DAAWO: Puntland oo bixinaysa 1 milyan oo kamid ah lacagta Manhajka waxbarashada

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Shirkada qaabilsan daabacaada manhajka Waxbarashada Dugsiyada Puntland.

Kulankan ayuu Madaxweynaha Dowladda Puntland warbixin ku saabsan Manhajka Puntland kaga dhegaystay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, falanqeyn iyo dib-u-eegis lagu sameeyay qiimaha Buugaagta iyo sidii culayska looga yareyn lahaa Waalidka, waxaa Kulanka laga soo saaray go’aamadan.

1. In qiimihii ahaa $5 Dollar oo Madbacadaha midoobey ee Puntland ay ku qoreen Buuggaagta Manhajka Puntland, uu ahaa mid macquul ah markii la eegay Kharashkii ku baxay qorista, daabacaada iyo ka shaqeynta. Maadaama Dowladdu aysan haysan cid ka caawisa shaqadaa.

2. Waxaa la go’aamiyey iyada oo la eegayo duruufaha lagu jiro awgood in qiimaha buugta Dugsiyada sare laga dhigo $3 Dollar.

3. Dowladda Puntland waxa ay qaaday inay bixiso $ 2 Dollar oo u dhiganta $ 1,000,000 hal Milyan oo Dollar, iyada oo waalidiinta Puntland laga dulqaadaayo culayska saarnaa ee ku aadana qiimaha buuggaagta.

4. Waxaa maanta dib loo fasaxay iibinta Buuggaagta manhajka Waxbarashada Dugsiyada sare ee Puntland.

Sidaa darteed Kharashka $5 doollar ee daabacada Buugta waxaa loo qeybiyay labo meelood, $2 oo u dhiganta $1Million Dowladda ayaa bixinaysa, $3 waxaa lagu iibinaya buugaagta manhajka. Waa markii ugu horeysay ee Dowladda Puntland ay yeelato manhajka Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare mudo 24 sano ah.

PUNTLAND TIMES 

3 Comments

  1. war Deni yaa la taliya war madxweeyne kheer hele walaalo bada intaas le’eg baad heystaa daku manhaj wax barasho badeed baa manta loo baahanyahay duninda dagaalo ku soo fuuleh meelfog wax ka eeg dhulkii waxaa kabatay dhilyaro waxma trayaal qurun khaad qabil qamri shaqadoodi noqotay calmkaan qofkii xirfadle baa noolaan kii kale tuug iyo dilaa buu noqona xirfada bada askarta iska tagtaagn malyan bar.Halka malyan doolar walaahi dumarka jaad gada baan siin laha kaluunka intay qalajiyaan bakhaaro ka buxsadaan beey sidii dahabka ugadan lahaayin carbta cumaniyiinda ayaan ku arkay xaniid baa layiraada.Najaasata iyo duliga jaaduku baday dhalinta waalaga reeysan laha

  2. a

    Waa run oo hal Milyan waxuu dhisi karaa dugsi heer sare ah ee dhalinta lagu baro xirfado Kala duwan sida waxsoo saarka bada, solar ka, alxanka iyo bir tumiska, Farshaxanka iyo dismaha noocyadiisa kala duwan.

    Waxaan aaminsanahay in 90% waaridiinta puntland ay awoodaan 5 doolar sanadkii oo ilmahooda ku kaafeen karaan. 10% soo haray ee saboolka ah waxaa deeq u fidin Kara macjayada maadaama ay faiido badan Heleen.

    Hadii wax la qabanayo waxaa la qabtaa wax noqonaya wax ku ool oo dowr Farcan kaa dhaxli kadho

Comments are closed.