xitaa waxaay arrintaasi kaga dheereeysaa, gumeysta yaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga.
    Sidaa darteed Farmaajo wuu ku sanaa in uu iyada cilaaqaad la sameeyo, si uu sharteeda is kaga yareeyo!
    Laakiin sida muuqato, Culusoow taasi wuu ka ilduufay oo wuxuu ka door biday Kenya oo Qaadkeeda lacagta laga sameeynayo uu “faa’iido” shaqsi ah ka helayo!!

    Itoobiya wax yaabaha ku cusub ee aay Soomaali ka baratay burburkii kadib Waxaa kamid ah, Qoomiyadda D&M oo aaysan Horay u aqoon oo aay hadda isku milmeen!

    Marka, hoggaamiye daacad ah oo Soomaaliya ka naxaya oo og sida aay u kala daadsanyahay, Itoobiya siyaasad deggan ayuu kula dhaqmayaa sida uu yeelay Farmaajo!

  11. Ha wareegto guraantu. Ethiopia. Iyo
    Koonfur galbeed. Oo kala saxiixday. Hishiis. Amni. Koonfur galbeed waxaa loo balanqaaday. In. Ethiopia difaacdo. Hadii.
    Shabeelada hoose. Lasoo. Hunguriyeeyo
    Waxay kaloo. Isla garteen. Saldhig yada ciidanka. La xoojiyo. Ciidankana. Loo tababaro

  12. Kkkkk Farahoow in budhleeyn masalaftay Oo kacday Oo xataa imtixAnkii shaahaadiga ahaa loo waayay dhaaqaale lagu saxo waad lascotaa.. kusoo tuur!🤒🤒

  13. SALAAMU CALEEKUM

    BAGAH, in sidaa lagu sameeyo XASAN DHIIQO… I congratulate Ethiopian leaders to reject his fullish and fucken visit.

    ETHIOPIA knows where its interest is available. XASAN DHIGO and his JUNTA will or shall not be welcomed to any of PUNTLAND, JUBBALAND, AND SOUTHWEST STATES.

    XASAN DHIIGO and his JUNTA will govern its spoiled areas of HAAWEYDA HAWIYE. They will never put a foot in the well-governed states, PUNTLAND, JUBBALAND, AND SOUTHWEST.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  14. Ethiopia waa waddanka xuduudda ugu dheer la wadaaga dalka soomaaliya isbedel weyn ayaa ka dhacay . Si xowli ah ayaa isbedel uga socdaa waana suurta gal inuu si dhaqsa ah u miradhalo . Ethiopia dadkeedu way heshiin soomaaliyi inta ay is luggoynayso . Soomaalidu hayska sii qayisho .

  15. Barawani iyo King isma raaci karaan. Barawaani waa qolo yaroo wax ka degta
    Baraawe. Waxay isugu jiraan qaar gibil cad ah, qaar addoomo ah, sida Tunnida
    iyo qashin kaloo isu keenkeen ah.
    Kuwa gibil cadkaah waxay shaabbahaan reer Xamarka gibil cadka ah.
    Addoontana waaba jareer Tunni ah (waakuwaa uu ka dhashay ka isku sheega Barawaani King). Reer Baraawe, cad iyo madowba, jileec iyo jareeba, waa kabatolayaal (nooc midgaha ka mid ah).
    Qosolku wuxuu ka taagan yahay Barawaani sheeganaya libaaxnimo. Waxay
    la mid tahay Shaanshi biiq ah oo leh libaax baan ahay. Libaaxow xaal qaado.

  16. @@Eerible Faranfar,

    Aad iyo aad ayaan uga xumahay in qof baniaadam ahi shaqada iyo farsamada ceeb iyo cay ka dhigo sida hebel waa kaba tole, birtume, raadhin kariye. Ceeb iyo cay waxaa ah inaadan wax xirfad ah lahayn. Waxa adduunku inagu dhaafay waa inay karaameeyeen dadkooda farsamo yaqaanka ah.

    Haddaba haddaa tahay qof xishoonaya oo sharaf leh waa inaad arrinkaas raalli gelin ka bixisaa.

    Tan ii raacda, reer baraawe haddaad maqashay aan ku kala baro. Waxay u qaybsamaan Tunni, Tunni-Baraawe, iyo Tunni-toore.
    Tunni waa qabiil Soomaaliyeed oo xoolo dhaqato ah oo reer miyi u badan sida Soomaalida kale. Waxayna degaan laga soo bilaabo Jilib oo jubbada dhexe ah illaa Baraawe oo Shabeelada hoose ah. Waxaana ka mida Shangamaas oo ah shan jifiyood ah. Tunni-baraawe waa dadka aad gibil-cadka ku sheegtay waxayna isugu jiraan carab, yurubiyaan, iyo eeshiyaan kale farac ahaan waana dad Soomaaliyeed oo sharaf leh. Waxayna degaan baraawe iyo Marka caddeey intaada badani. Waana dad magaalooyinka keliya dega. Tunni-toore waa dad reer magaal iyo reer miyi isugu jira waxayna degaan min Baraawe illaa Buulo Mareer amaba illaa Marka Caddeey. Muuqaal ahaan qaar waxay u egyihiin sida Soomaalida badankeedu u egyihiin, qaar kale waxay u egyihiin Baajuunta, qaarna waa kuwa aad adigu jereerta ku sheegtay xagga muuqaalka. Meelaha aan la tarraxin oo ay keligood degaan waxaa ka mid ah Marriin-gubaay.

    Soomaalidu waa dad cunsuriyiin ah oo aan waxba xeerin oo qofka farsamo yaqaanka ah caaya una naleeya inuu ka hooseeyo, laakiin adduunka kale farsamoyaqaan waa qofka loo qaddarinta badanyahay, diin ahaanna kaba fadilan kan farsamo aqoon. Alcamal mahnaa kaana nawcuhu laysa cayban.

Comments are closed.