XOG: Siciid Deni oo u dhoofaya dalka Imaaraadka Carabta (Maxaa uu kala soo hadlayaa?)

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa in uu isniinta maanta ah u amba-baxo dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaddib guul-daradii kasoo gaartay doorashadii Madaxweynaha DFS ee 15-May.

Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan kula qaadan doona Dubai qaar kamid ah madaxda Imaaraadka Carabta, kuwaas oo uu ahaa 3 sano ee lasoo dhaafay wadaygooda dhow ee Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta ayaa malaayiin dollar ku bixiyay olalihii iyo tartankii doorasho ee Siciid Deni, uu ugu jiray hanashada Villa Soomaaliya, Waxaana la rumeysan yahay in waxyaabaha ugu waa weyn ee ay kala hadli doonaan madaxda Imaaraadka ay kamid tahay ‘siddii uu si dhow ula shaqeyn lahaa Madaxda cusub ee DFS’.

PUNTLAND TIMES

15 Comments

  1. Puntland times.
    War ka qoro waxa uu u baahanyahay,mid ku fadhiya run,oo aan ahayn ra’yiga cida qoraysa.
    War si cad oo ku qotonta,nidaamka saxaafada wax u qora.
    Puntland times oo qura ma aha,inta badan,website yada Soomaalido qorto waa isko mid.Waxa ay caan ku yihiin war aan jirin( fake news).

  2. Waad edeb daran tihiin Puntlandtimes. Nin reer Puntland ah carab xun uma yeeriyo, is that understood eeyahay eeydu dhashay.

  3. Waxaan maqley in Xasan Sheekh loo qaraacey Deni dartiis..warku wuxuu sheegayaa in Xasan ay lasoo xiriireen dawladda Imaaraadka xilligii doorashada socotey ayna Ka dalbadeen in uu u tanaasulo Saciid Cabdullaahi Deni ..

    Laakiinse Xasan wuxuu Ka dhammeeyey in isaga iyo Deni isla shaqeynayaan oo uu raiisal wasaare u magacaabayo Deni ..

    Xasan wuxuu dalbadeen in lacagta Deni uuhayo loo fasaxo ..Imaaraadkana waxay Deni Ku amreen in uu bixiyo kharashaad uu Xasan u baahan yahay ..

    Xasan markuu guuleystey ballantii wuu Ka baxay wuxuuna magacaabey Xamza ..

    Arrinkaas Imaaraadka waxay Ka qaadeen caro xoogan ..Ka dib waxay casumeen Xasan …waatuu Xasan durduriyey oo safarkiisii ugu horreeyey Ku aadey Imaaraadka ..

    Kullankii Xasan iyo sirdoonka Imaaraadka wuxuu Ku dhammaadey in Xasan indhaha lamadoobeeyo feer dartiis ..

    Safarka Deni Imaaraadka wuxuu noqondoono Allahu yaclam ..

    • kkk imaaraatku waxay wateen labo nin plan A waxuu ahaa xasan shiiq, plan B wuxuu ahaa dani markasta imaaraatku waa guulaystay hada meesha waxaa madax ka ah turkay oo ciidan iyo xero ciidan ku leh
      marka oday dani wuxuu u tagay lacagtii ay tuugada hawiye ka dhaceen in wax caymis ah uu ka soo helo imaaraatka si uu is kaga furdaamiyo ciidanka mushaaraadkiisa iyo shaqaalaha dowlada kkkk
      shuruuda imaaraatka waa in uula shaqeeya xasan garguurte kkk

  4. Dadka halkaan wax ku qora war badan kama hayaan qaabka carabta ula dhaqmaan dadyowga ay wax siiyaan siiba sacuudiga iyo Emiratesku.

    Yarka ina rafiiqal xariiri wixii lagu sameeyay caalamkoo dhanbaa qayliyay, ina cabdalla axmar Emirateska 10 sano kahor waa ka darayd waxay ku faleen.

    Allaa naga og waxay culusow ku suubiyeen balse nimankaan waa mafia caalamka oo idili ka qaylyay..

  5. Oday Deni labo baa caado u ahayd in uu u safro. Marka, haddeer mid baa u dhimane kaasi yaa yaqaana?! Kkk

  6. BULLAALE MA WAADAN XISHOON BAL QORAALKAADA KU LAABO OO AKHRI CIYAAL MIYAAD U SHEEKEYN?
    SOMALIYA NASIIB DARO AYAA KU DHACDAY DADKII WAA ISKU MILMEEN CLASS KAMA JIRO.
    MAANGAAB AYAA KA COD DHEER WAX GARADKII.
    JAAHILKII AYA KA COD DHEER WAX GARADKII.

  7. Dadka Soomaaliyeed waxayna fahmin sida loo kala dulaalo walaaalo aan is indha buuxin sida Soomaaliya ka jirta.
    Culusow Imaaraadku waxay u soo sheegeen Deni cadaadi oo madaxa ka garaac isaga iyo Puntland.
    Denina waxay u soo sheegayaan ha la shaqayn Culusow annagaa waxaad rabto diyaar kuula ah, deedna maxaa xiga dantayda ii fuliya.
    Kuwa moodaya in wada shaqeeya cidi dhehayso orda munaafaqadda caalamka barta. Cidina ka faaiido dad heshiisa.

  8. Aniga haddaan Deni ahay ma aadeen Imaaraatka xilligaan ..waan Ka warwareegi lahaa ilaa ay xaaladda caadi Kusii noqoneyso ..

    Bal haloosoo duceeyo Deni aysan Ku dhicin wixii Ku dhacay Xasan .

  9. Deni safar buu galay. Sababta safarka waxaa sheegaya afhayeenka Puntland. Indinka shaqadiinu waa uun war sheegid, that is all you have to do, laakiin Imaraadka ayaa tiri la shaqee Xasan Shiikh, waa sharaf dhaca Puntland iyo aflagaado.

    War hooy jooga kibirka waa lagu kufaaye, inta aad isleedihiin Deni ceebeeya ayaad Puntland ceebeynaysaan. Reer Puntland ma ahan sida Iidoorka. Waa umad og in aysan Soomaali ka maarmin, waana sababta madaxa inoogu saaran yihiin Soomaali kuligood.

    Imaaraad ayaa Xasan Shiikh inaga xiga, waa doqonimo, kamana suurowdo in wariye Puntlander ah waxaa qoro, doqonta iidoor ayey ka suurowdaa ileen waa jaahilad website la yiri wax ku qor. Puntlander knows his strength is within the Somali People. Thousands of cities and Millions of People igu filan, Allahu Akbar, Anaa Puntlander from Somalia.

  10. Somalia guusheedu wali
    Madhawa tusaale
    Somali kasta oo waxa qoraayo
    Dowalada immaaraadka meesha
    Uu liidaayo dowalada Somalia
    Wuxuu qoraa ninkasta bartay
    Qorida afka somaliga oo nuxurkale baran wadajirka
    Immaaradka Somalia wuxuu qoraa
    Anigoo puntland ah anagoo
    Xamar ah anagoo gobal habal
    Ah okay guys
    Siyaasadu sidaas mahan marka
    Aay imaado ajanabi mid ahada
    Marka aad kali tihiina xisaabta aad isku haysaan
    Kaligiin kahashiiya
    Dani iyo xasan waa naqaanaa
    Waxaan kale oo aan ognahay next four years soo sosocdo
    Faaiidada aay keeni karaan
    Asc Somali all of you

  11. Xasan Sheikh nin siyaasadda iyo masaalixda dalalka kala duwan ka leeyihiin Soomaalida famamsan ma aha,ismana waafaqayaan danta UAE,Saudi,Egypt, Kenya,Ethiopia iyo Turki oo aan soomaali wax tarin,ee Xamar jooga.
    Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah!!!
    Ma jiro dal dunida oo dhan heshiis la ah,iskaba dhaaf dal la haysto oo magac ahaan u jira.
    UAE buu safarkii u horreeyay Ku tegay,hadana Turki,kadib Imaaraat Deni bay iyana martiqaadeen.
    Goljilicda Zomalia la baray kkk
    Turki cidda wax Ku qabtaa maaha soomaali.
    Halla kala qadhaabto
    UAE baan wadannaa
    Walaaqa Xamar
    Shaqo wcn

Comments are closed.