DAAWO: Xasan Sheekh “Somaliland, iyagaa Amuurohooda xallista, iyagaa keligood meel fadhiistay”,

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray baaq nabadeed oo ku aaddan rabshadihii ka dhacay Somaliland. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xasuusiyey madaxda Somaliland inay soo celiyaan dhaqankii lagu yaqaanay ee ahaa inay si iskood ah u xalliyaan tabashooyinka dhex yimaadda.

“Waxaad ku faantaan, annaguna aan idinkula faraxsannahay oo aan idinkula faanno ayaa ah, in Soomaalidu intay meel keligeed fadhiisato, ay keligeed heshiin karaan, Tusaale ayaan idiin soo qaadanaa.” ayuu yidhi madaxweyne Xasan, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyey

” [Somaliland] iyagaa Amuurohooda xallista, iyagaa keligood meel fadhiistay, iyagaa ku heshiiyey, iyagaa ku dhaqmay, iyagaa ku bullaalay ayaan dhahnaa, waa tusaale ka suuragala Soomaalida oo dhan, inay sidaas yeelaan ayaan dhahnaa, Maanta faankaa hore iyo magacaa hore ee aad sababta u ahaydeen, yaanu innaga wada hallaabin, dhibaatadu keligiin idinku koobmi mayso ee Soomaali oo dhan ayay wada gaadhaysaa” ayuu sii raaciyey.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay madaxda Somaliland inay si nabad ah u xalliyaan khilaafka haatan taagan, oo ay ka hortagaan inay u baahdaan in cid debedda ahi soo farogeliso.

“Walaalayaaloow ha gaadhina meel debedda la idinka soo faro-geliyo, meelaad u baahataan in Soomaali kale ay idiin timaaddo, ama uu ajnebi inuu idiin yimaaddo, ha gaadhina, waxa keliya ee aad uga baaqan kartaan ayaa ah inaad wada fadhiisataan oo aad heshiisaan” ayuu yidhi madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

PUNTLAND TIMES 

14 Comments

    • Aryaa siyaasad fara-dheer ha ku mashquulin. Kabahaaga iska tolo.

      Tumaaladu biraha ayey ka shaqeystaan, reer Baraawana kabaha ayey tolaan.

      Hawshaada iyo xirfaddaada ha dayicin.

      Hoyadaa iigu salaan iyo Minneapolis. Duqii Marreexaan waa hawl-gab.

      Waa inaan gacan siiyaa miskiinka.

  1. @Dameerta Guud

    Bal doqonkaan fiiriya, meesha uu ka oran lahaa Thank You Mr. President ayuu ku tilmaamay Xasan Shiikh wax tabar yar. Wanaaga iyagan waa uga sii dartaa. They think Kindness equals Weakness. I guese that is why we call them Qaldaans, kkkk. The fact is, Madaxweynaha Soomaaliya kun jeer wuu ka awood badan yahay Soomaalileenta, Al Xaqiiqa!

  2. Waa TALADA dhabtaa ee mudan in diiradda la saaro.

    Somaliland waxaa codeeyo shacabka sidaas daraadeed waa inay musharixiintu Codka shacabka ku kalsoonaadan, sidoo kale waa inuu Madaxweyne Muuse Biixi xaq dhowro System kii uu ku yimid oo ah, qof iyo cod.

    Dhaawaca Somaliland waa sii quusidda Somalia ” nin WALAALKIIS Jabenyahay asna isma Dhaawaca.

  3. Kursi lagu dhago waa Middii u quusgoysay Farmaajo ee uu fadeexo iyo Taariikh la’aan kala tagey Villa Somalia.

    Shacabka Somaliland fir uma lahan kursi la isku dhajiyo iyo Dictatorship, waa dhaliyeyaashii xornimadii 26th June,
    Waana soo celiyeyaashii Democracy la kufsadey 21kii OCTOBER 1969.

    ” Dulmidiidow Dulmidoon haysku noqon”.

  4. Low IQ culusow

    Horuu usheegay oo dhahay “uma socono somalilayn”, taasi waxay ku tusaysaa inuu aad ugu qanacsan yahay Guddomiye gobolka Banaadir..

  5. SALAAMU CALEEKUM

    XASAN DHIIQO, wax kale ma rabbo, in uu baasiin ku shubbo, waxa yadh ee isku haaystaan dadka walaalaha ee IIDOOR…

    War IIDOOR dantiina guud ilaashada… Hadii aad Ilaashanweydaan oo tashanweydaan, XASAN DHIIQO lee idiin talinaya..

    WALAAHI xoogaa dhaqaalaha lee idiin soo dirayaa, se aad isu laysaan… war dantiina garta, oo albaabada isu xirta.. yaan qofna idin soo dhex gelin.

    WA BILAAHI TAWFIIQ

    • Aryaa siyaasad fara-dheer ha ku mashquulin. Kabahaaga iska tolo.

      Tumaaladu biraha ayey ka shaqeystaan, reer Baraawana kabaha ayey tolaan.

      Hawshaada iyo xirfaddaada ha dayicin.

      Hoyadaa iigu salaan iyo Minneapolis. Duqii Marreexaan waa hawl-gab.

      Waa inaan gacan siiyaa miskiinka.

    • Aryaa siyaasad fara-dheer ha ku mashquulin. Kabahaaga iska tolo.

      Tumaaladu biraha ayey ka shaqeystaan, reer Baraawana kabaha ayey tolaan.

      Hawshaada iyo xirfaddaada ha dayicin.

      Hoyadaa iigu salaan iyo Minneapolis. Duqii Marreexaan waa hawl-gab.

      Waa inaan gacan siiyaa miskiinka.

  6. MashaAllah waa farriin nabadeed oo lagu yaqaanay Madaxweynaha Qaranka Mudane ahna Nabadoon Xasan Shiikh.
    Reer Isaaq qaar badan kamid ah iyagoo ku faraxsan qaraxyada Muqdisho, ayaan anagana ku faraxsanahay nabadooda.
    Faqash iskaba dhaaf! Waa dad jecel dhibka Soomaalida.

  7. Ar adduun ood ku daahdo ama cimraagaadoos dheeraado geel dhalaayaas ku tusaa.
    Maanta waa kaas jamhuuruyad isku sheegii SNM maanta isku dhagan oo iyagii bur bur looga digayo, waa nimankii soomaaliya hagrayay oo maanta iyagii isku maqan, wallee askari muuse bixaar waa nin ragga maadaama uu feysal dhurwaa meel saaray SNM_madaxa isku galiyay ee aan aragno halka sheekadu caga dhigato.

    • Hiraab
      Madaxweyne Muuse Biixi wuu tagi, SNM way sii jiri doontaa, shacabka Somaliland-na waxahay ilaalinayaan dalkooda .Ha noqon xaasid doqon.

  8. dhiiqo lagudaray dhiiqo lagudaray bahane lagudaray gargaar xade lagudaray abaarso waxay lamidyihiin carayaa sheega?

Comments are closed.