DAAWO: Mukhtaar Roobow, Muxuu ka yiri ceyrintii Danjire Nicholas Haysom?

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta XFS, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu Maansuur ayaa ka hadlay ceyrintii Wakiilkii hore ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Haysom ayaa dawladdii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dalka ka ceyrisay 2019kii, kadib markii uu dhaliilo adag u jeediyay DFS, kuna eedeeyay masuuliyadda dadkii lagu laayay magaalada Baydhabo intii uu socday bannaanbixii looga soo horjeeday xariga Mukhtaar Roobow, oo laga soo qabtay Baydhabo, December, 2018kii.

Wasiir Abu Maansuur ayaa mahadcelin u jeediyay Nicholas Haysom, oo uu sheegay inuu ka dhiidhiyay dulmigii loo geystay, isagoona xusay inay kulmeen dhowr jeer intii aan la xirin.

Roobow oo khudbad ka jeedinayay maalmo kahor munaasabad lagu soo dhaweeynayay sii deyntiisq iyo xilka loo magacaabay, ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay bannaanbaxyadii looga soo horjeeday xarigiisa ee ka dhacay Baydhabo.

Xarigii ay kula kacday dawladdii Farmaajo ayuu ku tilmaamay dulmi loo geystay, waxaana uu u mahadceliyay cid kasta oo kahor timid.

Abu Maansuur oo soo noqday Kuxigeenka Amiirka Al-Shabaab, ayaa sannadkii 2017kii isku soo dhiibay DFS, kadib sannado uu dagaal kula jiray Al-Shabaab oo is qabteen Amiirkii hore Axmed Godane.

PUNTLAND TIMES 

7 Comments

  1. Muqtar Robow hadii nin Gaal ah ugu mahad celinayo xarigiisa, xagee buu ku sheegay umadii uu xasuuqay ee uu shaati diimeedka u gashaday? Ardadii Hotel Shaamow ma la su’aalay? Ninkaan in Wasiir laga dhigo ma aysan ahayn. In Danbigiisa lagu qaado ayey ahayd. Lakin Somalidu Kan laaya ayeyba Darajo siisaa oo hiiro ka dhigataa. Bal eeg Cabi Qaybdiid, Muse Sudi Yalaxow iwm oo Parliament dhex fadhiya…. subhanalah.

  2. SALAAMU CALEEKUM

    Maantay maxaa ka taagan MUQDISHU oo aadan ogeyn???????

    Labo berri ka hor, waxaa deggada ku soo xirtay MUCAAWINO ka timid dalka UAE, oo loo waday dadka abaaraha ay haaystaan..

    Isla markiiba, waxaa warqad la soo buuday CABDISHAKUUR, ergigia gaarka ah ee XASAN DHIIQO, oo ku leeyahay sidaan:

    +++++ Waxaano kala wareegnay safiirka UAE macaawino gaaraysa 40 KONTAINER oo deeq raashin ah.. waxaana u qoodaynay: HIIRSHABEELE, GALMUDUG IYO SOUTHWEST++++

    Hase yeeshee, macaawinadii, waxaa bloog saaray Xafiiska Raisul Wasaaraha, waxaana ay soo saareen, warqadaan:

    “”” Xafiiska RAISUL WASAARAHA, waxaano kala wareegnay Safiirka UAE, mucaawino raashineed oo dhan (90) KONTAINER, waxaana loo qaybin doonaa dhammaan ummada shacabka soomaaliyeed, sida loo kala baahi qabo”””””…..

    Hadaba, maxaa idiin cadaatay:

    KOOW: Waxaa cadaatay in CABDISHAKUUR uu rabay in uu dhaco, 50 KONTAINER oo raashin, halka uu ku dhawaaqay oo keliya (40) KONTAINER.
    LABO: Wuxuu rabay CABDISHAKUUR in uu u qaybiyo (40) KONTAINER HIRSHABEELE iyo GALMUDUG, iyo magac u yaal SOUTHWEST.

    Intaase waa intuu rabay CABDISHAKUUR…

    Maxaa ka soo baxay XAFIISKA RAISUL WASAARAHA

    KOW: In raashinka uu la wareego XAFIISKA RAISUL WASAARAHA, Guddina loo saaro qaybiya.
    LABO: Raashinka la keenay wuxuu dhan yahay (90) KONTAINER ee maha sida uu sheegay CABDISHAKUUR.
    SADDEX: Xafiisku wuxuu wacad ku maray in raashinkaas la gaarsiiyo dhamaan dadka baahida u qaba, iyadoon qabiil loo eegin.

    Sidaas markii ay dhacday, CABDISHAKUUR wuu cararay XASAN DHIIQO uu hoosta ka galay, oo yidhi, shaqadii baa la igu farageliyey..

    XASAN DHIIQO, tallo ayaa ku cadaatay… waayo, in uu lumiyo ma rabbo kalsoonida RAISUL WASAARAHA, isla markaasna wuxuu rabaa in uu awfiyo ballantii uu la galay CABDISHAKUUR, oo rabo in uu dhaqaalaha abaaraha wax kala soo baxa..

    Arrintaase halkaas beey taagan tahay, waana la socondoonaa kii guulaystaa, CABDISHAKUUR mase XAMSA CABDI BARRE.

    LOO JOOOGEE waan la socon doonaa

    WA BILAAHI TAWFIIQ

    • Kabahaaga iska tolo, sidii lagu yiqiinay reer Baraawe.
      Siyaasad Faradheer iska illow. Tunni u ekow.

  3. soomaalida waxay tiraa labadii ceeriin ku qaysata biseyl isuguma yimaadaan,marka mudane xamsoow , wixii jeeb geli kara boorsana ay qaadi karto oo cadaan ah (cash) ah iyo wixii jeeg ah (check) sidii madaxweynahu uu rabay u yeel. inta hale ee mood ah (food stock)ag hal kiilo xaquma laha kkk!
    hadii laga fursan waayo xaq waxaad u leedagay in aad wasaaradii la baabuyay soo nooleeyso kkk

  4. Ar waxaan la yaabay sida maska rooboow u hadlay, oo uu iskugu tilmaamay dulmane, dhibane, iyo mid lagu xadgudbay, ka dibna uu ugu mahad celiyay gaal wasaqa, iyadoo la wada ogyahay real face of snake (venomous viper ) rooboow,

    Laakiin inagu weynu ognahay qofka uu yahay iyo waxa uu geeystay, rooboow waa halaq, mas, bahal, argagixiso, wahaabi, maan qaloociye, dad dhumiye, dad laaye, lidka soomaalida iyo muslimiintaba.

    Waana cadowga koowaad ee umadan, ee waxba tari meeyso waan isi soo dhiibay, kadib qilaafkiisi ina godane nacladi dushiisa allaha yeelee, iyo argixixisadiisiiba, waana la ogyahay in qalbiga, iyo maanka mugdigaa ee maska rooboow sidiisii yahay, uusan ka qoomameen, ka hadlin, is xusuusin,khaladna uba arag, dhibtii, xasuuqii, iyo galeeyntii umadan muslimiinta ah, iskaba daa in uu raali gelin ka baxshee.

    Umadan soomaliyeed wexeey ubaahan yihiin cadaalad, kuwii xasuuqay, hada waa u madax, kuwii burburiyay qarankana waa u halyeeyo, gaaladu waa u saaxiibo, carab al xaasidiin (khaliijka iyo caraboo idil) waa u wallaalo iyadoo la ogyahay in carabi walaalnimo iyo saaxiibnimo midna gelin, ee allah baa umaqan umadan, ee allaha qalbiga u fiiqo, kadib markeey ka indho beeleen, allaha wax baro ka dib jaahilnimadoodan , allaha cadaalad siiyo, oo allaha ka badbaadiyo dhagarta, iyo weerardan cadowgan ( maska rooboow, shabaabul shayaadiin, daacish al mujrimiin, carab al xaasidiin, amxaar, itoobiyaan keenyan, maleeshiyo beeleedyada, burcada, tuugada, ciyaal weerada, is toleesiga, fikirka wahaabiga, ikhwaanka, takfiirka, tabliiqa, cilmaaniyiinta, gaalada, kuwa abaarso ka buuxa, shiicada, munaafaqiinta, basaasiinta, gooni u goosatada, xaasidiinra daneestayaasha eey ugu horeeyaan madax goboleedyada, gumeystayaasha, gumeysi soo hor kacayaasha lugjar laftagaruun iyo cadawoo idil).

    Allah baa noo maqan.

  5. Hiraab

    Lama hubo in aad tahay Hiraab….laakiin kasoo qaad in aad tahay.

    Hadii aad hiraab ku abtirsato….been kamaadan sheegin inta “khalad iyo iilta ah” ee aad soo tirisay ee ku habsatay umada somaaliyeed. Laakiin iil iyo khalad ayaad Adna lugaha kula jidhaa oo soomali ayaa awalba maahmaah ka bixisay shaqsiyaadka adigoo kale ah….Maah-maahdaas oo ah‐——— “Fiqi Tolkiis Kama Jano Tago”.

    Maankaagu iyo ishaadu wey arkeen khalalaadkii iyo dulmigii horay u dhacay… laakiin ma arko mida uu hada iyo horaale uu u gurguuranayo ina gurguurte

Comments are closed.