DAAWO: Booliska Puntland oo khamri fara-badan ku qabtay Bursaalax

Ciidanka Booliska Puntland ayaa ku qabtay degmada Bursaalax ee gobalka Mudug khamri fara-badan, oo laga keenay dalka Itoobiya.

Khamridan oo ka kooban 30 kartoon ayaa lagu qabtay howlgallo ay sameeyeen Booliska, waxaana sidoo kale Ciidamadu gacanta ku dhigeen gaarigii uu waday oo uu noociisu ahaa NOHA.

Maamulka degmada Bursaalax, Saraakiisha Booliska iyo waxgaradka ayaa ka qeybgalay fagaare lagu burburiyay khamridan, iyagoo boggaadiyay Ciidanka Booliska ee soo qabtay.

Booliska Puntland ayaa dagaal adag kula jira maandooriyaha khamriga iyo xashiiska, oo laga kala keeno koonfurta Soomaaliya iyo dalka Itoobiya.

PUNTLAND TIMES 

6 Comments

  1. Oo maandooriyashaasha qaarna miyaan rumaynaynaa oo ka ganacsanaynaa (Qaadka), qaarna miyaan beeninaynaa oo la dagaalamaynaa?!

    Waxaa igu maqaalo ah in waayadii hore ee kacaanka & kuwii ka horeeyeyba aynu lahayn warshado soo saara noocyada kaladuwan ee khamriga, oo weliba si caadiya baararka loogu iibin jiray!!!

    Haddaba, wax micna ah ma samaynayso in qaadkana la fasaxo, oo waddamada Yurub & Maraykanba mamnuuc ka ah, khamriga & xashiishadana la mamnuuco. Waxa kaliya ee ay taasi muujinaysaa caddaalad darada Soomaalidu heerka ay gaadhay, xitaa mukhaadaraadkii bay u kala eexanayaan.

    Gunaanadkii, maandooriyayaasha halla wada mamnuuco ama halla wada fasaxo.

  2. Ma xitaa Bursalaax ayuu fasahaadka gaaray??
    Wallee waa aduunyoow xaalkaa ba’.
    The best prevention of this sort of fisiq is capital punishment.
    Wadaadadeenana beerka xiidha ayay iska cunayaan.

  3. Marar hore ayaan anigu caddeeyay in ay Puntland isku badbaadin karto oo keliya iyada oo markahore nacasnimadan “dimuqraaddiyadeynta” lagu sheegsheego iskaba illawda, marka xigana nadaamkan 4.5ka iskxoorta oo qummaati uhaybsata nadaam ay iyadu leedahay oo dhaxalkeeda sooyaaleedna katarjumaya.

    Qaar badan baa igulayaaba oo xataa iguqosla marka aan sidan kutalinayo, laakiin waxaa sixun useeggan in aanay bulsho abidkeed hanan karin iskudheellitirnaan nololeed ilaa ay marka ugu horreeya yeelaalato aydiyoloojiyad rasmi ah, qaddiyad sugan oo laga soohday, iyo nadaam ligan oo labadaas laga askumay ee ay ku dul qotonto.

    Baahiyaha iyo duruufaha adag kasokow, sababta kale ee ay Puntland falal-dembiyeedyada noocan ah ugu baahayaan ayaa ah in ay ka jirto xurriyad taam ah iyo xuquuqul-isnaanka oo si taxaddar leh loo dhowrayo. Bal iyada oo “dimuqraaddiyadda” Galbeediga lagusii dabbaqay kawarrama heerka, xawaarka, iyo xawliga uu fusuqu ugusii xidideysan doono?

    Nadaamku wuxuu u sahli lahaa in ay Puntland haleesho jiho uu hayaankeeda masiirigu cagta qummaati u saaro oo ay qorshayaasheeda dowliga iyo dhaqaalahaba kusaleysiisato oo kagana miradhaliso. Waxaa kale oo usuuroobi lahaa in ay degsato Gardhe adag oo Shareecada iyo sharciyo ay iyadu sameysatay ka unkan oo ay si xariir ah iskugu dhaqdo oo fusuqana iyo fasahaadkana iskaga caabbiso – iyada oo aan Xamar iyo Soomaaliyaba sugin oo waxna uga baahannin.

    Waxa hadda fusuqan iyo fasahaadkan kusababay waxaa weeye in ay tashan kari wayday, dhanna udhaqaaqi kari wayday oo waxba qabsan kari wayday maadaama inta ay qarannimada Soomaaliya qummaati uga hirgelayso iyada geed loogusii dabray. Haddee, dhibtu waxay tahay in inta Xamar loo yuururo ay baahiyaha iyo duruufaha sii adkaanaya kayeeli doonaan in ay fusuqu iyo fasahaadku qarqiyaan oo ay dabaqabasho xataa haleeli kari waydo berri-ka-maalin.

    Talo adiga ayaa ku nool e iyadu kugu ma noola. Haddi aad tashan waydana waa laguutalin.

  4. HILLAAC. Waan kugu raacsanahay 100% fikirkaaga
    Anaa kaaga markhaatiya in xitaa mukhaadaraadkii loo kala eexanayo. Maxaa noo haray oo aan dhawrannaa illeen sharafi dhimataye diin iyo dhaqan suubanna meesha laguma hayee!!!
    Ma soconayso in reer maqaanna la yiraahdo cuna daroogadiinna waa idiin xalaaleh. Reer cabtooyna la yiraahdo khamradu waa maandooriye oo waa mamnuuc. Reer xashiishna laga mamnuuco nacastooda
    Adeerrayaal ma soconayso bakhtiga ma cuno laakiin fuudkiisa waa cabbaa!!!!! Waa in dhammaan xaaraanta iyo fusuqa la wada xarrimo dhammaan faasiqiinta laga tirtiro mujtamaca ama daaya cabtooyda ha iska rakaateen khamradooda

  5. wareer khalafow,biciidayahanow,leekasow,rer maxamuudow rag rag dhalay baad aheeydeen maxay tahay waxa dhulkiina laga sheegayo ma waxaa maqasheen lacgbaa lagahela reer badiye waa dhacda qof islam waxba ku dhimin inaad udish aano qabiil sidaas cadabkugal
    lakiin shaqa makhnuud waad ka dhiman jirteen ma dabasali iyo makhanuud dhulkii gobta khamriga,jaadka iyo mandoriya ha laga isticmaalo zio lacgn lagama hele just dumar ayaa lagu barta iyo zinada.Dadka reer badiya waxaa lagu soo xera geliya lacgbaa laga hela warsangeli waxaa lagu soo xerageliye geerash gabdah cascas qoor dhaardheer barna manta waa meesha ugu khamiri jaad darag badan gobtii reer boqor halaagaas ayaa udameeye dhulbahante waxaa lagu soo xerageliye waa xoor geel waxaan suugin sanada dhow reer buursalaxow wax ini ka yaabiya arkidoonta waayo shaqo sheedaan waxa kas socda dhulkiina

  6. looley
    maxaad sheegaysaa xayawaana…
    naa naga aamus afka qirim lagaa siiye
    bal dib isu aqriso xayawaanadyahay..
    waxaas oo miiran baa qoraal nagu bartay bal waxay sheegayso arka saqraamadani.. adigana loleey gogol dhaafkaan kugu nacay…

Comments are closed.