Cabdiweli Gaas oo u digay Madaxweyne Deni “Muddo kororsi lama aqbalayo”

Madaxweynihii hore ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga digay Madaxweyne Siciid Deni inuu isku dayo muddo kororsi, isagoo mar marsiyo ka dhiganaya hannaanka dilmuquraadiyeynta Puntland.

Dr. Cabdiweli Gaas oo xalay ka qeyhgalayay dood looga hadlayay ‘dilmuquraadiyeynta Puntland’, oo ka qabsoomtay Twitter-ka ayaa ku boggaadiyay Madaxweyne Deni bilaabidiisa doorashooyinka qof iyo codka ah, ee Puntland, oo 24 sano kadib aas-aaskii Puntland ka dhacday October, 2021dii saddex degmo.

“Dhameystirka nidaamka axsaabta badan ee Puntland waa in uusan noqon mid marmarsiyo looga dhigto in lagu gaaro barnaamij siyaasadeed kale iyo muddo kororsi”.

Sidoo kale, Waxaa uu xusay Gaas, in haddii ay dhacdo in la isku dayo muddo kororsi ay dad badan, taas oo horseedi karta in dagaalo dhacaan si lamid ah xilligii Madaxweynihii hore ee Puntland AUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed, sannado kooban kadib aas-aaskii Puntland.

Ugu dambeyn, Cabdiweli Gaas ayaa dalbaday in Xukuumadda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ay si wado nidaamka axsaabta badan muddo xileedka u haray ee ‘hal sano iyo bar’, ayna fogaadaan muddo kororsi, loona daayo shaqada intii hartay Xukuumadda cusub ee imaan doonta.

PUNTLAND TIMES 

16 Comments

  1. DENI is physically and politically limbing under the weight of his failure in Puntland and Somalia.Gas is smelling blood and the knifes are out. I hope the people of Puntland stand up for their dignity and for better future. Is Abdiweli Gas trying to be elected for a second time like Xasan Shiikh?

  2. SALAAMU CALEEKUM

    Duli fooqa duli… maxuu ka hadlayaa???… War Madaxweynaha waxaa u dhiman hal sano iyo badh..

    Waxaa ka hadashaa markii doorashado ka dhimantahay lix bilood.. Hadda waxaad u hadlaysaa waa in aad khalkhal siyaasadeed ka abuurto PUNTLAND.

    Madxweynihee iimaanku ha ku deeqo..

    WA BILAAHI TAWFIIQ

  3. Inkastoo aan u jeedin shaqsi aan dhihi Karo maanta iyo beri wuu dhaamaa Deni (all are same cabre and would be appointed)….. hadana mudo kordhis waa wax aanu maanku qaadan Karin.

    In most cases too….the elected tend to believe they have a mandate to defraud and neglect those who elected them.

    Elected or appointed…. it’s the accountability that makes the difference. And none(accountability) exist in Africa let alone somalia.

  4. Dastuurka Maamul beeledka Maxamuud Saleman kuma jirto waqti Kororsi

    Waa wareegii
    Xaafadda Faroole iyo Wasiir Juuxa

  5. Gaas markuu joogayba wax qaban waa dawladiisa waxaa loo yiqiin fadhiid.
    Muxuu hadda soo kordhinayaa horeba wax u tari waaye.
    Ayaan daranaa Puntland.

  6. Waa aarsi waqtigiisa munaasab ku ah maadaama Deni kamid ahaa raggii kursiga Pudland markay u ordayeen Gaas ku eedayn jiray mudo kororsi,musuq baahsan,fadhiid dawladnimo,daabicista lacago foojari ah.
    DENI WAX KA DARAN WIXII GAAS LAGU EEDAYAY BAA DHACAY MUDO XILEEDKIISA.

  7. This phrase “democratization of Puntland” is quite hollow and one that is either being imposed on us from abroad for the sinister purpose of de-Islamizing our society or has been cunningly concocted by local politicians for their own dubious objectives. Which is it?

    If the democratization is intended to serve the interests of our society as per its original definition of governing in accordance with the will of the people, that is fine by us since this is a concept that was introduced to the world by our own perfect Islamic model of politics and governance.

    But if it is meant by copying the western lifestyle and culture at the expense of our own, then it is an unwelcome and totally alien model that is unacceptable to us.

    In reality, both the current warped 4.5 tribal system and the western-style democracy that are being trumpeted are a complete farce and non-starters for us Puntlanders. We are a society that boasts its own regional heritage and a royal model of self-governance that we ought to revert to as soon as possible to in order to fill the current yawning vortex.

    In essence, the western-style democracy that is being parroted and pushed for in Africa as a whole is one that actually befits a nation that is multi-ethnic, multi-faith, and multicultural. We are one of those whatsoever. We are a society that is 100% mono-ethnic, monocultural and mono-faith. So, what is the point of imposing on us a model that is completely unfit for purpose?

    If Puntland wants to achieve real success in all walks of life, it must at once discard the rotten and highly regressive 4.5 model and adopt its own historical model of a royal status. The major problem hampering Puntland’s political progress is the social disease of clannism, and that can be made to vanish at once by adopting our royal model which had served us just fine for aeons before the bloody foreigners disrupted it.

  8. Awlal
    British pepole halkan ma akhristaan ee afka qalaad naga yaree kk
    Dad badan inay fahmaan qoraalkaaga ayaa muhiim ah maaha inta ingiriiska fahmaya.

  9. @Dahir,

    Taladaadu way fiicantahay, laakiin waxaad sixun ulakuftay in aan English-ka British-ku kelidood kuhadlin e dunida dhammaanteed lagaga hadlo.

    English-ku xataa mid qur ah ma aha e wuxuu usii kala baxaa noocyo dhowr oo loogu kala magacaabo – tacliin ahaan.

    Waana dhibta maryooleyda ku gadaaman in ay uugu baxdo in qofka ay wax kasaxi rabaan amase wax ka dalbanayaan isku dayaan in ay hadalka ku duraan.

    Inta badanse, iyaga ayaa qallafsanaantooda iskuceebeeya sidaada. Waxaa kugu filnaa in aad hadalka sidan u dhigto.

    “Saaxiib, Afkeenna Hooyo faallooyinka kusootabi si ay dad badani u fahmaan murtida aad duulinayso”.

    Simples.

  10. MASUULSARE

    Habar dhali weeyday ALALAASE ku waalatay..

    The ground war is open if you are ready to fight in PUNTLAND. PRESIDENT DENNI is our president. He has 4 yrs mandatory and no one can fight his rights.

    Hadii aad tahay afko xoogli, dee halkaas ka dhawaaq sidee eeydii.. WAH..WAH..WAH.

    WA BILAAH TAWFIIQ

  11. Dadkan waan layaabaa lafahooda ayeey cadaab ku shidayaan.marka war la soo qoro ama lasheego.dhanka wanaagsan ka fiiri..ha xadgudbin inta aad isleedahey. Wax iska caabi.

  12. Madaxwayne Gaas wax xun ma sheegin kaliya talo odaynimo iyo masuul ayuu soo jeediyay waana ku saxanyahay, sidoo kale Madaxwayne Dani lagama maqal mudo kororsi una malaynmaayo inuu rabo balse hadii lasii wado dimoqraadiyada puntland macnaheedu maaha mudo kororsi waa muhiim in maamulka hada jiraa sii wado nidaamka asxaabta badan si ay hadhow sahal ugu noqoto xukuumada danbe e imandoonta inshAllah. meesha wax comments badan laga bixiyaa iigama muuqo ee dadkiina halkan iskawada jidbaysan caadi iska dhiga adeerayaalow balo majidhee.

  13. Ninka sheegtay in uu yahay “oday waxbadan og”, labo mid uun baad tahay.

    (i) Oday aan taariikhda iyo dhaxalka aan kawarramayo waxba ka ogayn oo iska burqaday.

    (ii) Xaasid dhaxalkaas gobta reer Puntland ka gubanaya ee aan jeclayn in lasoo hadalqaado.

    Waxaana caddayn buuxda u ah in aad dhaxalka sidaas u facweyn labo jiffood oo Cismaan Maxamuud ah kusookoobtay.

    Dhaxalka aan kahadlayaa waa kan ka askuman Saldanaddii Maakhir, Boqortooyadii Majeerteeniya, iyo Saldanaddii Garaaddada oo inta la iskudhaffay deeto Boqortooyada guud ee Daarood lagusaleeyay.

    Waa dawliil aad ugaweyn oo kasii qotodheer labada jiffood ee aad sheekaxariirta kumaqashay oo kusookoobtay. Waa haykal tolka reer Puntland iyo tolweynahooda guud dallad keliya hooskeenaya, sida qorshuhu yahay – Rabbi Idamkii.

    Puntland + Jubbaland + DDS + NFD: the most powerful SULTANATE this part of Africa and the world have ever witnessed – Allah Willing.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*