AKHRISO+SAWIRRO: Maxaa ku qoran dhambaalka Madaxweyne Xasan u diray Ururka Islaamka?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal u diray Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka, Xuseen Ibraahim Dhaaha

Dhambaalka oo uu sidday Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha iyo Bani’aadanimada ee Madaxweynaha JFS, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga hadlay marxalada ay marayso Soomaaliya iyo saameynta Abaaraha daran ee ka jira dalka.

“Dhanbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku aaddan gurmadka abaaraha ayaan maanta gaarsiiyay Xoghayaha Guud ee Ururka Islaamka, Mudane Xuseen Ibraahim Dhaaha. Xogahaya oo aan kula kulmay xarunta Ururka ee magaalada Jedah ee dalka boqortooyada Sacuudiga ayaan uga waxbixiyey abaarta ba’an ee Soomaaliya ka jirta iyo sida ugu habboon ee ay dalalka Islaamka kaga qayb-qaadan karaan gurmadka abaaraha” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhambaalkan gaarsiiyay Xoghaye Xuseen.

“Waxaan isla meeldhignay tillaabooyin dhowr ah oo lagu dardar gelinayo gurmadka abaaraha. Ururka Islaamka waxaa ku kulansan 57 Dawladood, Soomaaliyana waxay ka mid tahay aasaasayaashii Ururka.”

PUNTLAND TIMES 

21 Comments

  1. KUWA MAGACA HAWIYE ANNAGA NAGU XAMANAYA

    Xaqiiqadu maanta waxay tahay in duufaanno xooggan oo isbeddel siyaasadeed salka kuhaya ay Geeska Afrika dibindaabinayaan oo Qowmiyadda Soomaaliyeedna ay saddex jiho kagasoo dullaamayaan.

    Maanta waxaa lajoogaa xilli Qowmiyadda Soomaakiyeed uu waajibkeedu yahay inay dhaaddo waaqiciga dhabta ah ee qeexaya in aanay sina u kala maarmi karin oo aayaheeda iyo danaheeda qowmiyadeed iskumid yihiin.

    Waxay aniga marxaladda hadda mandaqaddeennan ka taagan iigu muuqataa dholosha berisamaadkii aynu usuudda iyo asyaadda Geeska Afrika ka ahayn ee dhugashada iyo xusuusta mudan, waana qarniyadii awooweyaasheennii hore ee Soomaali Maxamed qummaati iskugu duubnaayeen oo saldanado laga kaaji jiray mandaqadda ka ahaayeen.

    Dhalanteedkii “land”-yada ee burburkii ka dhashay waakan iskugu soo ururay khayaalkii uu awalba ahaa oo sha’nigii Soomaaliyeedna hiririg isasootaagay oo xaajo sixun uga cakirantay.

    Amxaaradii way soo-labakacleysay oo waxaa ka go’an inay markale imberatooriyaddeedii dib usoonooleysato oo sideedii horena Geeska Afrika ku gumeysato, waxayna adeegsanaysaa istraatijiyadda halista ah ee “iskujebi oo u wada tali”.

    Waxay geesaha isu wada daraysaa qowmiyadaha aysan iyadu dagaal kaga adkaan karin, si ay iskugu rogmadaan oo marka ay wada daciifaan iyadu duullaan kuwada qabsato oo sandullena ugu taliso.

  2. Waxaa qowmiyadahaas ay Amxaaradu dhexdooda iskujebinayso safka hore kaga jira Soomaalida iyo Canfarta.

    Haddaba, Soomaalida ma waxaa ku habboon inay iska caadifadooto oo isku daydo inay keli ahaanteed isku qaadqaaddo Amxaarada cuduudda dowladeed ee Itoobiya gacanta kuhaysa – sida ay kutalinayaan kuwa halkan annaga nagu xamanaya – mise inay ku abbaarto istraatijiyadda salka kuhaysa isbahaysi iyo isgaashaanbuuraysi xooggan oo ay layeelatay qowmiyadaha kale ee soo-labakacleynta Amxaarada diiddan?

    Waxaa aniga ila qumman inaysan Soomaalidu salfududaanin e ay caqliga saliimka ah kaashato. Waa inaysan Soomaalidu kudhicin dabinka khatarta ah ee isku dirka iyada iyo qowmiyadda Canfarta oo jaanib ah iyo iyada iyo qowmiyadda Oromada oo jaanibka kale ah – sida ay Amxaaradu maleegtay oo u qorsheysan. Giddigood baa ku wada halaagsami doona oo Amxaaradana ugu gacangali doona haddii ay nacasnimadu ka qaalib noqoto. Amxaaradu waxay ku taagantahay qaddiyadda ah ‘lafo geri iyaga ayaa la iskujebiyaa’.

    Istraatijiyaddu waa inay ku dul qotonnaataa isbahaysiyo iyo isgaashaanbuuraysi adag oo dhinacna Amxaarada ka dhan ah, dhinaca kalena Afwerki ka dhan ah oo ahdaafteeda ugu waaweyn uu kamid yahay in Eritreya loo gacangeliyo qowmiyadaha Tigrinyaha iyo kuwa kale ee muslimka ah ee dalkaas ugu tirada badan.

    Hiraalka saxsan waakaas e ma aha bakhbakhda meelahan lagaga hadaaqayo ee Itoobiya oo idilna la iskugu jumleynayo. “Xabashidu” waa qowmiyado iyo qabaa’il boqol gaaraya ee ay talada saxsani tahay in la kala xado oo deeto la iskujeediyo.

    Kuwa meelahan ka booteynayana waxaan xusuusinayaa inuu Rasuulkuba (SCW) muddo toban sanadood ah hakiyay dagaalkii ay asaxaabtu u kululaayeen in Makka lagu xoreeyo. Xigmadda ku jirtay ayaa kuweennan Daarood ee meelahan lagaga dhegahadlayo inoo muuqata oo aynuna ku cabbiraynaa xaaladda mandaqaddeenna haatan ka jirta.

  3. soomaalida waxay tiraa labadii ceeriin ku qaysata biseyl isuguma yimaadaan,marka mudane xamsoow , wixii jeeb geli kara boorsana ay qaadi karto oo cadaan ah (cash) ah iyo wixii jeeg ah (check) sidii madaxweynahu uu rabay u yeel. inta hale ee mood ah (food stock)ag hal kiilo xaquma laha kkk!
    hadii laga fursan waayo xaq waxaad u leedagay in aad wasaaradii la baabuyay soo nooleeyso kkk

  4. Mudane Abdishkuur jagada laguu magacaabay waataad ku sharaf dhici lahayd, saaxada suyaasadane kaa saari lahayd adoo horay fara lagaa hayay, hadana(lagaa dhigay soo qaade) waxaad ummadda soomaaliyeed sharaf uga heli kartaaiyo duco, adoo u soo qaada kuna wareejiya fagaare meediyahu markhaati ka yahay
    mudane waxaan kula qaysanayaa tusmada ka hoos duugan jagada ii soo adeega ahm oo aan maamul baahsan lahaynkun kuna eg warqadan haddiyadne iiga soo qaad, (masiibo)

  5. I wonder what will be the job description of the Somali F. Minster?!
    This is a absolute abuse of the Somali governing system by the Culusoow government!!!!!

  6. dhiiqo kudar baahanayal kudar mucawino xadayaal kudar moshin lacg kucunayaal kudar dhig cibyaal kudar zaniyaal kudar alkolistoyaal kudar musuq iyo dhusuq kor joogayaal iskudaro maxaa ka soobixin.Ufay ufay waxba uray kansar iyo faanto ka qaada hadaad cuntaan masakiinta wax loogu yaboohay hadaad cuntaan

  7. We have political contest in Somalia the proceeding comments are a testimony to that.
    Speaking of unity is premature. Discussing enemies further a field is even not in the cards. An absolute political defeat of one of contestant is a pre request for unity. This must happen peaceful and through fair and free elections. Under the wise leadership Hassan shiekh mohamoud we have a better chance moving the needle forward.

  8. @@Gurey, you really read well all about Kim Jong-Un of North when you said “Under the wise leadership of Xasan Shiikh ”
    What is next?Muqtada AL sadr??
    Ma fiicno in xuduuda laga tallaabo.

    • Ally M
      We don’t share the same views on Hassan shiekh Mohamoud you see him as a bad guy I see him as good guy.
      Let’s just leave it at that. I am not going to play cat and mouse. Xadgudub? waxaad ubaahantahay in aad muraayad hor istaagtida adoo dib u eegaya wax yaalihi meeshan kuqori jirtay ama hedeerba aad ku qorto.

  9. @@Gurey,

    You seem have completely got the wrong end of the stick here, our friend. The issue here is not whether Hassan Sheikh is a “good” or a “bad” person but whether he’s fit for the high office he’s holding. And there can be no full stop (or period, as you put it) to that for as long as he’s sitting on that national chair.

    Ally M, I, and A. A. Xade hold no particular grudge against him; we’re merely questioning his competency and suitability for the role of a national president.

    For your information, politicians all over the world are judged based on their own backgrounds and past records, and we’re holding him precisely to the same standards as any other leader out there. And it’d be no exaggeration to state that Hassan’s past record is anything but shining.

    It’s such a shame that you Hawiye brothers tend to trivialize our critical national politics by tribalizing the viewpoints and legitimate concerns by anyone and everyone who isn’t of a Hawiye descent against the incumbent.

    Peculiarly enough, you Hawiye brothers used to relish and clap along when we, the Daarood, were being critical of Mohamed Abdullahi Farmaajo’s leadership and even hounding him out of office because the nation and the national interests came first as far as we are concerned.

    Please, stop insulting our intelligence brothers and put the nation and its interests first before your tribal instincts. Whoever is good or bad will be judged by their treatment of the common man, woman, and child struggling in the streets in shadow of the Villa. And that depends not on a leader’s ethnic background. It’s personal.

  10. @Awlal

    Ma idiguu kula hadlayay Gurey mise Ally m?

    Ragga Soomaalida goobashada ma yaqaaniin, dhaqan uma lahan, you don’t show typical Somali behavior, are you Oromo?

  11. @Sitaha “Daahir”,

    “Ma idiguu kula hadlayay Gurey mise Ally m?”

    Aniga iyo Gurey muddo dheer ayaynu soo haasaawaynay e mindhaa adiga ayaa madashan ku cusub. Maxaase adiga kaaga shan-iyo-toban ah oo kusoo dhexgeliyay arrin aan ku khusaynin?

    Mise waa maankii mooryaannimo ee aynu ogayn?

    “you don’t show typical Somali behavior, are you Oromo?”

    Mahadsanid inaad igu amaantay inaanan “ragga” Soomaalida la dhaqan ahayn, waayo dhaqankooda dunida waa ka macruuf oo dalkeenna ayuuna ka muuqdaa oo ma aha wax lagu faano.

    Oromona labadeenna adiga ayuu abtirsiinyahaagu galaa laakiin kollay guud ahaan Soomaalida kama marna.

    • Meeshan maqaaxi mise mafrash aad adigu leedahay ma aha oo waardiyena kama tihid e waxa adiga ku khuseeya ka hadal maandhe.

      Ciilka iyo cuqdadda idinka ayaa u dhiman doona e aniga waxba igaga ma qaadi kartaan. Daaroodka iyo Hawiyahana adiga kuma ayan wakiilanin oo shaabbad aad wajiga kaga tiimbarayso kuuma dhiibanin.

      Taada ka raac.

  12. The New Somali President Hassan Shiekh Mohamud .
    Somali People remember during his previous presidency ,how he plundered the Somali treasury.
    He enriched himself and his family it’s out of the question that his new administration – to expect good governance and transparency.
    In conclusion the Somali people,will not accept,the appointment of
    Muqtar Robow,the second in command to the terrorist organization of
    al shabaab,to be a religious affairs minister.

  13. @Elmi Abdullahi, Dumarka ayaa wax badan ka fiican ragga qaarkood. Iyaga waa la hogaamin karaa easily. Ragga qaarkood waa madax adag yihiin. Cayda iyo dagaalka ka daaya dadka hogaanka idiin haya. Hadii kale cadow xabashi ah ayaa lagu moodayaa.

    Nuur Cadde sidaa oo kale ayaa loola yaabanaa markuu Maxkadaha albaabada u furayay. Same thing here, Hamza knows waxa uu Mukhtar Robow yahay, but he is doing it for a reason. Trust your leaders!

  14. Gurey,
    Elmi Abdulaahi,
    Mahbari.
    Waxaan idinku soo dhaweyneynaa fourm cusub oo dood,
    dood-celinm iyo Garnaqsi si aan u toosino siyaasiga
    siyaasada aan qaadiyada iyo mabda lahayn.tan kale
    madasha nin walba waa u furan tahay laakiin waxaa jira
    rag gaar ah oo XASAANAD leh , dabcan wanaaga yaan laga tegin wbt.
    Carpoun copy.
    Suldaan Awlal Gudoomiye
    Islow Hiraan Ku-xigeen

  15. Thank you brother Daahir.
    Let not be bothered by what my cyberly friends say particularly the whinny trio. I can handle them with one elbow. I know this will put them in a teasy. Nevertheless I can consider them temporary cyberly friends despite it all.

  16. To: I ssa
    thank you for the invite but I can’t commit to that at this moment. I Nevertheless wish you the best. As I have shared with the participants here I am bleak on Somali unity. In fact I want Several sovereign countries emerging from current Somali republic and similar attitudes should be adopted for Ethiopia as well.

  17. Dear, Guyrrey
    I have received your message and I understand you may not be able to reply now. However, we can await your
    response. I am pleased to tell you that our forum is based to ensure, mobilise, and create Somali unity.
    I envision you as an intelligent educator so I advise you not to kid about such matters.
    Thank you

Comments are closed.