XOG: Siciid Deni oo aqbalay go’aankii Baarlamaanka Puntland, ee uu diiday horey

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa aqbalay diidmadii Baarlamaanka Puntland ee Guddoonka iyo xubnaha Maxkamadda sare ee uu horgeeyay dhowaan.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa codka kalsoonida ah u diiday Maxkamadda Sare ee Puntland, oo uu bilo kahor soo dhisay Madaxweyne Deni, iyagoo ka dalbaday Madaxweynaha inuu soo bedelo. Balse Siciid Deni ayaa wareegto uu soo saaray daqiiqado kadib diidmadii Baarlamaanka dib ugu magacaabay xubnaha Maxkamadda ee waayay kalsoonida Golaha.

Xildhibaano uu la kulmay Madaxweyne Siciid Deni ayaa uu u sheegay, in uu aqbalay diidmada Baarlamaanka ee Maxkamadda Sare, uuna dib u soo dhisi doono mar kale, soona magacaabi doono xubno cusub, kuwaas oo uu Golaha Wakiillada horgeyn doono Kalfadhigga 51-aad, maadama uu Kalfadhigga 50-aad uu xirmayo maalmahan.

Baarlamaanka Puntland oo dhowaanahan waday kulamadooda Kalfadhigga 50-aad, ayaa qaatay go’aankii ugu weyna, ee ka dhan ah Siciid Cabdullaahi Deni tan iyo 2019kii oo ay doorteen. Waxaana sidoo kale ay wadeen la-xisaabtanka Xukuumadda, iyagoo u yeeray ilaa 10 Wasaaradood oo ay kamid yihiin Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda.

PUNTLAND TIMES