DAAWO: DDS “800 ayaan ka dilnay maleeshiyada Ururka Al-Shabaab”

Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa shaaciyay in boqolaal kamid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ay ku dileen dagaalo ka dhacay xaduudka deegaanku la wadaago goballada Bakool iyo Hiiraan, kadib duullaan ay ku qaaday Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka gaarka ah ee dawlad deegaanka Soomaalida General Maxamed Axmed ayaa markii u horaysay ka warbixiyay khasaaraha rasmiga ah ee ay kooxda argagixisada Al-shabaab u gaysteen.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ka dileen maleeshiyada Al-shabaab in ka badan 800 oo dagaalyahannadooda ah, kuwaas oo 24 ka mid ah ay ahaayeen horjoogayaasha Al-Shabaab, isla markaana ay qabteen maxaabiis dhan 92 qof waa siduu hadalka u dhigaye.

Ururka Al-Shabaab ayaa dhankiisa sheegtay in boqolaal kamid ah Ciidanka gaarka ah ee DDS “Liyuu Booliska”, ay ku dileen dagaalladii dhacay todobaadyadii u dambeeyay.

Ma jirto ilo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada labada dhinac.

PUNTLAND TIMES 

5 Comments

  1. Dorraad, waxay sheegteen 240 shabaab in ay dileen
    Shalayto, waxay sheegteen 400 shabaab in ay dileen
    Maanta, 800 shabaab in ay laayeen
    Malaha shabaab cayayaan sun lagu buufiyo ayay moodeen
    Kkkkkk
    Mise DDS waa ay isku maaweeliyaan Warkaaaaaan

  2. WADAAD

    KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK Adi ma ALSHABAAB maa tahay..

    cajeeeeeeeeeeeeeeeeb

  3. Waxaa la yiri hadaad Been sheegi mid run u eg sheeg.
    ALSHB ciidankooda Gaalada waxay ku qiyaasaan 5000-10000 across Somalia. Hadii Ethiopian ka dileen 800,waxay ka dhigantahay in laga dilay(8%-16%) Dhowr maalin gudohood.Maalin dhowaydna waatey dheheen 3 madax sare ah ayaa dilnay oo u dhigmato atleast 30% of madaxdooda Sare.
    DDS Waar propagandada iska hagaajiya.

  4. Suaasha haboon in leysweydiiyo ayaa ah, waa ayo dadka la dilayo ee lagu sheegayo argagaxiso? Caruurtii Somaliyeed waa la dhameeyey. Somaliyeey qoryaha dhiga sharciga qaata.

  5. What is a Political racism?
    They called you a terrorist.
    They call you alshabaab.

    Stop calling the people of Somalia and our beloved country a racist.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*