DAAWO: Shacab careysan oo dhagxaan la dhacay Wasiirka katirsan Somaliland

Shacab careysan ayaa weeraray Wasiir ka tirsan Somaliland oo ka qayb galay aas loo samaynayay dadkii ku dhintay bannaanbaxyadii ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland, Siciid Sulub ayaa la kulmay dhagaxtuur kaga imaanayay shacabka, iyadoona ilaalada Wasiirku ay bilaabeen inay rasaas ku fureen dadka.

Wararka ayaa sheegaya in dhaawac uu kasoo gaaray Wasiirka iyo ilaaladiisa, sidoo kalena garaafo ay soo gaartay gaarigiisa.

Xukuumadda Somaliland ayaa ballanqaaday bixinta magta dadkii ku dhintay bannaanbaxyada Somaliland, go’aankan ayaana keenay in saaka la aaso dadkii ku dhintay rabshadihii Hargeysa.

PUNTLAND TIMES 

28 Comments

  1. Waa meesha kaliyeeto caalamka kii ku dilay duugtaada ka qayb galo waxna ka cuno waaba haddii ciddu awoodee.

    Eelka kii dhigay u ergootooy. Ka warama askari lagu amray dadka laay anaa magtooda dhiibaayee!!

  2. Somali aka Amxaar

    Maxaa ku dhex dhigay somalida Xorta ah,
    Adigu gumeysiga adoonka madow Amxaarka baad la daaqdaa masterkaaguna waa Amxaar dad ugu liita ceebay kugu tahay inaad dad somali xor ah ka dhex nacnacleeyso orod is xoree marka hore markaa kadib ayuu kaftanku kuu furan yahay Doqonyahow Jaafida Amxaarada ka dhergey, waar Xaabada iyo Rarka si fiican ugu qaad Mastarkaaga Yaa Gumeysi Dabaqoodhi kkkkk,
    Gumeysi kalkaal
    Kabahana u baalashee
    Gumeysi u rufiyaan
    Gumeysi u nacamlee
    Subxaanalaah walaahay waa wax laga yaqyaqsoodo,,
    Intaaba Doqon Cagheer iyo Ilma Dowlad ku nool ayaa caan ku ah kkkkkkkkkkkk,

    Waar heeryada gumeysiga sida oo sida oo yaanay idinka Dheeliyin

    Shame on you Yaa Ciyaala Gumeysi Ku hoosnoolayaal,,

  3. “Somaliland”-tii ay SNMtu dhoodhoobaysay 31kii sanadood ee ina dhaafay way idlaatay. Dabkii suuqii Waaheen la qabadsiiyay, toogashadii shacabka mudaaharaadyay, xabsi gelintii saddexda nin ee Gar-Xejiska ah ee “basaasiinta Muqdisho” lagu shaabbadeeyay, iyo rasaaseyntan aaska ka dhacday giddigoodu waa dhacdooyin caddaymo u noqonaya in rejiimkaasu galbaday.

    Geyigaasu hadda wuxuu ku suganyahay marxalad aad u qariibsan runtii, maadaama uu kadhex laalanyahay taliska SNM ee fadhiidka ah iyo wakiillada sida rasmiga ah heerka dowlad goboleed ugu matalaya dowladda federaalka. Waa geyi ay labo maamul ka wada talinayaan, mana aha wax socon karaya.

    Dakanihii kama-dambeyska ahaa hadda ayuu Isaaqa kala dilay oo kasoo noqosho dambe maleh sida ay saadaashu u dhacayso. Waxay beesha caalamku haatan ka munaaqashoonaysaa siyaabihii Isaaqa lagusii kala badbaadin lahaa oo nadaaka dowladeedna si dhibyari ah loogu wareejin lahaa wakiillada geyiga federaalka uga tarjumaya ee uu shacabku soo xushtay.

    Siyaasiyiinta Gar-Xejisna jaa waa laga laheshiiyay inay sameeyaan “transition”-ka beesha caalamka Hargeysa uga qorsheysan marka ay doorashada loo madlanyahay kusoo baxaan – sida loo badinayo ee lagana rajaqabo.

    Kheyr Ilaahay ha uugu dhammeeyo, waxaanse lahubin sida ay tujaarta iyo maqaawiirta Habar Awal ee qaddiyadda goonni-isutaagga SNM 32kaa sanadood soo naasnuujinayay oo soo daaddaheynayay u aqbali doonaan in nadaamkoodu sahal uga burburo.

  4. Beensheeg

    Awalna INGIRIIS baad dabada udhiqi jirtay hadana axmaarkaad sheegtaad usujuudaa, mawaan wakiil-axmaar kuu talin oo looga talin xero axmaar, hadaadan kaba sii liidanba.

    Dal lahaysto iyo mid xoraba lagaa badan.

  5. Walle SNM ABAARSO_LAND war baa ka taagan, waa kuwaan isaqii is daqrayee, burburinayaana jamhuurayadi magac uyaalka eheed ee SNM, ee maxaa u haray nimankaa hadda, aan eheen in eey soo hooy noqdaan (soomali calalala uus gees ka raacan), joojiyaana dhul la baxsigga aanan meelna gaareen, iyagu (snm_ta) waa kuwa keliya soomaali ee dhiig ka nastay, balse hadeey u ooman yihiin, ee haday rabaan hoog iyo colaad, soomaali lee tihiin ee iyaga lee gees ka raaca.

    • @ Hiraab,

      U dhig magaca dadka sharafta leh ee hiraab,
      Ku kalsoonoow magacaaga Xun ee Faqash NEDELYAHOW Gumeysi kalkaalka ah,

      Gobta hawiye hakaga xaarin magacooda sharafta iyo qiimaha leh,

      Viva Dowlaha xorta ah

      Somalia
      Somaliland
      Jabuuti
      Viva Walaaha Irirsamaale,

      Waar faqasheey haka nixna markaad aragtaan walaalaha irirsamaale oo yara faqaya kkkkkkkk

      @ galbeedi Aka Amxaar,
      Sorry jawaab ma lihid Mastarkaaga kasoo amar qaado marka hore inaad dadka xorta ah bal One hour ama saacad Shaah lasoo cabi kartid,,

      Waar heeryada sid oo sid Xaabadana ku dar oo kabahana Amxaarka si fiican ugu baalashee kadibna DAAFIDA ka dhereg kadibna Waxaad tidhaahdaa AGA AWOOWGAA LA GUB Amxaarku wanaagsanaa kkkkkkkkkkkk,

      • Runsheeg Iidoor ku waa geedka inuu geed iskunaro maahane aan gaar u istaagi karin goorta ay nafta u yaabaan ayay irisamaale ku carartaa war ku kalsoonow waxaad tahay inangumeed yahow inangumeed ku dhalay Daarood xaga Jig jiga 30 km bay kuu jiraan Burco hadaad bari u dhaaftana waa kaa xigaan lulumo ceel ku jidhaad tahay laangaab ah Harti lafta ugu yar xitaa ma leekid. Tan kale suuliland maka quusatay inay shaqaynwaydayna waa adigaa qirtay. Waxaa Illah mahadiis ah 32 ka dib in gidaarku kusoo ceshay oo aad raadinayso qabiilada Somaliya dega mid aad ku tiirsato ileen kaligaa meel isma taagi kadhide. Waxaan kuu sheegayaa ama kolba qolo sheego ama Oromo ugal Daarood geeska Africa iyagaa leh.

        • Ibrahim
          Waa runtaa Federaalka Soomaaliya, Somaliland, Jabuuti Daarood ba leh.
          يالك من كذاب ما يستحي

    • Hiraab
      The strange thing is that the Isaaq people do not interfere in the affairs of other Somalis, because they are not born to be jealous. We are born to be the first in everything, this is clear how Somaliland was before and how it is now. We are not born to be jealous. We are born to be the first in everything, this is clear how Somaliland was before and how it is now. ( عمى في عينك)

  6. Khaalid, intii dhimatay ALLAHA U NAXARIISTO inta DHAAWACAN ALLAHA U BOOGA DHAYO,intii ku HANTI BEESHAY, ILAAHAY HA CAYMIYO, WIXII DHACAY, Shalay dhalatay ha laga dhigo,sabata
    waa kugu dhimay oo kaa dhimay.waxaana sababay wax ma garato.
    ASKARIGA CAQLIGIISU GARABKUU U SAARAN YAHAY SIDA QORIGA.laga
    soo bilaabo Hasan keyd ilaa Biixi ayagoo Midnimo diid ah Wbt

  7. Marka maanka shaqayn waayo waxaan oo kale ayaa dhici karaa markaasaa shacabka rasaas lagu layn.what wasiir?masaakiinta abaarta dubatay ayuu ku jees jeesi. SOMALI WORLD SPRING MUST START AND KICK OUT the CRIMINAL CARTELS. ILLAAHAYOOW SHACABKA MASAAKIINTA AH KA DULKQAAD DHIBKA.

  8. habaryoonis iyo habargidir labada qolo ayaa somali loogu dawgalay laba habaaran walaahi fitinkooda iimaan xumadooda somali qaxooti baday waa qanii waa dhiiqle waa quruna qabyaalad waxaan aheeyn kama shaqeeyaan habarawal iyo habarjeclo waa nasb nasab dhalay ufiirso meesheey degen yihiin habarawal muslim oo dhan ayaa ku nool waxeey lamid yihiin abgaal dulqaad kooda xamar lagu jooga hargeeysan dulqaadka habaawal lagu jooga Bixiyow habaryoois dadka haku siideeyn dulqaadkiinii haybdinii maatada ku maamul dagaal xal ma’ah derskaaga iyo shabkaagu nabad ku soo dabaal fitankooda iyo qabyaaladood khasaaro waxaan a’aheeyn laga dhaxlimaayo

  9. Asha

    Huuno

    HG iyo HY maraan aheyn
    Siyaad Barre ayaa Diinta ISLAAMKA idinka saari lahaa, waa ninkii NASAQEY suurado Quraan ah, kadibna dilay Wadaadadii Diiday.

    Maraan HG iyo HY aheyn
    Axmaaro ayaa sida Shimbirtu u gurato Haruurka idiin guran laheyd,
    America warkooda daa.

    Haddaad tahey Irir waxaad tahey
    Doqontu Walaalkeed ayay u Daab weyntahey

    Haddaad tahey Jeberti waa gartaa oo xaqbaad u leedahay hadalkaas.

    Qorshahana ku darso anigu maahi
    HG iyo HY midna.

  10. Sida aan qabo ASHA waa qof wax badan og,dhibka ay
    sheegtayna waa wax jira,oo dhiigii baa yaal xamar
    iyo hargeysa, soomaalidune wax ma moogam sideedane
    umulisada iyo qof weyn sidey wax u arkaan uma sheegaan
    in badan baa u qarsan. hadaba yaan la af jaxuunsan,
    Habruhu dab yar ma shidaan(Godane iyo Daahir Awees)
    ayaa tusno noogu filan. wbt

  11. Issa

    Ninka dhiiga ugu badan ku daadiyey Hargeysa waa Moorgan,
    garmiyaa in loo qabsado Majerten oo ayaguba ahaa Victims of Siyaad Barre.

    Sidoo kale dhiiga ugu badan waxaa Kismaayo ku daadiyey MOORGAN, asagoo markaan xasuuqey Daarood kale.

    Odayaashii Harti ee lagu Xasuuqey Kismaayo, ma waxaa xasuuqay HG iyo HY.

    Waan ogahey inaysan aheyn dambi la’aan
    HG iyo HY, laakiin Soomaalida kale kama dambi badna.

  12. Issa

    Godane wuxuu ahaa – Arab
    ee maaheyn HY

    Xassan Daahirna
    Waa Xaskul Hawiye ee maahan dhalasho HG
    sida dhabtaa.

  13. Maalinkasta in qaladaadkii 30 sanadood hortood dhacay ee sixunna loo wada eeday la isu xagxagto waxay nagu tahay nacasnimo iyo jibjirnimo aad u xun runtii. Aadmigu marxaladdaas way soo wada maraan oo inta casharro dhaxalgal ah ka qaataan ayay hore ugasii gubdaan.

    Wadciga maanta Geeska Afrika ka taagan waa mid ay siyaasaddu dib ugu saldhiganayso danaha masiiriga ee qowmiyad walba ka tarjumaya. Nadaamkii kelitalisnimo ee awal hore waddamada Geeska Afrika qowmiyadaha isku jacburinayay oo dhakadana iskaga taagi jiray haatan mandaqaddan wuu kazuulayaa. Waxaa baaqi ah oo keliya dawaaqiidda Jabuuti iyo Eritreya oo iyana kawaanka saaran.

    Haddiiba ay xaajo gaadhay heer ay qowmiyadda Canfarta ee kamid ah labada aynu Geeska Afrika dad iskugu xigno danaheeda qowmiyadeed u tafaxaydato, waxaa lagama-maarmaan noqday inay qowmiyadda Soomaaliyeedna doqonnimada ragaadisay ka ilbaxdo oo danaheeda qowmiyadeed garato oo iskuna gacansaarato.

    Maanta xaajo way dhaaftay reer hebelnimadii 30kii sanadood ee inaga khasaaray la isku ximin jiray oo la isku xasdi jiray oo la isu kala qoqobi jiray oo la iskuguna abtirin jiray. Maanta dhiidii iyo Soomaaliyeey kaca ayay maraysaa.

    Maanta abtirsigeennu waa SOOMAALI MAXAMED BIN UMMAD NABI. Ku hambaabira waxa hareeraheenna ka socda oo kuna baraaruga inaysan maanta Soomaalinimo inooga sokeynin. Doodaha kuwadaaga sidii aynu Saldanadda Qowmiyadda Soomaaliyeed u dhisan lahayn inta aydun casri madow oo galbaday aawadii gorodda iskugu la jirtaan.

  14. Khalid,iyo Awlal
    Run ahaantii waa Dood aan muddo sugayay oo aan Rabay inaan ku forumka dhismo walba oo dal xasuuq ka dhacay
    dib loogu Yagleelon waxaa bilaaba wax garadkiisa, ayagoo
    oo kal iyo laab u qaadaa dhigaya UTUNTII Dhalisay, ka dibne xurmo,xaalmarin,tanasul iyo damaanad qaadid,lagu
    Duceysto, Arrimaha ma dhicin waxaana seeta dheereeyay
    Dagaalka Al-Shabaab oo gacan ka helaya meelo kale iyo
    Dawlad walba oo dhalata oo Xamar ku sanbiriiriqaysa oo
    ku dhineysa, taas oo dugsaneysa Danbiilayaal Moqdisha
    caasumadii Gabaad ka dhigtay, kuwaas oo ilaa iyo maanta
    ay ku maqan tahay hantidii ma guurtada ahayd ee ummadda
    Soomaaliyeed caasimada wada deganaa. kii ku doodana
    ku maqan yahay oo lagu dilay GURIGIISIINA KU DHEX DUUGAN
    Hadane Caasimadii dad gaar ah oo aan u dhalan sheeganayaa ayagoo u sameystay Gudiyo aan dadkii u tiro badnaa sida ABGAAL ay san ka warqabin sida oo ka been sheega BEELAHA HAWIYE kuwaas Danbiilayaalkii hantida iyo dhiiga qabay.Dawlad walba oo Dhalata waxay kari la-dahay inay doonto Dhulkii Dawlada Waxaana u danbeeyay codsigii dhismaha wasarada batroolka Anigu ma qabom in xal loo helayo dhibkan 3O jirsada oo ay ka danbeeyeen:=Talo xumadii Markii Siyaad tegay kuwii dadka xasuuqay, Ciidankii oo hubeysane kala diray Daahir awesne Tabliiq Waqooyi,iyo puntland u tegay kadib Godane Koonfurta u soo diray raxanahaas oo aan sidii Daba ari loo rogin daawo ma leh (Rageedeyse Sugeysaa) Ujeedka forumka waa (AAM WADDA HADALNO, OO HISHINNO)

  15. Issa

    Si fiican ayaad ku bilowday laakiin gadaal ayaad ka sambariiraxatey

    Kow qabiil dhul uusan laheyn heysto waxaa ka jiro Ogaadeen oo dhul Hawiye xoog ku heysto

    Labo qox xoog kuri looga heysto hadda majiro, Xamar anigaa joogo, dad yar oo haystana sikasto u furdaamiyo

    Sadex gurhii Dowladda ee ay deganaayeen shaqaale Soomaaliyeed oo isku jiro, ha sugin. Xamar kama jirto dowlad Shuuci ah.

    Ugu dambeyn Dalku waa Federal ee ninkasto Goofkiisa ha iimaansado,
    Parliament iyo Villa Somalia iyo Villa Hargeysa Mogadishu ayaa naga dhaxeeyo.

    Sharci dhigahayo in Caasimadda la wada maamulo majiro, laakiin waxaa jiro sharci ah in lagu wada noolaan karo.

    Wixii dhacoo dhan waxaa ka masuul ah Dowladdii Kacaanka iyo dadkii difaacahayey.

    Sida Alla Waaxidkaa iiga marqaatiyahey
    Qof madilin waligey
    Qofna horteyda Laguma Dilin
    Guri dadleeyaheyna maheysan waligey
    Laakiin anigaaba la iga heystay
    Sida Allaha Waaxidkaa igu ogyahey.

  16. Sida dhabtaa

    Habargidir iyo Ogaadeen waa Reality maanta Somalia yaalo.

    Waa jiraan mar uu Abgaal ka sheegan jiray Xamar Habargidir

    Sidoo kale waa jirtay Waqti ay
    Majerten ka sheegan jireen Kismaayo Ogaadeen.

    Maanta Xamar DHAQAALO ahaan iyo wax qabad ahaan Xamar laguma dhaamo

    Ogaadeena dad ahaan iyo Hanti ahaan
    Kismaayo laguma dhaamo.

    Yes Xamar waa Goof Mudulood laakiin kaasi waa Taariikh ahaan.

  17. Khalid, mahadsanid \dood walba dan bey dhashaa aan noqono labbo
    wada dhisataariikh ahaan waad la socotaa, wixii ka dhaxay MALAWI
    iyo sida ay maanta tahay, Nadxafyo iyo musyoom ayaa lagu daawadaa
    8OO.OOO ruux lafahood.waxaan ka doodayaa ruuxa walba inuu is
    garawsado raaline bixiyo. wixii wax dilay hawiyey ahaayeen
    magaalad xasuuqu ka dhacayna waa xamar oo caasimad ah oo lagu
    dhamaa wixii dhaxayne wax lagama soo qaadin sidaadoo kale,waxaad
    ka soo qaaday wixii Ummada soomaaliyeed ka dhexeeyay waxaan la
    arkeyn waa sidii(ODAY XAAD) u yiri Gabadhaan ku dhalay aa Gabar
    kale ku dhashay, Mar Khalidoow ma garab weydeen inaad dhawr qof
    idin suurad xumeynaya is qabataan, ummadii Soomaaliyeed raaligelin
    ka doontaan si aan dalkii dib ugu wada dhisno, maadaama aanu nahay
    Walaal, xigto, xigaalo,xidid, iyo wiil iyo abtigiis, ahadsanif

  18. Wallahi I watched a long version of this video and that lady who throws the rock from right direction and then runs infront of the car to free the child on the left side of the car is the new XAAWO TAAKO and we need to make her symbol of struggle in the Somali spring.
    People fighting for their dignity and honour.
    Guul shacabka.

  19. SC.
    Hiraab.
    War waan ku aqaanaa oo waxaad raadinaysaa hadal iyo dambi ee beelaha Hiraab wax wanaaga uma haysid ee ka leexo Albaabka.

Comments are closed.