DEG-DEG+AKHRISO: DFS oo ku baaqday ilaalinta madax-banaanida Shiinaha

Dawladda Soomaaliya ayaa taageertay Madax banaanida dal-weynaha Shiinaha, is heynta Mareykanka iyo Shiinaha-na waxay garabka saartay dhinaca Shiinaha.

Waxayna sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay, xili ay Mareykanka iyo Xulafadiisu doonayaan difaaca Taiwan.

Soomaaliya ayaa ku baaqday in la ixtiraamo madax banaanida dhuleed, siyaasadeed iyo jiritaan ee dhul-weynaha Shiinaha.

Qoraalka oo lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee wasaaradda Arrimaha dibada Soomaaliya ayaa lagu cadeeyey in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah dhulka Shiinaha.

Xukuumaddii Farmaajo ayaa horey ugu dhiiran waayay in khilaafka Shiinaha iyo Mareykanka mid gaar loogu hiiliyo.

PUNTLAND TIMES 

22 Comments

  1. Wax aan ku raacsanahey hassan sheikh tan abaa ka jirta tageer shiinaha Taiwanta xun aab faraha nagala baxi La oo somalia affairs ka dhamaan La, qabso Waliba sida ruuska oo kale wasaqda

    • Iyadoo maraykanka uu xukuumada xassan sheekh ul booc ah ugu soo kutubaayay
      Ayuu chine taageero af ah siiyay maxaa xigi doono ??
      Hadaba
      Xukuumadda Washington ayaa, sidda illo lagu kalsoonaan karo ay sheegeen waxay ka walaacsan tahay “saameynta xun ee ay ku yeelan karto taageerada Congress-ka”.

      Xeerka Leahy Law ee soo baxay 1997-dii ayaa mamnuucaya in Maraykanka uu taageero dawlad kasta oo cilaaqaad toos ah la leh kooxaha argagixisada iyo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha.

      Sharcigan ayaa shaki wuxuu horseedi karaa in maamulka cusub ee la wareegay talada Soomaaliya uu waayo taageeradda maaliyadeed iyo mida dhaqaale ee ay ka hesho Ameerikaanka.

    • Shiine muxuu kutaraa, badda ayuu kalluunkaa kaa xadaa, kuwa ciidamada lacagta siiya iyo barlamaanka iyo Hassan shiikh waa Maraykan iyo xulafadiisa, ruush iyo china waxba ma bixiyaan, ninkii biika ku siinayey baan ka hor imanaa, macnaheedu waa gacantii bariiska i siinaysay baan qaniinayaa, gaajo uun baa kuu xigta, dawladdan Masar iyo China raacday midna wax lagama faa’iido, tan kale Taiwan gacmahee kaala bixiweyday, adi Somaliland miyaad ka soo jeedaa maxaa kaa galay, Somaliland Taiwan horteed bay kaa go’day, gadaasheedna waa go’ay maxaad ka qaban kartaa, caawa Itoobiya 5 gobol bay soo gashay, adna cirka aad ka hadlee

  2. Low IQ culusow

    Bacaluul is yeelyeel, wabiga Nilekana nama quseeyo inaad bayaan cad kusoo saartaad ubaahan tahay.

    Maraykanka 1971 buu Taiwan wax kasta ka xayuubiyay, xataa Taiwan veto power bay lahaan jirtay, hadda maraykan dawlad madax banaan uma aqoonsana…

  3. subxaana laah walaahi dawladii soomaaliya waxay noqotay meel moxog iyo falfaliir digireed lagu karsado. waaa dad aan meel aaduun marayaba lasocon iyo taarikhdii soomalia ee caanka ku ahayd inaan labo dal oo is haya loo kala hiilin. markuu digirta ka dhergo buu dhahayaa aryaa qor unukaa madaxwaynaaye

  4. YET ANOTHER STRATEGIC BLUNDER

    Runtii, khilaaf kasta oo madax-kusheegyada Soomaaliya dhexdooda ka aloosan, waxay jab weyn iyo dhaawac xun qarannimada dalkooda iyo dadkooda ku noqonayaan in ay Addis iyo caasimado kale oo shisheeye ugu kala dhuuntaan oo midba hoostaas laga lasoo faqo. Fashil iyo fadeexad ka weyn majiraan xaqiiqatan.

    Soomaali Maxamed iyo adduunyada oo dhan ayaa la amakaagan qaabka uu Xassan Sheekh u dhaqmayo iyo qaladaadka istraatijiyaadeed iyo diblumaasiyadeed ee taxanaha ah ee uu ku dhex dabaalanayo. Dabcan, in uu islis siyaasadeed iyo diblumaasiyadeed waddamada ka dhexeeyo doqon uun baa moogan, laakiin waxa uurka kaaga jira waa la siraystaa e toos wax loo ma colaadiyo.

    Xassan Sheekh waxa is tusay oo qaatay runtii Allaahu Aclam, waxaase caddaatay in isloogankiisii uu isu rogay mid cagsigiisa ah oo noqday: “Soomaali col ah oo dunidana col la ah”.

    Sidii aan marar badan oo hore ku taliyay, Soomaalida maanta waxaa Rabbi (SWT) ku samatabixin karaa iyada oo saddex tallaabo qaadda, labada ugu horreeyana ay yihiin sidan hoose.

  5. 1. In ay dhisato Guddi Goshiyeed oo ka unkan aqoonyahannadeeda, waxgaradkeeda, cuqaasheeda ugu xadaaradsan.

    2. In ay yagleelato Guddiga Culimada Salafka oo ‘Majlisu Shuuraa’ u dhigmaya.

    Guddiyadan oo goonnidooda u kala taagan ayaa waxaa laga sii unki lahaa gole qaran oo isku dhaf ah ee loogu magacdaray Golaha Qaran (Supreme Council) oo ka kooban xubnaha labadaas guddi madaxda sare ka ah iyo guddoonnada baarlamaanka federaalka.

    Golaha Qaran iyo huwaab kale oo aanan halkan weli ka sheegin dowladnimada iyo qarannimada Soomaaliyeed u noqon lahaa marjaca kama-dambeyska ah ee uu Rabbi (SWT) annaga iyo jiritaankeennaba ku badbaadin lahaa.

    Shacabweynaha Soomaaliyeed waa in uu dhaado in uu isagu dowladnimadiisa iyo qarannimadiisa qummaati gacanta ugu dhigi karo oo maareysan karo, uuna qalad weyn yahay in uu siyaasiyiinta aan aaminaadda lahayn aayahiisa qaaliga ah uga daba fadhiisto oo kuna halleeyo.

  6. Bal maxaa Soomaaliya dhex geliyey 2 Maroodi oo is hardinaya?!!

    Waa tee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee shaqeeysa ee aay Soomaaliya maanta leedahay baaqa noocan ahi soo saari karto!

    Dad Daawo dhacday iyo Cabdalla Shideeye aay camal u ahayd marka talo Dal aay gacanta ku dhigaan dhiiqadan ayeey dhex fariistaan!

    Waa maxay taageerada aay “China” Soomaaliya oga baahantahay? Yaase Afka gacanta ka geliyey Cawaantan ee hadla yiri?!!!!!!!!!

    Maalin kasta wixii uu Hawiye dhiiqeeyo iyo Badaha uu iibiyo ma Daarood baa saxaya?!

    Berri yaanan arkin idinkoo shigshigaya oo Amerika raalli gelin siinaya!

  7. Garaad laawe gurguurte
    wuxuu wadaa in somalia uu geliyo dab aysan shaqo ku lahayn
    Shalayto, waxay ahayd masar iyo Ethiopia
    Maantana MARAYKAN & SHINAYS
    Hadana miyuu xasaradaha isdiidan ee USA iyo China dhaxdoodi somalia geliyay
    Ninkaan waalan waddanka ayuu u horseedayaa in lala wareego hadaanan la iska qaban

    Somali waxay tiraah daa afeefo hore lahow ama adkeysi dambe lahaw

    Waxay kaloo riraahdaa inta aadan fallin ka fiirso

    Somali God ayay ku jirtaa waxaa udhiman in laduugo !!

  8. Hassan shiekh waa ku qaldanaa arinka Masar Lakiin midaan waa ku saxanyahey maxaa yeelay Taiwan ayadaa faragalin bilowday oo hargeisa dhex tagneed oo dal aysan shaqo ku laheen faraha kula jirtey mise danbiga laga Galo dakleena waa cafis yaan la eegin waxaa manta tagaan gobolada waqooyi ay macdan ka gurataa faraha Kula jirtaa all times
    Aniga hala wabsado ayada dhaba

    • One China policy

      Waa siyaasad caalamka oodhan qabaan oo soo jireen ah xataa maraykan qabo, 1996 maraykan xuduuda China iyo Taiwan maraakiib buu soo dhigay maantana galbeedka Taiwan buu ka daawanayaa waxa dhacaya.

      Waliba waa in low IQ culusow ka dalbadaa inay si degdega Hargaysa uga baxaan kooxda hargaysa ku sugan ee Chineseka Taiwan kasoo jeedaa.

      R.O.C waa republic of China oo Taiwan isu haysto inuu matalo boqortooyadii rasmiga ahayd ee xukunka China laga tuuray 80 sano ka hor.

      Almuhim tuuladaa danaha Somalia faraha lasoo gashay waa in la ciqaabaa..

      • Adiga oo gumeysi ku jira oo Amxaar injir leh ku gumeysto baad Taiwan oo ku jirta 30 dal ee adduunka technolog ga ugu sarreeya oo dadkeeda horumar gaarsiiyey oo xor ah, tuulo ku sheegaya, miskiin yaa dallas, adeer Somaliland haddaad necebtahay, waaba kaa tagtay maxaad u daba-socon, adiguba xor ma tihide,riyaha oo qaawan baa idaha ku qosla, Somaliland UAE baa joogta oo dhisaysa, Itoobiya, Turki, Djibouti, maxaa wax loo dhihi waayey

  9. Mid in La, ogaado fiican Taiwan is not a country dal madax banaan Mahan waxaa calamku u mareykan EU ugu horeeyaan ay aqonsanyahiin in China ka midtahay hadii aysan faraha laso Gali laheen arimaga somalia haa ka Amus Lakiin anaga a danbi nalaga galey qaranimadeena laguso gafey waa in ay isaga baxaan dakleena one China policy adunka dhan aa aminsan not hassan sheikh kali ah aniga oon difaceen Lakiin asaga waxii La socda qaranimada igala weyn

  10. Madaxbannaanida China miyaannu taageernay maantana?!

    Si buuxda baan u taageersanahay mawqifka jamhuuriyadda Soomaaliya ee ku aaddan xiisadda jamhuuriyadda China kala dhaxaysa Taiwan, ee ah in la ixtiraamo madaxbannaanida China, oo Taiwanna tahay dhul ka tirsan China.

    Waxaase idweydiin leh waxa ay Soomaaliya uga hadli la’dahay oo ay bayaan uga soo saari la’dahay in la ixtiraamo madaxbannaanideeda dhuleed & badeed, innaga oo wada og in waddamada ay ugu horreeyaan Itoobiya, Kenya, Imaaraad & quwadaha ku midoobay caasimadda Xalaneba ay si toos ah & si dadbanba ugu xadgudbaan qaranimada Soomaaliya?!!!

    Maxaa, haddaba, lagu fasiri karaa bayaankan? Xornimo & madaxbannaani heshiis “qaad” lagu beddesho waan aragnay. Siyaasaddii arrimaha dibedda oo la “dullaalana” waa haaynaa. Toloow siyaasadda arrimaha dibeddana yaa loo xiray, tii ka ganacsiga maandooriyaha miirooga waannu aragnaye? Waar noo soo magacaaba dadka siyaasadda arrimaha dibeddana loo xiray.

    Gunaanadkii, waxa aan madaxweyne Xasan & xertiisa bedbaado-qaran, ee dhistay xukuumadda dan-qaran u sheegayaa in ay “dullaalnimadooda” iska wataan. Siyaasaddii jamhuuriyaddu hadday “muufaysi” noqotay waa mushaakil inteeda le’eg. War kala waa sugaynaa haddii la noolaado.

    • China waxay difaacday midnimada Somalia

      Ciddii aan ogayn China waxay difaacdaa si joogto ah midnimada Somalia haday tahay golaha amaanka iyo haday heer gobol tahayba. Waxaana ugu dambaysay inay ku qasabtay wadamo African ah inay ka laabtaan taageero ay umuujiyeen kooxda gooni goosatada ee HARGAISA. Waxaana ugu dambaysay Guinea oo Emirateska laaluush siiyeen si ay biixi u buunbuuniyaan.

      Marka meesha alifleey siyaasadeed badan baa iiga muuqda. Low IQ culusow waa arinta kaliya ee uu asiibay so far..

  11. Somalia waa dal madaxbanaan kuna fadhin dhab gooniya sida ” dhabta Ethiopia ” iyo Dangooniya sida danta Mareykanka nalooma yeeriyo.

    Shacabka Soomaaliyeed iyo America horey ayay isu tijaabiyeen, waana ka adkaanay ” black Hawd down ” inaan hadda uga dhiiban weyno figraddeena ku Aadan China lagama yaabo.

    Maxaa looga xanaajiyey Ethiopia
    Maxaan loo Booqan Addiss Ababa
    Maxaan loogu fadhiisan dhabta Abiye Ahmed.

    Waxaan ka aheyn Allaha Waaxidkaa oo aan ka baqno ayaa yar.

  12. Asc

    Ma indho qabiil baa lagu fiiriyey arrinta ONE CHINA POLICY ee xataa maraykanku aaminsanyahay ?

    Waxaan xasuustaa dowladdii Farmaajo oo taageertay Ukraine madaxbanaanideeddda dhuleed, cireed iyo baddeed kana soo hor-jeesatay Russia oo rabta xuquuqda Dumbas Region oo dad Russian ah deggan yihiin sida Soomaali Galbeed !

    Soomaaliya ma waxeey aqoonsanahay madaxbanaanidda dhuleed, cireed iyo baddeed ee Ethiopia ?

    Intaas ka bacdi,…..

    Aniga oo og in…..
    Arrinta loo socdo tahay in Soomaaliya la ilaaliyo madaxbanaanineedda dhuleed, cireed iyo badddeed maadaama Soomaliland leedahay waa ka go”nay Soomaaliya inteeda kale..

    TAASNA HADDA REER GALBEED MA RABTO,
    HADDEEY RABTANNA LAMABA CELIN KARO

    The secret is to recognize and support Somali region of Ethiopia while defending Somali union as whole

  13. Somaliyey bal eega sidaa bada somalia lo dhacaayo waa map live ah click map zoom african somalia xebaheena waxna Kuma harin hadaa eegto wadadama kale waa blue qofna Kuma jirto kuweena alla u maqan maamul gobeldkasta waa sarriftey somalia waxaa ay ledahey 375 km laga bilaabo xebta ilaa gudaha bada maraakiib aa xeebta 20km iyo wax ka yar u jiraan dadkii lahaana baahi u dhimanayaan waxanaa igu badan marakiibta Chinese ah iyo Taiwanes chines websitkaan globalfishingwatch.org dot org kana hormar sadaxda W map hoos ah ku dhifo somalia so qabo xebaheena waxaad arkee. Xitaa cida u diwangashanyahey

  14. US drone strike attacks the people of Somalia killing innocent fronm 1990 until today. The United States, Europian countries alongside with thier key of Kenyan so called united nations. had destroyed the nation of Somalia for more then 30 yearsand are still killing our nation.This countries made us refugees in united state, and other Europien countries. and Somalia people are killed for nothing in United state and other eopien countries over the last 30 years and are still killing our innocent nation of Somali. This should stop. We don’t want to be refugees in untied stated and other europien countries any more. Stop!!!!!!!!!!!!!. Let Africa be!!!!!!!!!!!!!!!

  15. So called united nation and united state and other Eurpien countries, please stop displacing people of Africa.

    African people are killed in united state of America like animals.

    Stop,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*