DAAWO: Aas Qaran oo loo sameeyay Abwaan Hadraawi

Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), ayaa maanta Aas Qaran loogu sameeyay qabuuraha baqiic ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Madaxda sare ee Somaliland, oo uu horkacayo Madaxweynaha Somaliland, Muse Bihi Abdi, Wafuud ka kala socotay dhulka Soomaalida, siyaasiyiin,  abwaanno, fannaaniin, qoraayo,  ganacsato, madax-dhaqameed iyo boqollaal kamid shacab ayaa ka qeybgalay Aaska AUN Abwaan Hadraawi.

Xubno ku hadlayey magaca wufuudda Aaska qaran kasoo qaybgashay ee ka timi dalka Jabbuuti iyo Ismaamulka Soomaalida oo halkaas ka hadlay, ayaa ka tacsiyeeyey geerida Abwaanka dhammaanba ehelladii iyo ummadda Afka Soomaaliga ku hadashaba, waxana ay marxuumka Eebbe uga baryeen inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Hadraawi, ayaa ugu horrayn tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada, asxaabta, qaraabada iyo qaranka Somaliland ee uu  marxuumku ka baxay, waxana uu ku dheeraaday shaqsiyaddii marxuumka iyo dedaalladii taariikhiga ahaa ee uu geliyey danta guud ee bulshada iyo sidii uu wanaagga tusaalaha ugu ahaa.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu marxuumku ahaa qaamuus aan qof kasta noloshiisa ka maqnaan karin oo loo adeegsado kaalmaha kala duwan ee nolosha, “Hadraawi qof kasta oo Af soomaali ku hadlaba waxan is leeyahay naftiisa ayuu kala hadlay, qof kasta oo qoys kastabana kamid buu ahaa, labada walaalaha ah, waalidka iyo labada is qabaa mid waliba murtida Hadraawi  dhinaciisa ayuu ka isticmaalayey,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

PUNTLAND TIMES 

3 Comments

  1. alla haw naxariisto,
    aamiin, aamiin
    inta af soomaaliga ku hadasha maxaa laga wadaa???
    dadkani soomaali maaha miyaa???
    malaha hadalka aadka layskula dhex maro oo leh dadkani waa oromo af somali baratay weeye ayaa sax ah!!!
    cida keliya ee adeegsata dadka af soomaaliga ku hadla waa cidaan oo keliya,, deegaanada af soomaaliga looga hadlo iwm…
    arrinkaan ha loo fiirsado

  2. Muuse, Marxuumka 1O sano ayuu sariir saarnaa, oo agtada
    ku dayacnaa,mantane God baa keligaa ku tuurtay, adoo u
    diiday Gacalkii booqan lahaa, iyo kuwii bud-dhigi lahaa
    maalin ka horna ubadkiisii xasuuqday.Fikrada aad soomali
    ku kala geyneyso waa danbi masaabax lahyn,oo naalintiisa
    sugaya, tii Ilaaheyna kuu dheer tahay,waxaase is weydiin
    mudan Shacabka sidii KOREA loo kala gooyay waxa ay fali
    doonaan.

  3. Wax Walba in La siyasadeeyo waa wax aan fucneen waxaa ay aheed in shacabka afsomaliga ku hadlaa in aan La Kala soocin, mamulka hargaisa waa isku dayey intii tabartuisa ah in umadaan wax Walba ka dhaxeyaan in u isku diro waa odoyaan gabalkoda si dhacayo oo cidkale dankalaheen mamulkii faqashtana ka tirsanaa abwankeena xagaan ayaan oga so duceynaa janatul furdowsa allaha ku abaal marsiyo ameen

Comments are closed.