BREAKING: Fu’aad Shangole oo beeniyay inay dishay Itoobiya “Annigu waan noolahay”

Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah hoggaamiyayaasha Al-Shabaab ayaa beeniyey in lagu dilay dagaalladii ka dhacay gobolka Bakool usbuucii hore.

Cod laga soo duubay Shongole oo lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab ayuu ku sheegay inuu nool yahay uuna caafimaad qabo.

Itoobiya ayaa sheegtay maalintii Jimcihii inay dishay saddex sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ka mid yihiin Fu’aad Shongole iyo Af-hayeenka ururkaas Cabdulcasiis Abu Muscab.

Sidoo kale, Fu’aad Shangole ayaa xusay in dagaalkii ka dhacay 30-kii July magaalada Caato, iyo warka kasoo baxay Itoobiya, isagoo sheegay inay guulo ka gaareen.

Shangole, ayaa ku goodiyay in ay weeraro hor leh ku beegsan doonaan Ciidanka Liyuu Police, ayna joogteyn doonaan beegsigooda.

PUNTLAND TIMES 

8 Comments

  1. Jihaadka iska jihaad uun ma aha e waa hannaan sugan oo leh dabaqado kala sarreeya iyo shuruud iyo xeerar fiqi ah ee u degsan oo haga.

    Macawiista iyo surwaalka oo canqowga laga sarreysiiyay iyo gar yar oo lala baxayna caalim diinta calaashaday kaa ma yeesho. Fadwado firqado is diiddan aragtiyadooda lagu saleeyayna lamid ma aha fiqiga saxda ah oo la asiibay.

    Naf bina aadam ah oo la gooyay, iskaba daa mid ashahaadatay oo aan waxba galabsan e, waa waxshinimo diinta Islaamka kaba baxsan.

    Bal yaa xaqa u siiyay ay addoomaha Eebbe ku xukumayaan oo qudha kaga jarayaan? Yaa u igmaday? Horaa luqado badan loogu maahmaahay in shimbirba shimbirkiisa la duulo: kuwa qaatiliinta ah ayaa iskugu soo biira kooxaha ku balwooda in ay wax dilaan oo silciyaan.

  2. Cajiib war ninkan “quruxda badan” wali manool yahay? Walee gacan kudhiiglow mar uun bay gudintu ku goyn.

  3. Berri uun baa wasiir laga dhigi marka uu wax lagu sheegi waa issoo dhiibay. Cidi inaanay la xisaabtamayn buu ogyahay oo 4.5 ka meeshiisa ka galayo. Somali waa wada dambiile mar dhawna ceeb ka saliim. Miskiin inta ku baaba’da. Mid magac dawladeed ku dila oo kumanaan xauuqa qaarna jeelal ku dhex garaaca, mid magac ciidan iyo difaac qaran ku laaya shicib oo dumiya magaalooyin. Mid Alshabaaab iyo diinta magacerda ku dila. Mid xada hantidooda. Wallee aakhiro uun baa war iyo xisaabi joogtaa ifkase idinkaa Somali madax u ah

  4. Ileen qofk lanecebyabey madhinto ninkaan dhididaaya bal eega ayaantii maxaakimta cusbayeen baabur zuu ah oo maryantii sideedi u saranyahiin ayaga oo qaad cunayan aa waxaa lo keenay kartoon cimaamdo gaduudan ku jiraan mida hada u xiranyahey oo kale markii loo qeebshay aa lagu dhahay sacadaan laga bilaabo maxaakimta cidankooda aa tahiin

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*